19 October, 2010

5-Qodob Oo Lagu Yaray Karo Cadhada

5-Qodob Oo Lagu Yaray Karo Cadhada

Intabadan waxa ay dadku kula duwan yihiin arigta ay ka qabaan cadhada waayo sida uu Alle u kala duway abuurka dadka iyo midabadooda ayaa uu sidoo kale u kala doorshay heerka cadhada iyo xanaaqa ee dadka. Waxa aad arkaysaa qof ka cadhoonaya waxa aad u yar oo hadal sidii loogu taglo galay si ka duwan uu u fahmay. Halka dadka qaar Alle ku manaystay dulqaad oo aanay iyagu badanaa ka cadhoon waxa fududu iyaga oo iska dhaafa ama u dulqaata dhibaatooyin badan oo uu qof lamid ihi uu ka cadhoon lahaa.

Hadba waa kuwan shanta arimood ee xanaaqa kaa yaraynaya

1 – U fiirso waxa uu yahay dhibka jiraa

Waxa aad u fiirsataa waxa run ahaantii kaa xanaajinaya. Dadku isku si uma wada xanaaqaan, qofba waxbaa ka xanaajiya asaga oo u arka waxa ka xanaajinayaa in ay yihiin wax dhab ah. Hadii uu qof la cambaareeyana waxa hubaal ah in uu xanaaqo. Si aanad qofka uga xanaajin waxa haboon in aad dabeecadaas iska bedesho adiga oo si dhab ah ugu fiirsanaya waxa kaa xanaajinaya.

2 – Baadhitaan dheer samee

Waxa aad si dheer baadhitaan ugu samaysaa waxa ay waxyaalaha qaar kaaga xanaahutaab, adiga uun baana tan bedeli kara. Marka aad rabtid in aad ka hadasho waxa kaa xanaajinaya ka hadal  adiga oo odhanaya aniga   waxa iga  xanaajinayay waxa sidan ah.

3 – Adigu wax iska bedel

Waa in aad adigu wax iska bedeshaa oo ha isku dayin in aad dadka kale bedesho. Waa mid aan suuroobayn in aad bedesho qof kale, waxa aad bedeli kartaa waa adiga naftaada oo kaliya. Hadii aad rabtid in aad qof u sheegto in uu ku dhibayo waa in aad ula hadashaa – adiga oo dhahaya aniga – si shaqsiyan ah. Tusaale ahaan maka aad u sheegayso qof meel aad ka wada shaqaysaan oo soo daahay ayaa waxa aad ku odhan kartaa: "Anigu waxa aan u arkaa in ayna haboonayn in aad soo daahdo. Anigana shaqadii baa igu badatay oo hore maanta u ma dhamayn karo" Waxa kale oo aad waydiin kartaa qofka soo daahayo sid uu arko ama uu dareemayo marka uu marar badan soo daahay.

4 – Xusuus qor samayso

Marka aad xusuus qor samaysato ayaa waxa aad arkaysaa sida ay wax u dhaceen bilow ilaa iyo dhamaad. Waxa aad ka helaysaa xusuus qorka sawir buuxa oo ku saabsan arinta kaa cadhaysiinaysa. Waxa aad tusaale ahaan ku qoraysaa xusuus qorka goortii kuugu dambaysay ee aad wax ka xanaaqday.

5 – Hada noolow noloshaada

Waa in aad noloshaad ku noolaataa xiligan aad ku jirto, maaha in aad ku noolaato berigii hore sidaas ayay ahayd. Tababar ku samee sida aad u bari lahayd maskaxdaadu in ay noqoto mid degan, una fiirso xaalada aad ku jirto adiga oo aan xukumin. Tanina waxa ay mu siinaysaa fursad aad ku kala saartid dadka aad ka cadhoonayso.

No comments: