Guddida Ilaalinta Anshaxa Doorashooyinka Oo Sheegay In TV-ga Qaranku Ku Xad-gudbay Xeerkii Axnshaxa Doorashada, Digniina Adagna U Diray.
Hargeysa (Ramaas) June13, 2010 - Guddida ilaalinta anshaxa iyo la socodka hawlaha doorashada, ayaa caddeeyey in Telefishanka Qaranku si cad ugu xad-gudbay xeerkii anshaxa doorashada madaxtooyada ee ahayd in warbaahinta qaranka ay u sinaadaan axsaabta qaranka ee ku tarmaysa doorashada soo socota. Waxaanay sheegeen in TV-ga Qaranku uu si ku talax tag ah uu u baahiyo baarnaamijyada xisbiga UDUB.
Guddoomiyaha guddida ilaalinta anshaxa doorashooyinka Mudane Axmed Maxamed Cadaad, ayaa sheegay in masuuliyiinta Teleshanka Qaranku ay iska dhego tireen, qoraalo ay u gudbiyeen oo ay ku tilmaamayeen.
Md. Axmed waxa uu xusay in uu dareensiinayo masuuliyiinta telefishanka qaranka in ay ciqaab mutaysan doonaan ciddii ku xad-gudubta xeerka ilaalinta anshax doorashada. Guddoomiyuhu waxa uu sidaa ku sheegay war-saxaafadeed, war-saxaafadeedkaas oo dhamaystiran ayaa waxa uu u dhignaa sedan:
"Anigoo ah guddoomiyaha guddida ilaalinta anshaxa iyo habsami u socodka doorashooyinka qaranka Somaliland waxay iila muuqataa ama aan ku caddeynayaa halkan in aanad sidii la rabay u fahmin ama ugu dhaqmin warqadii hore ee aanu soo dirnay, taas oo si faahfaahsan u sharaxaysay sida warbaahinta qaranka ay ugu siman yihiin dhamaan xisbiyada qaranka inta lagu gudo jiro ololaha doorashada madaxtooyada.
Xeerka ugu muhiimsan ee la doonayo in lagu dhaqan geliyo warbaahinta qaranka, waxay tahay in loo sinaado dhamaan barnaamijyada iyo qoraalada loona baahinayo si is-le'eg oo uu xisbi waliba helo caddaalad iyo sinaan inta lagu guddo jiro ololaha doorashooyinka.
Waxa xusid mudan in Telefishanka qaranku aanu ku dhaqmin dhamaan shuruudihii looga baahnaa, kaas oo aan fursad is-le'eg siinin xisbiyada kale oo xisbiga UDUB oo keliya siiya fursad aad uga badan ta xisbiyada kale, sidoo kale si lid ku ah habka anshaxa, telefishanka qaranku fursad ma siiyo xisbiyada mucaaradka ah ee iyo taageerayaashooda.
Hadaba, tan iyo markii aanu kuu soo dirnay fariintii hore, aad baan ula soconay barnaamijyada aad tabisaan, waxaana aanu aad uga xunnahay in Telefishanka qaranku aanu ku dhaqmin talooyinkii ay heleen, waxa aan dareensanahay haba yaraatee waxba aanay iska bedelin sida loogu tabiyo daawadayaasha ololaha doorashada , waxaana si cad u maqan ku dhaqanka xeerka anshaxa doorashada.
Waxaana nagu waajib ah in aan ku dareensiiyo in uu jiri karo ciqaab ay mutaysanayso ciddii ku xad-gudubta xeerka anshaxa. Qodobkani wuxuu muhiimad asaasiya u leeyahay muwaadiniinta reer Somaliland ee ka qayb qaadanaya doorashada, waxaana aanu u madax banaannahay in aan warqadan u bandhingno ama u baahino dadweynaha taas oo ay ku lifaaqan tahay warqadii aan hore idiin ku soo dirnay. "
Ramaasnews Desk
Hargeisa.
Guddida Ilaa. Anshaxa Doo ........

No comments:
Post a Comment