XORRIYADDA XAD IYO XAKAMAA XALAALEEYA
Qaybta-1aad
Ahmed Arwo
Aynu xusno 30 guurada SNM (6 April 1981) oo ah ururkii soo dhiciyey xorriyaddi luntay ee Somaliland. Waana in la ogaado in xorriyadda iyo nabadda aynu ku naaloonayno loo soo maray dhib iyo holac, naf nool iyo maalba loo huray. Waxaan damaashadka iyo qadarinta uu mudan yahay oo ah mid waajib ku ah in muwaadin kastaa xuso aan si ka duwan wacdarihii la soo maray wax uga sheegi doono. Xuskaas ayaan bal dhinac kale ka eegayaa oo xorriyadda macaankeedii ay iigu muuqato inaynu wada-leefnay maantana ay u baahantay in dib loo abqaalo.Taas oo manta inooga baahan inaynu ilaalino ooyna mar kale halaabin. Waxa xorriyadda lagu ilaaliyaa sharci iyo nidaam. Haddii labadaas la waayo wey qalashaa ooy ingagtaa waayo iyagaa waraabiya ooy ku nooshay. Xooriyadda iyo nabadduna waxay isu-rogaan fawdo iyo ammaan darro.
Waxa ina soo martay xorriyad laáan, cabudhis, caga-juglayn, car-juuq dhe iyo xadhig iyo hanti lala wareego, xabsi aan xukun lahayn, kibir reer ku dhisan iyo muwaadin si walba loo duudsiyo. Waa laga diriray oo dhib, dhimasho, iyo dhaawac ayaa qoys walba gaadhay. Waa laga guulaystay oo heeryadii duliga iyo duudsiga 20 sano horteed ayaa la tuuray. Kali-taliskii wada-tashi iyo dimuquraadiyad ayaa lagu bedelay, ganacsigii afduubnaa mid xor ah ayaa beddelay, car juuq-dhe iyo fikir xidhan, waxa bedelay xoriyatul qawl iyo warbaahin madax-banaan.
Waxa la helay xorriyad buuxda oo naacow qabow. Nabad iyo wada noolaasho lagu soo celiyey dalka. Waxa lagu dhaqaaqay ka-midho-dhalinta xorriyadda mid dhaqaale iyo bulshaba. Waxa laga baxay ganacsi xidhan oo dad gaar ah loo xeendaabay, waxay noqotay nin iyo itaalkii, maskaxdii iyo maalkii. Xuduud ma leh, keen waxaad doonto, ku iibi waxaad u garato, deg oo dhiso halkaad doonto..jumlad, taafaariiq, soo-dejiye iyo wadhato xad iyo xuduud ma kala leh. Waa xorriyad loo ciil qabay ee itaalkaa iyo mid aad amaahataba ku talaabso.
Cadhadii iyo ciilkii laga qaaday taliskii cadaadiska iyo caga-juglayntu siyaasadda u ahayd, ayaa keentay in sharciga iyo nidaamka dawladnimo lala coloobo. Xorriyadda aan xuduudka lahayn meel walba wey taabatay, xataa xukuumadda gudaheeda nin waliba waa ka madax meesha loo igmaday oo cid kala xisaaabtanta ma ogola, fulinta awaamirta dawlad iyo shacbiba waa lala coloobay. Dadkiiba wey dhaaftay oo xoolaha iyo duur-jootaba wey gaadhay. Geelo bilaa seeto ayuu magaalada taxtaxaasha. Lodu suuqa iyadaa leh., riyahuna waaba boqortooyo taaj leh, aydu gaadhi hoostiis iyo gudaafadda iyagaa ruqsad u haysta, bisaasku miis kasta oo cunta lagu cunaayo iyagaa ku weheliya, waayo waa xor oo sida dadkey xorriyadda u ciil qabeen. Waraabana ma qadin ee salaadda cishe ka dib isagaa ayda kaga dhawaajiya.
Haddaba iyadoon nidaam iyo sharci, xuduud iyo xakame looga maarmayn in loo helo xorriyadda, si aan xad laáantu u dhalin fawdo iyo qas iyo kala dambayn laáan muran iyo burbur dhalin karta, aan qodobeeyo oon meelaha ay sida xoogga ah u taabatay xorriyadda aan xadka lahayn si dul-xaadis ah u taabto.
KELI-KELI IYO WADASHAQAY LA’ÁAN
Waxa xorriyadda aan xakamaysnayn ka dhashay in is-kaashi iyo wada-shaqayn la waayo (TEAMWOR0K), Nolasha aadmigu waa urur, maamul iyo koox, waa qoys, reer, degmo, iyo gobal, iyo qaran, qaarad iyo adduunyo. Waxa sal u ah iskaashi iyo nidaam ay dhigtaan si hawsha ka dhaxaysaa u socoto. Aadmiga oo ah xayawaan bulsho oon qofna keli u noolaan karayn, ayaa waajib ka dhigtay in la helo farsamo ay ku wada noolaadaan, hawalaha nolashoodu u baahantayna u qaybsadaan. Mawduuca oo ah mid aad u baaxad weyn umaan soo qaadan qalinka ee waxay iga tahay iftiimin iyo af-fur inoo diyaariya dulucda qoraalka.
Dimuquraadiyadda Soomaliland oo maraysa marxalad lagu tilmaami karo sin-dheer oo ay ka baxday ubadnimadii waxa loo baahan yahay inay qaangaadhkeeda ku biiriso tamar iyo hanashada himilada dadweynaha. Waxa taas si weyn dusha u saartay Madaxweyne Axmed Siilanyo oo haysta kalsooni muggeeda ayna helin Madaxweyne la doortay taariikhda Soomali meel ay joogtaba. Waxa Madaxweynahu dhisay xukuumad aqoon iyo karti iyo gobalba uu ku xulay waxuu u gudbiyey barnaamaj sanadeed iyo hiiraal dheer oo ka soo dhashay barnaamajkii Kulmiye iyo manifestadii Madaxweynaha lagu doortay. Haadaba iyadoo aynu aragnay raad-xumada ay dalka ku yeelatay xoriyadda aan xakamaysnayn ee muddada dheer soo taagnayd isuna rogtay keli-nooli iyo musuq la aqbalay oo qof waliba uu tiisa uun u xaydan yahay. Waxa habboon in xukuumad, xisbiyo, aqoonyahan, ururada bulsho, wiil iyo waayeel, iyo rag iyo dumarba aynu u guntana inaynu dhaqankaas inagu noqday aafada aynu iska waanino ooynu dagaal nooc kasta ah la galno, kowna ay ka tahay wacyigelin.
Waxa xilka weyni saran yahay madaxda xukuumadda ooy hormood ka yihiin Wasiirada iyo madaxda hayádahu. Waa in iyaga laga arkaa tooxasho birtilmaamaysan oo si midnimo ah ay ugu guntadaan ka-midho-dhalinta hadafka guud iyo barnaamajka Madaxweynahu ummadda u qadimay. Taas oo daruuri ka dhigaysa in DHAQANKII KELI-KELIDA AHAA LAGA GUURO. Ma aha mid hawl yar oo cadaada aadmigu muddeestaa ma aha mid si hawl yar u guurta.
Waa in aynu dhammaan u guntaana sidii aynu u heli lahayn xorriyad xad iyo xakame leh, oo nidaam iyo sharci hagaayo. Taas ayaa inaga baajin karta fawda iyo qalalaase siyaasadeed iyo bulshaba, iyadaa horumar, barwaaqo iyo deganaansho inoo horsed doonta. Sharci dhowrista iyo shiishka yoolka bulsho waxa uu u baahan yahay qoraal lagu cabiro kolba halka iyo inta laga gaadhay. Haddaan qoraal jirin qiimeyn lama helaayo, qaladkana lagama faaídeysan karo.
Bal aynu ku bilowno amuuro yaryar oo xaydaabka maamul wanaaga inagu soo celin kara:
Waa in la laasimaa qoraalka oo laga koraa wax aan lahayn raad-raac. Shir kasta oo dhaca gudo iyo debedba, waa in lagasoo saaro qoraal rasmi ah oo si tafatiran arrintaas uga hadlaaya.
Warbixino toddobaadle, bil., seddex-biloodle, lix bilood iyo sannadba ah waa in qayb kasta oo dawladda ihi si daah furan u diyaarisaa.
Shirarku waa inay yeeshaan ajandayaal ka-qayb-galayaasha qoraal loogu dhiibay.
Waa in Guddiyada qadyadaha qaranka loo xil-saaro laga helaa qoraalo ka turjumaaya wax-qabadkooda. Waana inay hawshoodu ku dhammaataa warbixin qotodheer oo cilmiyeysan si bulshadu uga faaíiddo oo noqda waxa raad-raac reeba (Reference)
Shirarka NGO yaddu mid wadani ah iyo mid caalami ahba waa in warbiixn qoraal ah laga soo saaro. WAANA IN LA HELI KARO BARNAAMAJKOODA muddada gaaban iyo tan dheer. Warbixinta sanadeedku waa in warbaahinta loo qaybiyaa, dadweynahuna u heli karaan si hawl yar.
Waa in la joojiya in mas’uul kastaa isagu noqdo kan is-dira, is-abaal mariya, keligii isu boga oo noqda ruux aan la-hayn cid la xisaabtanta. Taas waa in lagu bedelaa in qofku ku baxo barnaamaj qoraal ah oo uu u gudbiya lana garto cidda kolba ay tahay inuu hoos yimaado maamul ahaan, lana qiimeeyee waxtarka guud een le eegin kan shakhsi.
Dawladaha Hoose waa inay warbixin iyo xisaab-xidh la wadaagaan dadweynaha. Mayaraduna waa inay noqdaan duul ku dhaqma go-áanada Golaha. Golahuna noqdaa kan xakameeya Maayarka iyo fulinta Golaha.Sidoo kale ayaa looga fadhiyaa xisbiyada iyo ururada.
Qoraaladu waxay inoo fududeynayaan fulinta hawsha, ilaalinta sharciyada iyo la-xisaabtanka. Waxuuna inaga caawinayaa inaynu ka guurno dhaqanka keli-maamulka ah, ooynu u soo noqono dhaqanka dabeeciga ah ee ku dhisan iskaashi, wada-shaqayn, kala-dambayn, iyo wado-jir. Aan tiigsano rumeynta barnaamajka iyo hiiraalka qaranka. Taas ooy tahay in wadar ahaan masúuliintu ay ugu dhaqmaan. Waxa barnaamajka si wax-qabad ah uga turjumaysa miisaaniyadda 2011 ooy tahay masúuliyad wadareed (Collective responsibility) saran dhammaan xukuumadda oon ahayn mid u gaar ah Wasaaraddda Maaliyadda. Sidoo kale waxa xil saran yahay muwaadinka oo ay tahay inuu cashuuraha iyo sharciyada dalka fuliyo. Dhinaca kale warbaahinta waxa la gudboon inay ku dabo-galaan masúul kasta xilka uu hayo iyo kaalinta uu kaga jiro barnaamajka iyo miisaaniyadda. Waa in warbaahintu u adeegtaa dadweynaha ooy ka kortaa far ku fiiqa shakhsiyadeysan iyo dacaayadda aan cidna anfacayn, bal se ay noqotaa indhaha iyo dhegaha dadweynaha. Taas ooy ku noqon karaan kolka ay muujiyaan la-xisaabtanbka masuuliyiinta oon shakhi tooxsi ahayn.
Aan idinku dhaafo inaan idin xusuusiyo nacaybkii dawlad-xumadu inuu inoo keenay sharciga oon la colowno. Waa mid macquul ah kolkaad eegto sharci xumadii jirtay. Waxa xaakim iyo maxkuumba aynu helnay mas-úuliyad awood leh bal se aan lahayn la-xisaabtan, muwaadin xaq-u dirir ah, bal se ka baaqda waajibaadka saran, dadweyne sharciga u yaqaan ciqaab oo ka meereysta, tujaar cashuurtu uga dhigantay naarta jahanaba, kana door bida laaluush iyo musuq-ku-maal. Dhaqankaas ooynu u soo dooranay Madaxweyne Axmed Siilaanyo in lagu bedelo bulsho sharcigu hago, la-xisaabbtan leh, furfurnaan iyo hab-maamul-wanaag, waa bilow wax-ka-qabadkiisu. Farina kama qodna oo waxa hortaagan dhaqan soo jireen ah. Waxanu kaga baxaynaa waa gacmaha oon is qabsano ooynu wadajir ugu dadaalno inaynu soo gaabino dariiqa dheer aynu qaladaadka bulsho ku saxeyno.
Waa inoo aragti kale iyo xorriyadda aan xadka iyo xakamaha lahayn oon meelo gaar ah ku eegi doono In sha Allah.
Aragtidani waa mid shakhsi oon mas-úuliyad wadan. Waa fikir muwaadin oon cidi ila wadaagin.
Mahad oo dhan Allah leh
Axmed Xasan Carwo
samotalis@gmail.com
Join me in Facebook
Somaliland Presidential Advisor on Economy, Commerce and Investments
http://www.facebook.com/permalink.php?story_fbid=200446646653798&id=238585618589#!/home.php?sk=group_133994193326163&ap=1
http://samotalis.blogspot.com/

No comments:
Post a Comment