14 June, 2010

Wasiirka Maaliyada Cawil Oo Djibouti U Doonay Hal Milyan Oo Dollar

Wasiirka Maaliyada Cawil Oo Djibouti U Doonay Hal Milyan Oo Dollar

Hargeysa, June 14, 2010 (Haatuf) – Wasiirka Maaliyada Jamhuuriyada Somaliland Cawil Cali Ducaale, oo shalay u amba baxay magaalada Djibouti, ayaa la sheegay in sababta uu halkaasi u tagayaa ay la xidhiidho lacag lagu qiyaasay Hal Millyan ilaa hal Milyan iyo badh Dollar oo guddoomiyihii hore ee Ex-Barakaat, Sheekh Axmed Nuur Jimcaale ugu deeqayo Kaambaynka Madaxweyne Daahir Rayaale ugu jiro doorashada Madaxtooyada, taas oo loo qoondeeyey inay dalka ka dhacdo 26-ka Bishan.

Sida ilo lagu kalsoon yahay ay Haatuf u sheegeen, Mr. Cawil waxa uu Djibouti u sii qaaday Document-iyo la xidhiidha Sharci ay xukuumaddu dhawaan ka ansixisay golaha Wakiilada iyo ogolaanshe ka soo baxay dhinaca xukuumadda lafteeda oo fasaxaya in dalka Somaliland uu ka hawlgalo "African Islamic Bank Djibouti" kaas oo haatan ka furan Jabuuti guddoomiyana uu ka yahay Sheekh Jimcaale oo isagu leh ugu yaraan 60% Saamiyada Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom Somaliland.

Sheekh Jimcaale waxa kale oo uu yahay ninka leh nidaamka xawilaada ZAAD ee ka shaqeeya Somaliland, inkastoo la sheegay in Sheekhu uu 20% ZAAD ka siiyey masuul sare oo ka tirsan dawladda Somaliland oo dhawaan booqasho ku tagay Djibouti.

Mr. Jimcaale ayaa hore loo sheegay in lacag lagu qiyaaso Malaayiin Dollar ahi ay ka soo gasho sanadkiiba hawlaha Ganacsi ee uga socda Somaliland gudaheeda.

Ilahaasi waxa ay intaasi ku darayaan in Jimcaale uu lacag gaadhaysa Afar Millyan (4,000,000) dollar sanadkiiba uu siiyo mid ka mid ah dawladda Somaliland kuwa ugu sareeya.

Axmed Nuur Jimcaale oo haatan fadhigiisu yahay Djibouti waxa uu ahaan Jiray guddoomiyihii shirkaddii xawaaladaha iyo Isgaadhsiinta ee la odhan jiray Al-Barakaat, taas oo bishii November 2001 ay dawladda Maraykanku ku dartay Liiska shirkaddaha ay ku sheegto inay xidhiidh la leeyihiin ururka Al-Qaeda.

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland iyo ta Djibouti ayaa la sheegayaa in muddooyinkan dambe wax soo kala dhexgaleen oo aanu xidhiidhkoodu siddii hore ahayn, iyada oo qaar ka mid ah saraakiisha maamulka Somaliland iyo xisbiga UDUB-ba ay muujinayaan dareemo shaki ah in dawladda Djibouti ay si dadban u taageerayso ololaha xisbiga Kulmiye ee ku aadan doorashada Madaxtooyada, taas oo uu xisbigaas Murashax uga yahay siyaasiga caanka ah Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo).

No comments: