Taliye Ku Xigeenka Bilayska Oo Shalay Ka Dhex Toosay Haween Dalbanayey In Xoriyada Loo Soo Celiyo Sheekhii Xisbulaahi
Hargeysa, December 29, 2011 (Haatuf)-Haween isku soo bax cabasho ah ah ka muujinayayxadhiga gudoomiyihii ururka Xisbulaahi Sheekh Maxamuud C/llaahi Geelle iyo xubnaha kale ee ururkaasi ee Ciidamada amaanku xabsiga u taxaabeen tododobaadkii hore oo shalay isku soo bax cabasho la hor tagay Qasriga Madaxtooyada ayaa Ciidamada amaanku ay ka dhex tooseen, isla markaana kala dareeriyeen.
Haweenkan oo tiradoodu gaadhayso ilaa sodomeeyo, oo ku labisnaa dharka Xijaabka oo shalay subax socod Madaxtooyada horteeda oo sheegay in isku soo baxoodu salka ku hayo inay cabasho ka muujinayaan masuuliyiinta urur diineedka Xisbulaahi ee xabsiga ku jira, ayaa agaasimaha xafiiska xidhiidhka dadweynaha ee Madaxtooyada Cismaan Cabdi Awr Liqe oo halkaasi kula hadlay ayaa waxay haweenkaasi ugu gudbiyeen qoraal cabasho ah oo ay ku socodsiiyeen Madaxweynaha oo nuxurkiisu xambaarsanaa in xoriyadooda loo soo celiyo xubnaha urur diineedka Xisbulaahi ee xidhan.
Haweenkan isku soo baxa cabashada ah ka hor oogay jidka hormara Madaxtooyada, ayaa markii dambe waxa goobtaasi ka kala dareeriyay Ciidamo uu hogaaminayo Taliye ku xigeenka Bilayska C/raxmaan Fooxle, hase yeeshee kooxdaasi haweenka ah ciidamadu wax xidh ah umay gaysan, balse waxay ka dareeriyeen goobtii Jidkaasi, isla markaana dhanka bari ee jidka ayay markii dambe ku ururiyeen.
No comments:
Post a Comment