Xaraf-(KULMIYE.):- Dadka ku dhaqan Deegaanka Xaraf ee dulkeedka Galbeed ee Caasimadda Hargeysa, ayaa Casuumad qado ah maanta ku qaabillay Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna Guddoomiyaha Xisbigaas iyo Madaxda kale ee KULMIYE. Waxaama Casuumaddaas ka qaybgalay Wefti culus oo uu hoggaamiyey Axmed-Siilaanyo oo barqadii maanta ka ambabaxay Hargeysa.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo oo horkacayay Wefti culus oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE, Xoghayaha guud ee Xisbigaas, Guddoomiyaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta u qaabilsan KULMIYE iyo Saraakiil Xisbiga ka tirsan oo aan tira lagu soo koobi karin, qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Xisbiga KULMIYE laga soo doortay, gaar ahaan kuwa deegaankaas ka soo jeeda dhalasho ahaan oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Axmed-Wayne iyo masuuliyiin kala duwan oo aan tira lagu soo koobi karin oo Xisbiga ah.Dadkii Xafladdaas abaabulay ee Casuumay Madaxda KULMIYE waxa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo dabayaaqadii toddobaadkii inna dhaafay ku biiray Xisbiga KULMIYE, dhalasho ahaanna deegaanka Xaraf ka soo jeeda. Waxaana Weftiga tuulada Xaraf loogu diyaariyey Casuumad,iyada oo Geel loo sii qalay.
Ciise Cismaan oo ka mid ah Odayaasha Deegaanka Xaraf, ayaa ugu horreyn hadal soo dhawayn ah ka jeediyey Madashashii Weftiga lagu soo dhaweeyey oo ahayd Geed aad loo rusheeyey,. "Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo iyo Weftiga culus ee uu hoggaaminayo waxaan leeyahay Xaraf waa magaaladdiinii Gacmo-furan baannu idinku soo dhawaynaynaa, soo dhawaada ayaannu idin leenahay, waxaanan idiinka mahadceliyanaa haddii aad tihiin Siilaanyo iyo Weftigiisa sida aad nooga aqbasheen marti-qaadkii aannu idiin fidinnay ee wakhtigiinna noogu soo horteen." Sidaa ayuu yidhi Oday Ciise Cismaan oo ku hadlayay afka dadka ku dhaqan deegaanka Xaraf, Boqol-jire iyo Xagal. Waxaanu Axmed-Siilaanyo u soo jeediyey inuu caddaalad, sinnaan iyo wax-qabad muujiyo haddii Illaahay talada dalka ku guuleeyo doorashada madaxtooyada ee 26-ka bishan Juun dalka ka dhacaysa. Isaga oo Oday Ciise madashaa ka ballan-qaaday inay dadweynaha reer Xaraf, Xagal iyo Boqol-jire codkooda diyaar ula yihiin inay Xisbiga KULMIYE Siiyaan maalinta doorashada loo dareero.
Cabbaar ka dib markii Weftigu halkaas ka qadeeyey, kuna dul-qadeeyey Gogol Geed weyn oo Cudbi laygu sheegay, aadna u hadh-qabaw hoostiisa loo dhigay, ka dib waxay u soo baqooleen Siilaanyo iyo Weftigiisa oo Baabuur tira badan watay dhinaca Magaalada Hargeysa oo ay galinkii hore ee maanta ka ambabaxeen, waxaanay Hargeysa soo gaadheen abbaaro 3:00-dii Galabnimo ee maanta galinkii dambe.
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa
No comments:
Post a Comment