29 September, 2011

Madaxweyne Siilaanyo oo Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey Basaas Cali Warancade iyo Siciid Sulubna....

Madaxweyne Siilaanyo oo Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey Basaas Cali Warancade iyo Siciid Sulubna Yidhi waxaan Idinka saamaxay Musuqmaasuqii aad samayseen si aanay wadajirka wax u yeelin Mahigana Difaacay.

posted by: Axmed Kulan-Togaherer
Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo caawa shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland Abaara 12:30 Saqda Dhexe Shirkaa Jaraa`id oo aanay Goob joog ka ahayn Saxaafada Madaxbanaani se loogu qaybiyey Cod ahaan, waxa uu si kulul u weeraray Guddoomiyaha UCID Iyo Md Cali Waranacade iyo Md Siciid Sulub oo ah madaxda Sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB waxanu si weyn u difaacay Mahiga.

 Madaxweyne Siilaanyo oo ugu horeyn ka hadlay Gurmadka Abaarha Somaliya ee Somaliland u dirtay ayaa sheegay  "Marka u horaysa dalka Somaliland waa dal muslim ah waa dal caalamka ka mid ah oo dhibaatooyinka iyo abaaraha ka dhacay dalka Soomaaliya ee caalamku u gurmaday inagoo og in abaartu ina saamaysay, haddana waxa waajib ah oo xil inaga saaran yahay in dadka muslimka ah dadka Soomaaliyeed ee walaalaheen ah ee dhibaatadu soo gaadhay  inaynu u gurmano oo aynu wax ka tarno waajib, xil iyo masuuliyad ina saaran buu ahaa. Ta aynu yeelay ee aynu caalamka kala mid ahayn ee aynu ILAAHAY-na ka baryayno inuu abaal iyo ajar inaga siiyo, inagana magac iyo sharafi inoogu jirto. Waxa ay ahayd mid aynu  ku faanayno, dadweynaheenuna uu ku mahadsan yahay intii gacan ka geysatay, intii qaaday iyo intii ka hawl gashayba."

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata una jawaabay Hadal ka soo yeedhay Sheekh Shariif waxa uu yidhi "Waxaanu leenahay ninka shariif la yidhaahdana  walaalahayaga reer Koonfureed (Soomaaliyana) waxaanu leenahay walaalayaal haddii aanu soo gurmanay oo nabadgelyo u soo gurmanay oo dadkayaga u soo gurmanay, ma aha inaanu ka noqonay madax banaanidayadii iyo gooni isu taagayagii oo aanu nahay qaran xor ah oo u soo halgamay qaranimadooda maantana aanu halkii taagan nahay sidaasna aanu ku wadayno illaa aanu aqoonsi iyo ictiraaf ka helo adduunyadda, waxaan leeyahay dadweynaha Somaliland yaan la idin bah dilin, yaan been la idiin sheegin ee aynu gacmaha is qabsano aan wada jirno oo xoriyadeenii iyo ictiraafkeenii sidii aynu u wada dooni jirnay gudo iyo dibadba  aan u wadno."

Madaxweyne Siilaanyo ayaa mar uu la hadlaayay Eng Faysal Cali Xuseen waxa uu ku eedeeyey in uu ahaa basaas Dawladii Siyaad Bare wuxuu ahaana la garanayo waxaanu yidhi "Waxaan doonayaa inaan ka hadlo arrimaha  xisbiyada mucaaridka ah ee UDUB iyo UCID, Faysal Cali Waraabe gaar ahaan  hadalada beryahan ka soo yeedhayay ee ka soo burqanayay iyadoo uu caado u leeyahay badiba marka uu dhibaatooyin dhex galo ee dhex dabaasho ee uu masuuliyadiisa iyo xilkiisa ka soo bixi waayo  iyadoo taariikhdiisa oo dhan la ogaa  oo la ogaa wixii uu UFO ku sameeyay berigii la ogaa ee sida uu wax u basaasi jiray la ogaa ayuu haddana maalin walba aflagaado iyo cayda ummadda uu la soo taagan yahay wax la qaadan karo ma aha. Taariikhda Faysaloow waxaad ka heshay ummadda  taageerooyinkii aad ka heshay ee aad codka kaga heshay ee aad ku wada dhacday ee ummaddu ku diiday ee sanka kaa qabsatay ee aad qabyaalad ku hadashay ee Hargeysa anigaa leh aad tidhi oo ummaddu kugu diiday oo uf ku tidhi waad ogayd.taariikhda halka aad ka gashayna waa la ogaa ninkii lahaa koonfur baan tagayaa adiga ayuu ahaa. Maalin walba halkaasi ayaad ka hadlaysaa  oo aad intaasi aflagaado iyo xumaan wadaa taasina wax lagaa qaadanayo ma aha wax lagaa aqbalayana ma aha."

Madaxweyne Siilaanyo ayaa intaa sii raaciyey "Waxaan leeyahay Cali Waran Cadde, Ina Sulub iyo qoladan UDUB  ee iyaguna aflagaadada maalin walba la taagan waxa weeye walaalayaal idinka doorashadii ayaanu idinka adkaanay ummadda muddo badan ayaad horjoogteen, ummaddu way iska kiin garatay oo iska kiin aragtay waxaad tihiin iyo waxaad qabtaanba. Sidaasi ayaanu waliba asxaan idiin samaynay runta marka la doonayo oo aanu idin saamaxnay oo idin ilaalinay oo aanu is nidhi yaan dalka Somaliland isku xidhnaantiisa  iyo walaalnimadiisa iyo wada jirkiisa oo aanu musuqmaasuqaad samayseen iyo boobka aad hantida ummadda aanu idinku saamaxnay dadka waxaad ku akhriyaysaan wax ay idinka dhagaysanayaan ma jirto. Shacbiga Somaliland waxaan leeyahay shacbiga Somaliland-noow ha dhegaysanina."

Madaxweye Siilaanyo ayaa si aad ah u difaacay Amb Mahiga waxaau yidhi  "Mahiga ayaa la inagu diray waad aragteen Mahiga waxa laga soo qoray. Mahiga aflagaadada loo geysanayo waad maqlayseen. waa nin jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u shaqeeya,  waana nin xil gaar ah leh. Shirarka uu ka hadlay wax Somaliland ku lid ah muu odhan. Been iyo inamo isku sawiray oo dadkii ka markhaati kacay la ogaa oo haddii imika aad eegto oo aad gasho website-yada iyo wixii ay ku hadleen  ee la caayayo oo la leeyahay reer Somaliland buu u shaqeeyaa."

"Markaa waxaan leeyahay ummadda reer Somaliland yaan been, xasad iyo hinaase yaan lagu hagin oo yaan been loo sheegin oo aan jidkiina la idinka luminin,"ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa mar uu ka hadlay Ardayda Waxbarashada ka Heshay Dalka Turky ga wuxuu yidhi "Turkigu waxa uu ina siiyay Schoolarships (deeqaha waxbarasho) oo ardaydeenii aynu dhoofinay  oo aynu u dirnay si ay  wax u soo bartaan, waxaanay ku dhoofeen baasaboor Somaliland ah. Meesha laga qaadayo iyo jidka laga qaadayaa waa wax aan ahayn wax aanaan si gooniya u eegayn."

Warqabadka ToggaHerer

Hargeysa

Somaliland

No comments: