Wasaarada Ciyaaraha oo Toban Ciyaartoy Tababar Ugu Diraysa Dalka Britain
Hasrgeysa -Urur qurbo jooga Somaliland ay leeyihiin ayaa 10 dhalinyaro ah oo tababareyaal loo soo tababarayo u diraya dalka Ingiriiska halkaasi oo ay muddo sadex bilood ah ku soo qaadan doonaan kooras.
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland Md. Axmed Xaashi Madar, oo ka hadlay xaflad lagu shaacinayay arrinta waxaanu yidhi "Wakhtigan aynu ku jirno waa wakhti iska bilow ah waxyaabihii aanu ugu tallo galay inaanu Wasaarad ahaan qabano waxba noogamay hirgelin waxase ay u socotaa talaabo talaabo wax badanna waanu qaban doonaa haddii alle yidhaahdo oo ku saabsan arrimaha dhalinyarada iyo ciyaarahaba.Waxa jirtay qolo la yidhaahdo Somaliland Training oo aanu xidhiidh la sameynay oo qurbo joog ah ayaa waxay inoo soo dhameeyeen 10 dhalinyaro ah oo muddo sadex bilood ah la soo bari doono tababarenimada kooxaha ciyaaraha, haddii tobankan dhalinyarada ahi ay tababarka sidii la rabay uga soo baxaan waxa haddana la dirayaa toban kale. Waxaanu tobankan dhalinyarada ah ka soo kala xulay gobolada dalka oo dhan."
Waxa kale oo ka oo xafladaasi ka hadlay oo ka waramay marxaladii arrintani soo martay wakiilka ururka qurbo jooga ah Ismaaciil Maxamed Faarax, oo iyagu qaadaya 10-kan tababare, waxaanu sheegay in haddii uu sidii la rabay ay tababarka u soo qaataan tobankan dhalinyarada ahi inuu sii socon doono tababarkani
Magacyada Tababereyaashani waxay kala yihiin:
1-Maxamed Maxamuud Maxamed (Diridhaba) Hargeysa
2-Cadnaan Cubayd Guutaalle Hargeysa.
3-Kayse Aadan Baashe Hargeysa.
4- Barkhad Aadan Xirsi Boorame.
5-Xasan Siciid Guulleed Boorame.
6-Maxamuud C/Raxmaan Xasan Berbera.
7-Cali Maxamed Saleebaan Burco.
8-Ibraahim Cabdi Yuusuf Burco.
9-C/risaaq Maxamed Faarax Ceerigaabo.
10-Maxamed Cawil Xasan. Laasscaanood.
Xig;Qarannews

No comments:
Post a Comment