Stockholm(TVSLE)- Waxa 4 september 2010 ka dhacay caasimadda Sweden ee Stockholm Siminaar ku saabsan Somaliland iyo doorashadii madaxweynaha. Siminaarka waxa ka mid ahaa dadkii ka Hadley Wasiirka Arrimaha Yurub ee Sweden Birgitta Ohlsson, Xoghayaha Ururka Swedish International Liberal Centre Martin Ängby, Wakiilka Somaliland ee Sweden Eidarus Sh Adan iyo Mustafa Ismail oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Liberaalka laanta Kista. Waxa kale oo ka soo qeyb galay Mohamed Ibrahim, Guoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Abdi Ali Gudoomiyaha Xisbiga UDUB iyo Ahmed Abdillahi Awale, Gudoomiyaha Xisbiga UCID. Shirkaas waxa laga Hadley sidii loo caawin lahaa Somaliland xag dhaqaale iyo xag icitraafba.
Wasiir Birgitta Ohlsson waxa ay sheegtay in ay dadaalka ay ugu jirto in la caawiyo Somaliland ay kordhin doonto. Waxa kale oo ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay in dawladda Somaliland ay ku jiraan 3 dumar ahi. Taasni ay tahay tusaale fiican. Waxa ay hadalkeedi ku darsatay in ay jiraan dawladdo ka mid ah Isku taga Europe oo aanay dumar ku jiran dawladooda, tusaale Bulgaria.
Waxa kale oo ay sheegtay Wasiirk Birgitta in loo baahan yahay in Somaliland ay saaxiibo ku yeelato waddamada Afrikaanka ah tusale South Africa, Senegal iyo Ghana. Haddii uu waddan afrikaan ahi ugu horeeyo ictiraafka Somaliland waxa dhici laheyd in ay waddamada Europe ay ku deydaan.
Waxa isna halkaas ka Hadley Martin Ängby oo ah Xoghayaha Guud ee International Liberal Centre. Waxa uu Martin sheegay in ay caawin doonan Somaliland dhinaca dimuqraadiyada iyo in haweenka lagu dhiir geliyo in ay siyaasada ka qeyb gelaan. Shirkaas oo ay dad badani oo iskugu jira Swedish, Somaliland iyo waddamo kale aad ayuu xiiso u lahaa.
Birgitta ohlsson oo ah Wasiirka Arrimaha Yurub ee Sweden waa saaxiib dhab ah u dhuun dolaala arrimaha Somaliland. Waxa ay goob joog ahayd dorashadii Madaxweynaha ee dhacday 2003. Madaxda 3 xisbi qarana wey la kulantey iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Abdirahman M Abdillahi Cirro. Birgitta Ohlsson Intii ay barlamaanka ku jirtay waxa ay ugu yaraan 4 jeer geysay baarlamaanka Sweden qoraalo ku saabsan sidii loo taageri laha Somaliland . Xisbiga ay ka tirsantahayna way taageersan yihiin Somaliland. Wasiir Birgitta ohlsson mawqifkeedu wuu cad yahay marka laga hadlayo ictiraafka. Meel kasta oo ay tagtona wey ka sheegta arrimaha Somaliland. Bashir Gaas ayaa isna ka waramey sidii fiicneyd ee ay doorashadu u dhacdey isaga oo goob joog aha. Mustafa ismail oo ka socda Xisbiga Liberaalka laanta Kista ayaa isna sheegay in ay muhiim tahay in ay shacbiga somaliland isku duub naadaan oo ay ka shaqeeyaan sidii ay waddanka nabadiisa iyo horumarkiisa uga shaqeyn lahaayeen. Wakiilka Somaliland Eidarus Sh Adan ayaa dadkii halkaas iskugu yimi u mahad naqey una sheegay dadka in ay iman doon shir badan oo kuwan oo kale ah.
Source: tvsle
No comments:
Post a Comment