01 December, 2011

Gobolka Hawd Oo Ciyaartii Kubadda Kolayga Guushu Raacday Kana Badiyey Gobolka Awdal.


Gobolka Hawd Oo Ciyaartii Kubadda Kolayga Guushu Raacday Kana Badiyey Gobolka Awdal.

Hawd: 48 Awdal: 42

Gobolka Hawd ayaa furitaankii Ciyaarta Kubadda Kolayga caawa ka badiyey Gobolka kale ee Awdal, waxaanay Ciyaartani ahayd Ciyaartii Furitaanka Kubadda Golayga ay ku tartami doonaan Sideed Gobol oo Somaliland ah. 

Ciyaartan Caawa ka dhacday Magaalada Burco oo Furitaan u ahayd Ciyaarta Kubadda Kolayga ayaa waxa ay 48-gool Guushu ku raacday Gobolka Hawd ee Caasimadiisu tahay Magaalada Baligubadle, halka ay Gobolka Awdal oo Caasimadiisu tahay Magaalada Borame ka keensadeen 42-Gool. 

Guud ahaan Ciyaaraha Kala duwan oo ay Sideed Gobol oo Somaliland ka tirsan ku tartamayaan ayaa maanta ka furmay Gobolka Togdheer Caasimadiisa Burco, waxaana Ciyaaraha kala duwan ee maanta ilaa Caawa la ciyaaaray ka mid ahaa Ciyaaraha Kubada Cagta, Kubadda Kolayga iyo Orodada. 



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: