28 October, 2010

Xildhibaan Cali Yuusuf Oo KULMIYE ah ayaa Xukuumada Axmed Siilaanyo Haaraamay

Xildhibaan Cali Yuusuf Oo KULMIYE ah ayaa  Xukuumada Axmed Siilaanyo  Haaraamay 

Hargeysa-Xildhibaan Cali Yuusuf Axmed, oo ka mid ah Mudaneyaasha
laga soo doortay gobolka Hargeysa ee Golaha Wakiilada kaga jira
xisbiga Tallada haya ee KULMIYE, ayaa xukuumadda cusub ku eedeeyay
inay ka baydhay inay fuliso balan qaadkii ay  shacbiga u samaysay
xiligii lagu jiray olalihii doorashada madaxtooyada.

Xildhibaan Cali Yuusuf, oo maanta u waramayay TV-ga madaxa banaan ee
Horn Cable TV, wuxuu  yidhi "Xukuumaddu tallaabo kamay qaadin kootada
sharci darradda ah ee Ganacsiga oo ay balan qaaday inay fulinayso,
waxa ka mid ah kootadii dhoofka xoolaha kootadda loogu xidhay nin
carbeed oo $7 neef walba loo dul saaray, heshiiskii KULMIYE wuxuu ahaa
dhammaan wixii heshiis ah ee aan la horgeynin ee aan laga ansixin
Golaha Wakiiladdu inuu yahay mid sharci darro ah, maanta oo xoolo
badani inaga dhoofeen wali lama joogin la isma weydiin maxjarkan la
dhisay imisa malyan oo dollar ayaa ku baxday, in sidii xukuumaddii
hore oo kale kootadii u socoto waa khalad waana sharci darro.dad badan
oo KULMIYE siiyay codkooda waxay ku siiyeen inuu kootada joojinayo.
Anigu Gobolka Hawd iyo Hargeysa ayaan ka  hawl galay xiligii
doorashada waxay reer miyigu aad uga cabanayeen waxa ka mid ahayd
kootada adhiga lagu siiyay. Imikana way is weydiinayaan arrintaasi."
"Wasaarada Maaliyaddu imika waxay wadaa wax loo yaqaano macaashul
macaash, horta waxa u baahan in  la hubiyo ganacsatada yar yari inay
macaasheen iyo in kale.xaafadaha haddii aad martid waxaad arkaysaa
maalin walba dukaamo yar yar iyo mukhaayado  xaasas laga masruufi
jiray oo la xidhay markaa qof dan yar ah oo carruur ku masruufaya
dukaan yar macaashul macaash la weydiiyo isagoo aan macaashin waxay
noqonaysaa culays,"ayuu yidhi  Xildhibaanku.

Mudane Cali Yuusuf wuxuu ku eedeeyay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo
inay si anshaxa iyo sharciga ka baxsan ay u isticmaalaan gaadiidka
dawlada, oo uu tilmaamay inay jaadka ku doontaan, xaasaska madaxdana
ay uga adeegaan sariibadaha iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada
Hargeysa, waxaanu ugu baaqay inay arrintaasi joojiyaan masuuliyiinta
dawladdu.

Xildhibaanku wuxuu walaac ka muujiyay barnaamijka xisbiga KULMIYE oo
uu sheegay inaanu garaynin sida loo fulin doono, waxaanu tilmaamay in
barnaamijkaasi ay hore dad koobani ay qoreen oo aan xisbi weynihii
lagala tashan.

Xildhibaanku wuxuu buuga barnaamijka KULMIYE ku masaalay inuu meelo
badan ka shabaho barnaamijka Hoggaamiyaha kaligii taliyaha ah ee
Liibiya.

SAXAAFI

No comments: