07 May, 2010

Wakiilka Somaliland ee Dalka Ireland oo KULMIYE ku …

Wakiilka Somaliland ee Dalka Ireland oo KULMIYE ku …
Wakiilka Somaliland ee Dalka Ireland oo KULMIYE ku Hambalyeeyey Mawqifkooda ku Waajahan Dib-ufurista Ururada Siyaasadda

London (Jam)- Wakiilka Somaliland ee Jamhuuriyada Ireland Md. Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa hoggaanka sare ee xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE ku hambalyeeyay mowqifkooda ku wajahan dib u furida ururada siyaasiga.

Ambasadoor Cabdifataax oo dhawaan waraysi kooban siiyay telefiishanka Universal, waxa uu shakhsi ahaan si aada u soo dhaweeeyay go'aanka xisbiga KULMIYE ku gaadheen in ay u hoggaansanaan doonaan sida dastoorka qaranku dhigayo furitaanka xisbiyada haddii ay ku guuleysataan doorashada madaxtinimada ee Somaliland, isaga oo intaasi ku daray in tallaabadani tahay mid ku dhiirigalin doonta dad badan oo reer Somaliland ah, gaar ahaan qurba-joogu in ay ka qayb qaataan siyaasada dalka.

Wakiilku waxa kale oo uu si cad u taageeray Ganacsade Maxamed Aw-Siciid oo dhawaan sida warar xogogaal ahi sheegeen khilaaf soo dhexgalay isaga madaxtooyada Somaliland, ka dib markii la sheegay in madaxweyne Rayaale dad aan reer Somaliland ahayn siiyey Cable-ka isgaadhsiinta badda, isla markaana uu kaga noqday rag reer Somaliland ah oo uu khadkaasi hore u siiyey. Cabdifataax waxa uu ku tilmaamay ganacsadahaasi nin muwaadina oo door muhiima ka soo qaatay halgankii dalka dib loogu xoreeyay oo u qalma intaasi iyo in ka badan.

Dhanka kalena waxa uu ka waramay safarka Madaxweyne Rayaale ku joogo dalka Faransiiska oo sida uu xusey ilaa iyo iminka la kulmay xubno muhiima oo ka tirsan dowladda Faransiiska. Sidoo kale waxa uu deedafay warar sheegay in wasiirkii boosaha iyo Isgaadhsiinta si khaldan looga reebay weftigii madaxweynaha waxaanu sheegay in sababo dhinaca caafimaadka ah darteed ay wasiirka ugu suurtagali wayday inuu weftiga madaxweynaha uu u sii raaco dalka Faransiiska.

Jamhuuriya Online

No comments: