25 December, 2011

Duleedka Yagoori oo Xalay lagu Dillay Nin Gaadhi watay oo ka soo jeeda Bariga Burco

Duleedka Yagoori oo Xalay lagu Dillay Nin Gaadhi watay oo ka soo jeeda Bariga Burco
Aabaha dhalay wiilka dhintay oo saxaafadda Doraad la hadlay ayaa ku hanjabay haddii la dhayalsado dhiiga inankiisa oo sharciga la horkeeni waayo

Tuuladda Guumays oo ku taala duleedka magaaladda Yagoori ayaa xalay lagu Dilay nin dirawal ahaa oo watay gaadhi rakaab ah oo ka soo baxay magaaladda Laascaanood, kaaso la odhan jiray Faarax Jibriil Harag oo ka soo jeeda Bariga Burco, una soo jeeday dhinaca Burco oo uu ka shaqeeyo. 

Ilaa hada Xukuumadda Somaliland kamay hadal Dilkaasi hase yeeshee sida uu ku soo waramay wariyaha Gobolka Togdheer waxa uu sheegay in ay koox hubaysani ka soo raacday gaadhigaasi Kantaroolka Laascaanood isla markaana isagoo maraya tuulada Guumays inta ay joojiyeen rasaas la dhaceen Dirawalkii waday gaadhigaasi oo ay bartilmaameedsadeen. 

Wariyaha ayaa waxa uu sheegay wararka ay helayaan in ay daaha ka rogayaan inay ahaayeen niman daba socday Dilkii dhawaan ka dhacay Yagoori iyo mid ka danbeeyay oo labadaba deegaanka Yagoori midna lagu dilay nin reer Laascaanood ah mid-na inta lagu bireeyay laga qaatay Qori iyo Lacag uu sitay. 

Labadan dhacdo oo si isdaba joog ah uga dhacay deegaankaasi ayaanay ilaa hada Xukuumadda Somaliland midkood-na aanay wax go'aan ah ka soo saarin iyadoo beesha laga dilay ninka hore xukuumadda u qabatay muddo sadex cisho ah in ay ku keento gacan ku dhiiglihii hase yeeshee dedaalo kale oo ay xukuumaddu samaysay inay arrintaa ku dejiso ku guul daraysatay. Halka ka dhaawaca ah aan raad-na laga hayn cidii biraysay. 

Aabaha dhalay wiilka dhintay oo saxaafadda Doraad la hadlay ayaa ku hanjabay haddii la dhayalsado dhiiga inankiisa oo sharciga la horkeeni waayo cidii dishay inay cawaaqib xumo keensan doonto. 

Sida ay wararku sheegayaana Dilka xalay oo aan ilaa hada cid loo hayn ayaa abuurtay cabsi dheeraad ah oo la soo deristay dadka socotada ah ee ka soo kala jeeda labada Beelood ee Ood-wadaagta ah ee Togdheer iyo Sool kuwaasoo qaatay dareen ah in Dilalka deegaankaa ka dhacay ay sababi karaan dhaqaan Xumada aan sharciga Waafaqsanayn ee Aanada.

No comments: