Hanti-Dhawraha Guud Oo Ka Warbixiyey Halka Ay Ku Danbaysay Lacagtii Uu WasiirkaMacdantu Ka Qaaday Shirkado Shidaal Ka Qodaya S/land
"Lacagta Wasiirka Macdantu Ka Qaaday Shirkadaha Shidaalka Qodaya Waa $ 175,000, Waxaananu Ogaanay In $50,000 Ay Ku Jirto Xisaabta Wasaaradda Ee Banka, Intii Kale-Na Waxay Ku Baxday Sifo Heshiiskii Lala Galay Shirkadaha Waafaqsan" Maxamuud Aw Cabdi
Hargaysa, December 28, 2011 (Haatuf) - Hanti dhawrka guud ee qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud dheere), ayaa soo saaray natiijada baadhitaano ay maalmihii u danbeeyay ka wadeen wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta, kuwaas oo la xidhiidhay halka ay ku dhacday lacago ay wasaaradu heshiis kula gashay shirkado ajnabi ah, waxaanu shaaca ka qaaday inaanay jirin wax lacago ah oo Wasiirka macdanta iyo biyuhu lunsaday.
Warbixintan uu shalay soo bandhigay Hanti-dhawraha guud ayaa waji gabax ku noqonaysa Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi, kaas oo shaqada dawlada uga tagi gaadhay khilaaf ku saabsan halka ay lacagtaasi shirkaddaha shidaalku bixiyeen uu wasiirka macdantu geeyey.
Maxamuud Dheere waxa uu tafaasiil ka baxiyey lacagta ay Wasiirka Macdanta iyo biyaha siiyeen laba shirkadood oo Canadian ah oo la kala yidhaahdo AZTANA OIL iyo OPHIR OIL, kaas oo tilmaamay in qadarka lacagtaasi dhamayd $175,000, isla markaana uu Wasiirka macdantu u maamulay sifo waafaqsan heshiiskii ay wada galeen xukuumadda Somaliland iyo labadaas shirkadood.
Hanti dhawrka guud ee qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud dheere) waxa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyey halka ay ku danbeeyeen baadhitaanadii ay ka wadeen dawladda hoose ee Hargeysa, kaas oo tibaaxay inay wali socdaan.
Hanti dhawrka guud ee qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud dheere) waxa uu sidaas ku sheegay shirjaraa'id uu shalay xafiiskiisa ku qabtay, kaas oo kaga hadlayey natiijada baadhitaano uu ku sameeyey Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, ugu horayna isaga oo ka hadlaya baadhitaanadaas waxa ka soo baxay, waxa uu yidhi "Anaga baadhistayadu maaha mid meel gaar ah ku waajahan waxayna u socotaa hab ah ilaalinta hantida qaranka, wayna noocyo badan oo way kala saraysaa oo hab caalamku u dhigay ayaanu baadhista u raacnaa, mar walbana baadhistu waxay ku xidhan tahay habka xeerka baadhistu u dhigay.
Waxa jirtay baadhis nooga socotay wasaaradda Macdanta iyo biyaha, gaar ahaan baadhis ku saabsan lacago wasaaradda ka soo gaadhay laba shirkadood oo dibada ah, haddii aanu baadhnayna lacagahaasi waxa ay ku salaysnaayeen heshiis dhex maray Wasaaradda oo dawlada Somaliland matalaysa iyo shirkadahaasi, heshiiskaasina waxa uu ahaa mid hore oo ahaa 2009-kii, hase ahaatee dib ayaa loo soo nooleeyay, heshiiskaasi oo ahaa mid shirkaduhu hawlo gaar ah ayay kaga qabanayeen Somaliland ama ay ka eegaan ahayd, waxa jirta shirkad la yidhaahdo AZTANA oo shidaalka ka shaqaysa oo mudadaa hore ee 2009-kii heshiiska lala galay, haddana dib loo soo cusboonaysiiyey, shirkadaasi hawlaha ay dalka ka qaban doonto inta aanay u soo cago-dhigan waxay ahayd inay wasaaradda siiso waxa la yidhaahdo (Capacity building) ama teyeynta wasaaradda sida tabobaro shaqaalaha ah iyo dhinaca isgaadhsiinta ama gaadiidka, lacagtaasina shirkadu way bixisay, lacagtaasina waxay ahayd lacag jeegag ah oo ku qoran magaca wasaaradda, wasiirka macdanta iyo biyuhuna jeegagii waxa uu ku wareejiyey baanka dhexe ee Somaliland, saddex jeeg ayay ahaayeen oo isku noqonaya $ 175000 doolar, jeegagaana waxa qabtay Guddoomiyaha baanka dhexe Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyaha baankaana jeegagii sarifay xisaab wasaaradda baanka uga furan ayayna ku dhacday, markii aanu baadhis samaynayna $ 50,000 doolar waxay ku jirtaa baanka, intii kale waxay ku baxdayna waanu helnay, waxayna ahayd mid waafaqsan heshiiskii lala galay labada shirkadood ee kala ah AZTANA OIL iyo OPHIR OIL, markaa lacagtaasi xisaabteedu si fiican ayay ku dhamaatay, markaa waxaanu umadda Somaliland u cadeynaynaa in lacagtaasi wasaaradda u soo gashay si waafaqsan heshiiskii Somaliland iyo shirkadahaas".
Hantidhawraha mar wax laga waydiiyey halka ay ku danbaysay dardartii uu hay'adaha kala duwan ee dawladda ku baadhi jireen, waxa uu yidhi "Baadhistayadu hoos umay dhicin ee baadhitaanadii hore ayaa dheeraaday, waayo baadhistu ma fududa oo marag muujin cad-baa loo rabaa, maxkamad-baa loo rabaa oo cadaalad-baa loo rabaa, markaa anagu runtii maanaan gaabin.
Way fiicantahay in wax la iskaga hor-yimaado laakiin anaga waxba nagama dhaxeeyaan (Wasiirka Maaliyadda) si fiicana waanu u wada shaqaynaa".
Maxamuud Dheer mar uu ka jawaabayey su'aal ku saabsanayd waxa dadkii ay musuqmaasuq ku xidheen loo horkeeni waayo Maxkamadda, waxa uu isku difaacay "qofku waxa uu noo xidhnaadaa 45 maalmood oo aanu ku dhamaystirno dacwadiisa oo aanu u gudbino, dacwado socda hadda way jiraan oo kuwii Burco way socdaan, hase-yeeshee wakhtiga waxa qaata qofka oo difaac dheer diyaarsada iyo anaga oo dood dheer keena iyo Marag muujin oo wakhtibay qaadataa, laakiin haddii uu nagu muddo dhaafo qofka xidhan dibada ayuu u soo baxayaa".
Isaga oo hadalkiisa sii wata, kana hadlaya baadhistii ay dawladda hoose ee Hargeysa ka wadeen, waxa uu yidhi "Dawlada Hoose ee Hargeysa muddo dheer ayaanu baadhaynay imikana meel gabo-gabo ah ayay noo maraysaa oo ka hor-dhici mayo, Gobolka Saaxil-na baadhis ayaa nooga socota Saddex maalmood-ba, xukuumadda dhexena saddex baadhisood ayaanu ka wadnaa".
Ugu danbayn isaga Hantidhawraha guud Maxamuud Dheere ka hadlaya khilaafkii soo kala dhex galay Wasiirka Maaliyadda iyo Hantidhawrka, waxa uu yidhi "Wasaaradda Maaliyadu waa halbowlaha dhaqaalaha dalka, waa run waanu iska hor-nimid wayna fiicnayd inaanu iskaga hor-nimaadno oo aanu hawlaha isku qabano, laakiin aniga cid xidhan ( U Xidhan wasaaradda Maaliyadda) oo I soo gaadhay ma jirto kamana jawaabi karo.
Lacagta wasaaradda Macdanta iyo biyuhu heshay waa lacag shaqaalaha wasaaradda lagu tababarayo, lacagta wasaaradda Macdantu sanadka xeraysayna waa 173,000,000,000 oo shilin Somaliland ah oo dhammaanteed ku xerootay khasnada dawlada, laakiin lacagta shirkadaha Shidaalka qodaya laga qaaday waa lacagtii tabobarka shaqaalaha oo sida heshiisku yahay ayaa loo raacayaa ee maaha dakhligii wasaaradda Maaliyadda".
No comments:
Post a Comment