22 December, 2011

Qaar Ka Mid Ah Xubnaha Baarlamaanka Oo Sheegay Inay UDUB Iska Soo Sharaxayaan

Qaar Ka Mid Ah Xubnaha Baarlamaanka Oo Sheegay Inay UDUB Iska Soo Sharaxayaan

Hargeysa, December 22, 2011 (Haatuf)-Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah Mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doortay xisbiga ee gobolka Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inuu isku taagayo musharaxnimada jagada Madaxweynaha xisbiga Udub, iskana soo sharixi doono shirwaynaha golaha dhexe ee Udub, waxaanu intaa ku daray in musharaxa jagada madaxweyne ku xigeenka uu wataana yahay mudane Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka mid ah mudanayaasha wakiilada Udub ee laga  soo doortay gobolka Selel, waxaanu tilmaamay in marka la gaadho shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga Udub ay si rasmiya uga tartami doonaan jagooyinka musharaxnimo ee ay ku dhawaaqeen inay u taagan yihiin.

Mudane Cali Sheekh Ibraahim Aareeye ayaa sidoo kale cadeeyay inuu si rasmiya ugu taagan yahay musharaxnimada madaxweyne ku xigeenka xisbiga Udub, cadeeyayna in hankaasi musharxnimadu muddo dheer uu ku hamiyay, isla markaana dalka uu hore uga soo qabtay jagooyin wasiirnimo, wakhtigan xaadirka ahna ka tirsan yahay golaha Baarlamaanka Somaliland, waxaanu tilmaamay inuu musharax madaxweyne ku xigeen u yahay saaxiibkiisa laga soo wada doortay Udub Mudane Xasan Cawaale Caynaan.

Mudanayaashaasi ayaa sidaasi ku sheegay xogwaraysi khaasa oo wargeyska Haatuf xalay la yeeshay, ugu horayna Md Xasan Cawaale Caynaan oo ka hadlaya musharaxnimada jagada madaxweynaha xisbiga Uudub oo arrinkaa ka hadalaya waxa uu yidhi "Waxaan halkan ka cadaynayaa inaan si rasmiya iskugu soo taagi doono musharaxnimada jagada Madaxweynaha xisbiga Udub marka la gaadho shirweynaha golaha dhexe ee Udub, markii aan arkay daldalooyinka dalka ka muuqda ayuu igu dhashay fikirkaasi, musharaxa madaxweyne ku xigeenkayguna waa Mudane Cali Sheekh Ibraahim Aareeye, sidaa darteed waxaanu diyaar u nahay in cidkasta oo iska soo sharaxda xisbiga aanu tartan la galayno xalaala la gali doono"

Xildhibaan Xasan Cawaale oo aanu waydiinay in damaciisan musharaxnimada Madaxweyne loo arki karo kaftan iyo sida uu u arko khilaafka ka dhex taagan musharixiintii ka horaysay, waxa uu yidhi "Wax kaftan ah ma gasho hanka musharaxnimadu, ninba ninkuu doono ha watee anagu golaha dhexe ayaanu ka dhex tartami doonaa, hanka mushaxnimadayaduna kaftan noqon mayso, anagaana xaq u leh oo marka horeba xisbiga Udub ee nalaga soo doortay muddadii aanu baarlamaanka ku jirnayna waayo-aragnimo balaadhan ayaanu ka kasbanay"

Sidoo kale Mudane Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo aanu isagana wax ka waydiinay in jagada musharaxnimada Madaxweyne ku xigeenka Udub uu u taagan yahay, isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi "Waxaan idiin cadaynayaa inaan jagada Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Udub u taaganahay, una tartami doono, muddo dheerna waan ku fikirayay inaan jagada madaxtinimada dalka isku soo taago, xilal hore oo wasiirnimno-na waan uga soo qabtay dalka, markii Musharaxiintii kale ee deegaanka Saylac aan ka soo wada jeednay ay doorashadii wakiilada iska casileena anigu waan diiday inaan iska casilo Musharaxnimadii Baarlamaanka, sidaa darteed labadayada musharxnimo ee wada socdaana waxaanu ka soo jeednaa gobollada galbeedka ee ugu codadka badan doorashooyinka gaar ahaan Hargeysa iyo Saylac, musharaxnimaduna igumay dhalan muddadii aan baarlamaanka ee waligayba way igu jirtay"

Maaha markii ugu horaysay ee xubno ka tirsan wakiiladu ay cadeeyaan Musharaxnimada jagooyinka ugu sareeya ee dalka, hase yeeshee waxa iyaguna musharaxnimadooda jagooyinka madaxweynaha hore u cadeeyay gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad C/casiis Maxamed Samaale ayaa isaguna hore u sheegay in uu xisbiga Kulmiye ee laga soo doortay iska dhex sharixi doono.

No comments: