Xisaabiyaha Dawladda ee Gobolka Saaxil iyo Hawlwadeenno Kale oo Xabsiga loo Taxaabay
Berbera (Jamhuuriya)- Xisaabiyaha maamulka dawladda ee Gobolka Saaxil Mr. Axmed Maxamed Sheekh Cabdisalaan (Shucayb) iyo hawlwadeenno ka tirsan xafiiska laanta gaadiidka dadweynaha ee magaalada Berbera, ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay gelinkii dambe ee shalay.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay booliska iyo maamulka Gobolka Saaxil oo shaaciyey xadhiga xisbaabiyaha iyo sababta la xidhiidha qabashadiisa, balse sida lagu faafiyey shabkadda wararka Araweelonews, isla markaana ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Jamhuuriya u xaqiijiyeen, waxa xadhigga xisaabiyaha iyo ragga kale ee la sheegay in lala qabtay inay sii daayeen gaadiid aan lahayn lambarka taarikada Somaliland oo ka soo degay Dekedda Berbera, iyada oo amarka xadhigoodana uu bixiyey badhasaabka Gobolka Saaxil.
Badhasaabka iyo masuuliyiinta kale ee magaalada Berbera oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino xadhiga xisaabiyaha ayaanay noo suurto gelin in aanu helno, balse waxa xasbiga la dhigay xisaabaha Gobolka Saaxil iyo hawlwadeenno ka tirsan xafiiska gaadiidka dadweynaha magaalada Berbera, kuwaasi oo aan si dhab ah loo xaqiijin tiradooda.
Source: Jamhuuriya

No comments:
Post a Comment