13 June, 2010

“Laascaanood waxaanu kala hadlaynaa cida ku guulaysata doorashada Somaliland”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Putland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa shaaca ka qaaday inay gacan-ku-haynta Laas-caanood kala hadli doonaan cidda ku guulaysata doorashada Somaliland, isla markaana waxa uu ballanqaaday inuu maamulkiisu diyaar u yahay dib-u-celinta gacan-ku-haynta Laas-caanood iyo degaamada hoos-yimaada, balse aanay masuuliyadi ka saarnayn koox jabhad isku magacaabay.

Madaxweyne Faroole oo waraysi siiyay Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, waxa uu ku cambaareeyay dagaalladii Buuhoodle maamulada Somaliland iyo Itoobiya. "Aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa falalka dadkii geystay…aad baananu uga tacsiyadaynaynaa eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii lagu laayay," ayuu yidhi Mr. Faroole. "Sidoo kale, waxaan tacsiyadaynaynaa dadkii ku dhintay magaalada Buuhoodle oo falalka xun-xun ay ku sameeyeen ciidamada Kililka-shanaad ee Itoobiya iyo kuwa ka ficil-qaatay oo dhinaca kale ah." Ayuu hadalkiisa raaciyay. "Waxaan aaminsanahay inay ka dambeeyeen dad ujeeda inay Buuhoodle xumeeyaan oo ilaaqaadka iyo xidhiidhka ka dhexeeya Itoobiya iyo Putland, waxaana qayb ka ah niman isku magacaabay Jabhad oo meel ay ka socdaan la aqoon oo ka faa'iidaysanaya magaalada Laas-caanood iyo ciidamada Somaliland oo ku sugan inay caadifad kaga helaan dadka reer Puntland ee degaanka oo lacag kaga urursanaya oo aan ujeedadoodu ahayn inay meel xoreeyaan. Uma jeedaan hawshaas ee waxay doonayaan inay colaad ku abuuraan dawlada Puntland kuna wiiqaan. Hawsha soo-celinta Laas-caanood waxay saaran tahay dawladda, iyaga loogama fadhiyo. Heshiis ayaa jiray ay wada gaadheen dawlada iyo Madax-dhaqameedyo oo qolo waliba inay doorkeeda yeelato ah. Waxaanu diraynaa wefti heer-wasiirro ah, waxaananu u dirayanaa Itoobiya, gaar ahaan Kililka Shanaad ee Itoobiya si arrinta loo soo lafa-guro oo ciddii mas'uuliyada lahaydna loo soo ogaado, halkaana wixii baadhitaan ku soo baxa waa la rumaysan doonaa." Ayuu hadalkiisa ku daray.

Mar uu ka hadlayay koox isku magacowday SSC oo sheegtay inay jabhad yihiin, isla markaana ay ka dagaalamayaan degaamada Sool iyo Buuhoodle, waxa uu yidhi, "Adeer, Jabhad SSDF baa ugu horaysay, SNM baa ku xigtay, USC baa ku xigtay, marka Jabhadi waxay burburiyaan mooyaane waxay faa'iido keeneen ma jirto. Laakiin, hawlgal wayn baanu ka samaynay dhinaca diblomaasiyadda, haddana waqti doorashay ku jiraan Somaliland, marka doorashadu dhamaatana waa la arki doonaa bal natiijada soo baxda iyo dadka ka soo baxa, anaguna (maamulka Puntland) diyaar baanu u nahay inaanu soo celino degaankaas."


View article...

No comments: