Dhaafay Lacago Ku Jira Miisaani Shirguddoonka Wakiilada Iyo Koox Ka
Mid Ah Mudanayaasha Oo Isku Maan Dhaafay Lacago Ku Jira Miisaani
Shirguddoonka Wakiilada Iyo Koox Ka Mid Ah Mudanayaasha Oo Isku Maan
Dhaafay Lacago Ku Jira Miisaaniyada Oo Ay Dalbadeen In La Siiyo
Hargeysa,(Qaran news)- Shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliand iyo
koox ka mid ah mudanayaasha Wakiilada ayaa la sheegay inay isku
khilaafeen Lacago ku jira Miisaaniyada Golahaasi oo ay dalbadeen in
loogu daro Mushaharkooda, SHirguddoonku-na la sheegay inay gaashaanka
ku dhufteen dalabkoodaasi, kuna doodeen in loogu talo galay Lacagtaasi
qalabaynta Xafiisyada Stationariga.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Shirguddoonka iyo mudanayaashaasi
oo daaha ka rogaya asbaabaha uu salka ku hayo khilaafkaasi, hase
yeeshee waxa uu khilaafkaasi ka soo shaac baxay fadhi albaabadu u
xidhan yihiin oo Shalay Golaha Wakiiladu ku yeesheen Xaruntooda, kaas
oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golahaasi C/raxmaan Maxamed C/laahi
(Cirro) oo Saxaafada dibada looga saaray intii aanay albaabada isku
xidhanin.
Ilo wareedyo lagu Kalsoon yahay ayaa Haatuf u sheegay in fadhigaasi
albaabadu u xidhnaayeen uu ka dhashay khilaaf weyn oo dhex maray
Shirguddoonka Wakiilada iyo koox mudanayaal ah oo soo jeediyay in
Kaash loo siiyo Lacago Miisaaniyada loogu soo daray Golahooda, hase
yeeshee Guddoomiye C/raxmaan Cirro ayaa la sheegay inuu gaashaanka ku
dhuftay dalabka ka soo yeedhay kooxdaasi oo isagu ku tilmaamay in
aanay ogolaanaynin Lacagtaasi loogu talo galay qalabaynta Xafiisyada
ee Miisaanyada ku jirta in Mushaharka loogu soo daro, taas darteed-na
ay tibaaxuhu sheegeen in qaar ka mid ah kooxdaasi mudanayaasha ah iyo
Guddoomiyaha Wakiilada ay isku weydaarsadeen Madasha fadhigaasi hadalo
xambaarsan hanjabaad iyo weedho qalafsan, kaas oo aakhirkii ilo
wareedyadu sheegeen in fadhigaasi Guddoomiyuhu soo xidhay, ka dib
markii ay qaar ka mid ah mudanayaashu ay qaylo iyo sawaxan ka abuureen
madasha fadhigaasi.
Mid ka mid ah mudanayaasha Wakiilada oo ka cudur daartay in Magaciisa
la shaaciyo ayaa Wargeyska Haatuf u sheegay in koox ka mid ah
Xildhibaanada Golahoodu ay baryahanba Shirguddoonka ku haysteen Lacag
gaadhaysa dhawr Bilyan oo Somaliland Shillin ah oo Miisaaniyada loogu
qoondeeyay Agabka Xafiisyada ay hunguraynayeen in Mushaharka loogu soo
daro, isla markaana ay Shirguddoonku ka diideen dalabkaasi ay fadhiga
Iriduhu u xidhnaayeen ay ku soo ban-dhigeen, waxaanu si kooban u yidhi
" Fadhigayagii la iskuma fahmin oo qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa
soo jeediyay inay Shirguddoonku ogolaadaan in Mushaharka lagu soo daro
Lacagtaasi, ka dib-na Shirguddoonku wey ka diideen markii ay qaylo iyo
sawaxan abuuree-na Guddoomiyuhu fadhigii wuu soo xidhay".
Haatuf
No comments:
Post a Comment