27 February, 2010

Xaaladda Somaliland oo Mawjaddii khatarta gashey!!


Dad iyo Gaadiid ayaa lagu afduubey, reer Somaliland ah Is-Maamumul Goboleedka Budhcadnimada Badda lagu ogaa, imikana ku darsadey Berrigii!! Xaaladdii Xuduudda oo sideedi ah, Mamulkan Riyaale oo Xantiisa ka xogla, isaguna u gucleynaya sidii uu ugu dhegganaan lahaa hogaanka Dalka aanu kaba warhayn, Mucaaridka oo u weyseysanaya salaad aan aan waqti lahayn, shicibka oo daallan, shaqo la'aan iyo duruufo nololeed oo adagina ku xeeran yihiin, rajo muuqata oo waqtiga dhaw ah oo
ku-talo gal lehina aanay u muuqan, dhallin yarada mustaqbalkoodii lagu dul raamsanayo ee Ciyaaraha Kubbadda Europe iyo Daawashada Tv(yada Satteliteyada ka fadishey in ay xil iska saaraan aayo-ka talintooda, intan oo is-biirsatey, waxay geliyeen Dalkan Gacanta Qaddarka oo awood qaanuun mid goleyal xeer-dejineed iyo Mid odey dhaqameedyo shaqeyneysaa ma jiro!! shalal ayaa ku dhacay Hbsami u socodkii Maamulka Dawladnimo!!
 
Maamulka Budhcad badeedda Puntland ee Shirka ay Dabada ka riixeyso beryanba ka wadday Garoowe iyo Nayroobi ee Garaaddada Sool ku beer laxawsaneysay isirnimada, budhcad badeed waynu ku ogeyne, waxay ku darsatey in Gobolkeeda ay rag hubysani ku Afduubaan toddoba gaadiid dadweyne ah iyo wadeyaashoodii oo Dalkan u dhashey, Gaadiidkaas oo Hay'adda WFP u kireysnaa rashin Gergaar ahna u sidey dadkii ku soo barokacay abaaraha ba'an ee Gobolkaas ka dhacay!! Afduubkan oo ka baxsan insaaniyadda in Gaadiid dadweyne oo Gobolka raashin gergaar ah u sidey la afduubo, waa suurad iyana xaqiiqada is-Maamulkaasi tilmaameysa haddii uu gcan bir ah wax kaga qaban waayo, kuwa afduubka geystey!! Maamulka Puntland iyo Hay'adda WFP labadaba waxa waajib ku ah in ay ka hawl-galaan gaadiidkaas iyo Darawaliinta somaliland in sida ugu dhakhsaha badan , shuruud laa'aan loogu soo dayo.
 
Ummad nabadda Caalamiga ah iyo Taakuleynta loo geysanaya , ugu abaal gudeysa dhac iyo ku-hanjabid qoriga caaradiisa , Hay'adaha qaramada Midoobey iyaga ayey u taalaa waxay ka yeelayaan, Dalkanuse , inta uu Maamulka Riyaale talada hayo, Dacawana yur iska odhan maayo, Maamul ahaan, waana nasiib darro. Mas'uul kasta oo Mamulkan goobaha ay qaraarrada ama siyasadaha qaranku ka go'aan u fadhiyaana , waa mid ay wax weyni ka si yihiin oo aan u qalmin in lala fadhiistoba!! Medey Dawladnimadii Halganka adag lagu keenay? Maxaa curyaanshey Golihii sharci-Dejinta ee sida Xorta ah loo soo doortey, Maxaa awooddi qaranka isugu geeyey Gacan keliya? Kaadhadka Cusub ee Diiwaan-gelintu maxay xambaar-sanyihiin, ma in dib loo bilaabo Diwaangelin horleh ?
 
Dastuur marna la seexsho marna la soo toosiyo , ku dhaqankiisu waa aynu isdillo sideeda u taalla'e, maxaa badiil ah oo looga digo roganayaa!! Qalinkii wuu rafacmey oo garowsiiyo, caddaalad ,shuruuc iyo Dastuur midna sida uu curfiga Dawldnimo uu yhay kol haddaanu u shaqeyneyn, qayada Muwaadininiintna dhegaha Mamulku ka fureysan tahay, si kastaba ayaamuhu haysu daba socdeene, ka sal gaadhney, Siyasad qallooca ,Sirri-Daariga Mamulkan.
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed



No comments: