27 December, 2011

Laba Qof ay aa ku Geeriyooday 8-kalena way ku dhaawacmeen Gaadhi Waaraad ah oo

Laba Qof ay aa ku Geeriyooday 8-kalena way ku dhaawacmeen Gaadhi Waaraad ah oo Galay Hotel ku yaala Magaalada Hargeisa.
labadda qof ee dhintay ayaa kala ahaa Biixi xasan caalin iyo
Muxumad aw jaamac aw magan, halka dhaawacyadduna kala ahaayeen...

Hargeysa (GNS)- Inta la og yahay laba qof ayaa ku dhintay ka dib markii Gaadhi nooca loo yaqaan Shambo ee ay somalidu tidhaaddo caga maydle uu dul maray hotel Sabaxareed oo ku yaala Dhinaca Koonfureed ee Magaaladda Hargeysa gaar ahaan xaafadda Gurya samo, waxana uu Hotelkani u dhow yahay Goobta loo yaqaan Sama Xareed oo ah ka soo hor jeedka Dugsiga Maxamuud Axmed Cali. 

wararku waxa ay sheegayaan in ay halkaasi ku dhaawacmeen Siddeed qof, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka guud ee Magalaadda Hargeysa. 

Dadkan uu gaadhigu dulmaray ayaa durbadiiba loola sooo cararay cusbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeyasa. 

labadda qof ee dhintay ayaa kala ahaa Biixi xasan cali iyo Muxumad aw jaamac aw magan, waxana ay uka dhinteen ka dib markii uu mid ahaan gaadhigu ka dul maray Madaxa halka ka kalena uu gaadhigu ka jiidhay Laabta. 

Dadka dhaawacmay ayaa iyana kala ahaa 
1) Cumar Cilmi Faarax 80 jir 
2)Najax Cabdi Daahir 
3) Maxamed Xusen Xandule 
4) Yuusuf Axmed Daahir 
5) CLaahi Aadan Ismaaciil 
6) Xasan Yuusy Yaasiin 
7) Casayr Xareed Xasan 
dadkan ayaa caafimaadkoodda lagula taacalayaa cusbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeysa. 

Dhanka kalle waxa ay indhahaygu qabanayeen lafo daadsan, kuwaas oo lagu sheegay gacmaha wiil 22 jir ah, kaas oo ka mid ahaa dadka ku wax yooloobay shilkan. 

Lama garan karro sababta dhalisay in uu gaadhi dul marto Hotelka, balse warar ayaa sheegaya in gaadhiga oo bilaa Bireeg ahaa u sababay khasaarahan 


Cali-mahdi Cismaan Axmed 
Gabiley news reporter 
Hargyesa Office 
Contactgabiley@yahoo.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: