21 February, 2010

Xuska 20 Feb, weedhihii Siyaasadeed ee Axsaabta

Xuska 20 Feb, weedhihii Siyaasadeed ee Axsaabta 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Munaasibad lagu xusayay 28 guurada ka soo wareegtay Xuska maalintii dhagax-tuurka Dhalinyaradii UFO ee sanadkii 1982-kii, ayaa maanta lagu qabtay Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, isla markaana si wayn loo soo agaasimay, ayaa waxa ka qayb galay Madaxda Axsaabta Qaranka, Wasiiro, Xildhibaanno, Aqoonyahan, xubno ka mid ah Ururkii UFO  iyo marti sharaf kale.

Munaasibaddan oo ahayd madal uu hirdan siyaasadeed ku dhex maray Axsaabta Siyaasadda, ayaa waxa halkaa hadal ka jeediyay ku-simaha Guddoomiyaha, ahna guddoomiye-xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo Xisbiga talada haya ee UDUB ku eedeeyay masuuliyadda dhalinyarta dadka ka tahriibaysa, waxaanu ugu baaqay in ay isku kaashadaan sidii isbedel looga hirgelin lahaa dalka.  "Dhalinyareey astaanta aad ku sifaysan tihiin ee qabyaaladda laydinku kala qaybiyay waxaad ku bedeli kartaan wada-jir iyo midnimo, oo aad kaga gudbi kartaan wax-qabad-la'aanta UDUB." Ayuu yidhi Waqaf.

Guddoomiye-xigeenku wuxuu ka hadlay muhiimadda maalintan 20 February. "Maanta oo ay February tahay 20 waa maalin qaali inagu ah taariikhda ama sooyaalka Somaliland-na ah baal dahab ah ayay kaga jirta oo ku xardhan tahay, maalintaas oo ah maalintii ay shidantay shamaca maanta. Halgankii Somaliland wakhtigaas ku beegnaa ee dhalinayaradii UFO kacdoonkoodii oo taliskii macangagga ahaa ee umala-dooxa ahaa tusay cududdoodu waxay tahay, iyo waxay ardaydu ay qaban karto." Ayuu yidhi Waqaf.

Waxa isna sidoo kale halkaa ka hadlay Xoghayaha guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo jawaab ka bixiyay eedaynta UCID. hase ahaatee, ka hor intii aanu hadalka bilaabin, ayaa waxa dadweynihii ay bilaabeen inay ku foodhyaan, kuna qayliyaan, taas oo ay ku diiddanayeen khudbaddiisa. "Dhalinyaroow waxaan idin leeyahay anagu waanu ka fognahay Fikradaha colaad-oogga ah eek u salaysan collaysiinta Qabiilada, Bulshada iyo Xisbiyada." Ayuu yidhi. Waxaanu Axsaabta ku eedeeyay inay isku bahaysteen arrimo khaldan. Waxaanu u jeediyay dadkii madasha joogay baaq. "Waxaa la idinka baahan yahay inaad halgantaan, waxaa la idinka baahan yahay inaad gacmaha isqabsataan, waxaa la idiinka baahan in mustaqbalkaa la tiigsanayo inaad idiinkoo wadankiina dushiisa ku xaadira inaydun u dagaal gashaan oo aad gaadhaan ayaa loo baahan yahay. Inaga ilaaliya wixii wax inoo dhimaya  inaga ilaaliya wixii nabadgalyada xumaynaya, inaga ilaaliya wixii midnimada dilaya, inoo ilaaliya dadaalkaa aynu ugu jirno aqoonsiga iyo kursiga aynu xaqa ugu leenahay qaramada midoobay."

Sidoo kale, waxa  isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo isna eedayn u jeediyay Axsaabta Mucaaradka ah. "Haddii aad dhalinyarada reer Somaliland tihiin haddaydaan maanta Taariikhda bedelin oo ay daan keenin isbedelka loo baahan yahay, Xisbiga UDUB ka heli maysaan Doorashada inaga raagtay, Dimuqraadiyadda gaabiska ah, dhalinyarooy taas yeeli mayno." Ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE, waxaanu sheegay in Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB iyo guud ahaan Xukuumadduba ay gabeen hawshii loo igmaday, loona baahan yahay in dalka laga hirgeliyo isbedel dhab ah.

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay, Maxamed X. Maxamuud Cumar-Xaashi oo ka mid ahaa Dhalinyaradii UFO ee dhagax-tuurku awgood u dhacay 20 February 1982, Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha Dallada Dhalinyarada SONYO iyo marti-sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda maalintan iyo kaalinta ay ka joogto guud ahaan Umadda Somaliland, gaar ahaan dhalinyarada oo u shahiiday maalintaas.

DAAWO SAWIRADA: http://www.flickr.com/photos/24945908@N02/4373836910/

Xig: Somaliland.Org


No comments: