SayliciPress.Net – Ololaha doorashada madaxweynenimo ee Somaliland ayaa ku bilaamay dardar cusub, dhiiranaan iyo baraamij cusub oo ay la yimaadeen xisbiyada qaarkood xaga kuwa kale ay ilaa hada raadinayaan barnaamij dadka u cuntama oo ay la horyimaadaan amaba kuwa kalena haybtoodaba aan la hayn iskadaa barnaamij ay umada la horyimaadaan. Xisbiyadan dardarta la yimid waxaa ka mida xisbiga Kulmiye oo aad moodo inuu si cad uga turjumayo barnaamijkiisu baahida goboladan Awdal iyo Salal iyo guud ahan ba jamhuuriyada Somaliland . Sida aan ku sheegay maqaalkaygii kan ka horeeyay , umadi waxay doorataa barnaamij siyaasadeed oo ka turjuma baahideeda guud iyo hogaamiyeyaal daacadnimo, shaqo wanaag iyo iimaan ku shaqeeya isla markaana ay ka go'antahay hur-umarinta dadkiisa iyo dalkiisaba. Hadaba si aynu u kala doorano xisbiyada tartamaya waa in aynu fahansan nahay ajendaha xisbigaasi iyo baahida dadkeena iyo goboladeen taal . Waa maxay baahida gobolada Awdal iyo Salal taal? Maxay u baahan yihiin in ay helaan dadyowga ku dhaqan goboldani ? yaala dooran karaa maanta? Guud ahaan, goboladan Awdal/Salal waa gobolada ugu barwaaqaysan Soomaaliya iyo Somaliland ba. waa gobollada kaliya ee laga helikaro macdan , patrol ama shidaal , dhul beereed masno ah iyo waliba xeebo laga kaluumaysan karo . Su'aasha qofku is weydiinayaa waxay tahay Maxaa ragaadiyay barwaaqada intaasi leeg ee goboladan jiifta ama sidee baan uga faa'iidaysan karaa dhulkan dihin? labadaa su'aalood aan isdul taagno inta ay naan sharax kale galin . Umadi hor-umar ma gaadho ilaa ay hesho hogaamiye daacad ah iyo siyaasad hufan oo ku dhisan aqoon, cadalad iyo dhaqaale .hadii hogaanku kaa xumaado siyaasaduna way kaa xumaaanaysaa labadaasina waxay cadow ku yihiin dhaqaalaha, siyaasadaada iyo guud ahaan ba nabadgalyada. Markaasi waxaynu odhan karaa hogaankii baa ka xumaaday dadkan Awdal iyo salal ku dhaqan .Intaas marka aynu isla garanay waxaan inyar sharax ka bixinaynaa dhibaatada jirta labadan gobol ee Awdal iyo Salal. Sida aynu ognahay goboladan Awdal iyo Salal malaha jidad wanaagsan oo ay ku safri karaan dadkoodu taasi waxay keentay in wixii beeraha ka soo goay ay gaadhi kari waayaan degmooyinka qaar.Tusaale, xabxabka ka baxa Qabri baxar waxa uu ku dhintaa meesha uu ka baxay sobob jidla'aan iyo gaadiid la'aan awgeed. deked malaha ay wax kala soo degaan ama ka dhoofin karaan baayacmushtariga gobolku. siyaasada jirta awgeed waxa lagu qasbay dadka inay Berbera ku xidhnaadaan taasina waxay sobobtay in baayacmushtarkii Awdal/Salal ay dilaal u noqdaan tujaarta gobolada kale. Hadaba dhibaatooyinkaasi aan soo sheegay ee goboladan haysta sida kaliya ee ay uga bixi karaan waa iyaga doorta xisbiga wata barnaamijkaa siyaasadeed iyo hogaamiye og baahidooda goboleed iyo degmo kaas waxan is leeyahay waxa noqon karaa xisbigan kulmiye markaan eegno barnaamijkiisa iyo eng cabdiraxmaan saylici oo ah nin karti u leh in uu ka midho dhaliyo hadafkiisa siyaasadeed ee horumarka iyo barwaaqada ku dhisan .waayo eng saylici waa nin wax dhisa nin wax dumiya maaha maantana waxa loo baahan yahay nin wax dhisa waxaan is leeyahay waa nin dhisi kara dhamaan jidadka iyo dekadaha goboladan oo dhan inat ay ku qaadataba . |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
13 June, 2010
Guulaha X/Kulmiye, Gardarada Udub Iyo Gaabiska Ucid Ee Ololaha Doorashada Gobolada Awdal/Selel
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment