Guddida talo-bixinta dhismaha Xukuumadda cusub oo ka hadlay Tirada Hay’adaha ay ku taliyeen
Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida soo talo-bixinta qaab-dhismeedka xukuumadda oo soo bandhigay tirada Wasaaradaha iyo hay’aha kale ee dawliga ee ay ku soo talo bixiyeen.
Guddigan oo ka koobnaa 14 xubnood waxay shalay shir-jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargaysa Madaxweynaha, waxaanay shirkan jaraa’id ku caddeeyeen inay tirada wasaaradaha ay soo jeediyeen ay tahay 15 wasaaradood, iyagoo meesha ka saaray in ku dhaw toban wasaaradood, qaarna isku miinguuriyey, waxa kale oo ay sheegeen inay soo jeediyeen guddiyo madax-banaan oo ka shaqayn doona arrimo doora.
Ugu horeyn shirkan jaraa’id waxa ka hadlay Muuse Biixi Cabdi oo ah guddoomiyaha guddidan, waxaanu ka warbixiyey tirada wasaaradaha iyo guddiyada ay soo jeediyeen “Markii ay guddidu aad u baadhay caalamka aynu la duruufta nahay iyo sida ay u horumareen la soo daraasadeeyay waxaanu ku soo ururinay 15 wasaaradood oo laysku celceliyay waxaanu ku darnay saddex guddi, guddiyada aanu soo kordhinay waxa ka mid ah guddida tacliinta sare. Dalalka soo koraya ee Afrika waxa ragaadiyay musuqmaasuq oo aynu inagu ugu sii darranahay markaa guddida musmaasuqa ka hortagta oo hantida ummada ilaalisa oo ninka xilka haya ilaalisa oo danta ummada ilaalisa taana waanu soo jeedinay. Waxaanu kaloo soo jeedinay in la sameeyo diiwaanka Sakada oo Sakada meel laysugu geeyo oo faqriga wax lagaga qabto” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kale waxa halkaa ka hadashay guddoomiye ku-xigeenka guddidaas Marwo Edna Aadan Ismaaciil waxaanay aad ugu dheeraatay duruufaha dhaqaale ee wadanka ka jira iyadoo tilmaantay in 15 wasaaradood wax ka badan in aanu kaafin karayn, “Hadii aanu ahayn guddidii madaxweynaha la doortay u igmaday inaanu talo ka bixino qaab-dhismeedka ay dawladdu yeelan doonto, waxaanu isku daynay inaanu si lilaahi ah iyo sida aanu u aragno inay nasteex u tahay dalkeena, sida ay ugu haboon inaga oo tixgelinayna awoodeena dhaqaale iyo duruufaha taagan ee dalkeena inay lagama maarmaan tahay tiradii faraha badnayd ee wasiirarada, wasiir-ku-xigeenada, iyo wasiiru-dawleyaasha ee mid waliba u baahnaa mushahar u baahnaa, gaadiid u baahnaa, kharash u baahnaa in aanay duruufaha dalkeenu saamaxayn oo aanu wadankeenu qaadi karayn tiro wasiiro ah oo laxaadkaa leh, haddii aynu eegno wadankeenan waa wadan soo koraya, waa wadan dhaqaalihiisu kooban yahay, waa wadan ilihii dhaqaale aanay u wada furmin, waa dal u baahan in intaa awoodeenu tahay inaynu ku tashano, wixii Illaahay inoogu daro ee inoo furma waa halkeeda. Laakiin waxa manta aynu haysanaa aad buu u kooban yahay, waxaanu isku daynay inaanu talo ka bixino, waxaanu ka fursan waynay inaanu nidhaahno 15 wasaaradood ayaa dalkan u shaqayn kara.” Ayey tidhi Edna waxaanay intaa raacisay oo hadaladeeda ka mid ahaa “15-kaa wasaaradood haddii ay noqdaan qaar tayo leh oo si daacada ummada ugu shaqeeya oo awoodeena dhaqaale wax ugu qabta ummada iyaguna wax ugu dara, wasiir wax ka soo doonta lama rabo ee mid wax ku dara ayaa la rabaaye, wadankeena maamulkiisa iyo horumarkiisa 15-kaasi way ku filan yihiin, markaa hay’ado badan baa jira tusaale ahaan hay’ada la dagaalanka musuqmaasuqa, musuqmaasuqu wuxuu noqday cudur, haddii uu jirana loo baahan yahay in la tirtiro, hadii aanu jirin oo la inagu cambaaraynayana hay’ad u gaara oo daba socota oo wax ka qabata oo xaqiijisa oo haddii uu jirana daweysa oo u gudbisa laamihii dawlada ee wax ka qaban lahaa, haddii aanay jirina aan la inagu cambaarayn.
Wadankeena ma wadi karno haddii aanay inoo kala qalnayn hantida dawlada iyo hantida gaarka ahi” ayey hadalkeeda ku soo gunaanaday Marwo Edna.
Waxa isaguna ka hadlay Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo hadalladiisii ay ka mid ahaayeen; “Wadankani wuxuu ku soo jiray fikirkan mid ka duwan 60 wasaaradood oo leh wasiir, wasiir ku-xigeen, wasiiru-dawle, anagu haddaanu dhinac walba ka eegnay waxay nala noqotay taladaa aanu soo jeedinay ee ah 15 wasaaradood oo aan lahayn wasiiru-dawlayaal iyo wasiir ku-xigeeno, wasaaradihii kolba sidii ay isku raaci karayeen ayaa la isku raaciyey, kuwii shaqadooda la is yidhi agaasin ayaa qaban kara, agaasin ayaa loo raray, wasaaradii la doonayey in shaqadeeda aad loo xoojiyo waxa loo sameeyey guddiyo u gaara hawlaheeda sida guddida tacliinta sare” ayuu yidhi Dr.Gaboose waxaanu intaa raaciyey isagoo sheegay inuu wadankeenu ka soo gudbay habkii beel qaybsiga loona gudbay hab dimuqraadi “Maanta waa maalintii Somaliland u gudbi lahayd maamul-wanaag, waa maalintay ka gudbi lahayd beel wada nin oo madaxweeynaha ku dirqida oo caddaadis ku saarta beeshayadaa hebel noo gee, waa maalintii laga gudbi lahaa inay beel waliba iska aragto muraayada oo tirada beeluhuna aanay ku dhamaanayn 60-dan ee ay boqolaal gaadhayaan, maanta waa maalintii aynu qadarin lahayn shaqsiga beelaha oo dhan matali lahaa ee aan bel keliya matalayn, waa maalintaynu u gudbi lahayn aqoontu inay shaqayso ee ninka la soo xambaaray ee magac qabiil soo xambaaray aanu noqon ka madaxweynaha lagu dirqiyayo” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey.”
Waxa isaguna ka mid ahaa xubnihii halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof. Xuseen Bulxan waxaanu ka waramay marxaladihii iyo heerarkii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay iyo maanta heerka ay taagan tahay iyo nooca dawladeed ee ay u baahan tahay ummada reer Somaliland “Taariikhda Somaliland kolba heer ayey soo maraysay, mar hore halgan baa loo soo galay dalka dadbaa u dhintay, dadbaa u naafoobay, waxaku xigtay in dawlad Somaliland ah la dhiso.
Heerkaasi wuxuu ahaa nabadaynta dalka iyo Somaliland sidii dawlad loogu dhisi lahaa, heerkaasi in muddo aha ayuu soo socday oo waad ogtihiin dhibaatada, rafaadka iyo silica loo soo galay, Illaahay mahadii waynu ku guulaysanay.
Waxa ku xigtay sidii dimuqraadiyad loo dhisi lahaa, dimuqraadiyaduna waxay ahayd in shaqsigii muwaadinka ahaa la siiyo fursad ah inuu isaguna aayo ka talinta wax ku darsado, tallaabo muhiim ah ayey inoo ahayd oo maanta waxaynu muujinay adduunyadana u sheegnay in shacabka Somaliland uu hadafkiisii leeyahay, mustaqbalkiisa dan ka leeyahay oo uu diyaar u yahay dimuqraadiyada, shacab ka wanaagsan oo loo shaqeeyo oo aan anigu garanayaa ma jiro” waxaanu intaa raaciyey isagoo hadalkiisa sii wata “Haddaba maanta waxa loo baahan yahay dawlad tayo leh oo khasaaraheeda iyo kharashkeedu yar yahay oo lacagtii ku bixi lahayd siyaasiyiin iyo dad kale in shacabka iyo dalka wax loogu qabto.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
No comments:
Post a Comment