Nairobi-(Qori)-Sidaan Wararka ku helayno ayaa sheegaaya in uu Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ee Somalia Cabdiraxman Maxamed Faroole, kulan La yeeshay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Amb. Cawil Cali Ducaale, iyaga oo Halkaas kaga wada hadlay Arrimaha Somalia iyo Dowladda TFG. Sida Wargeyska Yool Wariyaasha uu Jooga Nairobi Xaqiijiyeen ayaa sheegaya inay halkaas ku qabsadeen Shir ay kaga arrinsanayaan Arrimaha Dowladda TFG ee Somaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Ambassador Cawil oo metelayey Isagu Somaliland, ayaa Ka Wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayen Doorashada Dowlada TFG ee Somalia ee inagu soo fool leh, waxaana Shirkan Watey Faroole isaga oo isku Diyaarinaya inuu isu Taago Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Somalia, isaga oo Tageero badana ka haysta Dowladdaha Jaarka iyo Qaramada Midoobey, waxaana la sheegay inay ka wada shireen sida Loogu Soo Rari laha Caasimadda Somalia Magaalada Garowe, oo Hadda ah Xarunta Maamulka Puntland. Ambassador Cawil ayaa isna Doonaaya inuu Jago Culus isku soo sharaxo sida Barlamanka ama Ra'iisal Wasaaraha dalka Somalia, isaga oo sheegay inuu isagu yaqaano sida Somaliland loogu soo dari lahaa Somalia, sheegayna inaan shacabka reer Somaliland Fogeyn. Waxaanu ku ballan qaaday in wixii karaankiisa ah ka caawin doono Faroole. Xukuummaddii Hore ee Somaliland ayaa lagu xaman jirey inay Xidhiidh la leeyihiin Dowladda Somalia iyo Puntland laakiin marnaba qiran jirin, Amb Cawil waxa uu ahaa raggii ugu Cuscuslaa xisbigi UDUB ilaa haddana lama xaqiijin inuu ka baxay iyo in uu ku jiro madaama uu shirarkan somaliweyn tageersan ku dhex jiro…
Wargeyska Yool
Nairobi
No comments:
Post a Comment