20 February, 2010

Maalintii Dhagaxtuurka oo Berri ah & Fulayaashi Dhiigyo-Cabka ahaa ee Nafada iyo inanta garaacey, kla gaadha!!


 
UDUB oo dhoollatus ka dhigeysa, ayaa waxay muruqa Booliska Xisbigaasi u adeega ee aynu moodeyney Ciidan qaran, si aadminimada uga baxsan ku garaaceen , nin nafo ah oo sitey Calanka Xisbiga Kulmiye , magaalada Tog-Wajaale. Hargeysana inan Maklhaayad shaaha laga cabbo oo ku taalla, Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha agtooda ayaa iyana Boliisku sida ay u garaacayeen ay dhulka ugu tuureen, dambiga keliya ee ay gasheyna ahaa, Calankii Kulmiye ayey Madaxa ku sidatey!!
 
Curyaanka Kulmiye , waxa la hubaa in uu ka damiir wanaagsan yahay, wasiirka Riyaale ee Hantidii Ummadda dhawrka Malyan ah is yidhi ku keliyeyso Berbera Lacagtii Maxjarka laga qaadey, Ka damiir wanaagsan yahay, Wasiirka Riyale ee ku caanka noqdey in uu Maxasta la ficiltamo, Ka damiir wanaagsan Mas'uuliinta Heshiisyada ay Magaca qaranka somaliland ku gakleen horgeyn la' Goleyaashii sharci Dejinta oo uu amrayo Dastuuka qaranku in lga Ansixiyo si ay sharci u noqdaan, marka ay Goleyaashu u Gusbiyaan ansixinta ee uu Saxeexo!! Sidan oo Dastuur-Diid iyo Somalilandnimo diid ah!!
 
Bolisku xaq ayuu u leeyahay in uu Saldhigyada geeyo , qofkii sharciga ku gafa , waxase aan  wax marmarsiiyo ah loo heleyn garaacista Muwaadin Naafo ah, iyo lama garaacaan gabadh ah, oo marka shuruuc oo dhan halkaas layska dhigo, Naaqisnimo weyn ku ah in Ciidan qaran oo rag ahi ay gabadha aan waxba geysan ee aan hubeysneyn, dhulka ula dhacaan, Calankii Kulmiye ayey haysatey.
 
Bulshadu cadho ayey Miciyaha ka sanqadhineysaa haddaba oo jariimaddan ka baxsan insaaniyadda ee UDUB Boolisskeedu wax loo dulqaato wey dhaaftey. Rag aanu og-nahay oo aad mooddo inay Daawadaan dhaqan-xumda "Red-necks"ka jarmalku ay si aan xishood lahayn taageerayaasha kulmiye ula soo daba socdeen dhawr sano imika, Dulqaadka Baahsan ee Mas'uuliinta Kulmiye ee Marka ay cadho gadhoodhaan sida carabta wax uun cambaareynaya, suurad iyo Farriin qaldanna ay u arkeen , Ciyaalka dhaqankan xun ee naafada iyo Maxasta lagu garaacayo, dabeecaddan oo rag noo tilmaansani lahaan jirey!!
 
Berrito waa oo kale , waa malinta aanu isla-weynayaasha dhaqanka , akhlaaqda iyo Shuruucda ka caydhoobey ee inay qori iyo tekniko Ummaddan soo jireenka ah ku haystaan isku qanciyey aanu leekeysiinno shaadhadhka ay isku qanciyaan inay ka weyn yihiin!! aanu dhab u tusno in aanu dhagax kaga furanno, kalaashakovka uu aaminsanaa, aanu sida ninjaha, sas ku ridno aanu weligii suuraddan beenta ah ee uu isu dhisay ee aanu lahayn aanay dib dambe isu helin.
 
Haddaba, Jananka Boliska UDUB isaga oo karaamadiisa huwan, Raggii Curyaanka ku garaacay oo dambiilayaal jariimad aadamaha kuwa laga galo ughu xuin ah ku eedeesan, intaan berri laysla gaadhin, ma soo qabanayaa oo Caddaaladda ma hor keenayaa, Kuwan inanta Shaaraca ku garaacay ee racxmad darrada aan kala hadhin ilaa ay dhulka ugu tuureen, calshaan calankii Xisbiga kulmiye ayey Madaxa ku sidatey, Fuleyaashan Dhiigyo cabka ah ee qofka dumarka ah ee aan hubeysneyn, cadow Dalka ku soo duuleyna ahayn ee sidan u dhaqmey ma soo qabanayaa inta aan berri la gaadhin oo sharciga ma la hor keenayaa?
 
Haddii ay labadan arrimood u suurtageli waayaan jananka , yaan laysugu soo gabban qaran uu Maamulka UDUB rogayo, yaan been laysugula meereysan Dastuur Alle u Naxariistey Beri hore oo Marka uu Maamulku muraad leeyahay keliya , nafta lagu soo celiyo. Berrito , waa maalintii xaqa lagu addimay ee dhagaxa lagala hortegey Dawladdii Diyaaradaha, Taangiyada, Madaafiicda iyo Ciidanka aan tiradiisa laba aqoon faro bdni wxa uu ka qabay ee inta direyska sidatey, inta geesh Beeleedka ah iyo dhgeysteyashu is leekaayeen.
 
Mujrimiintan Fal-dambiyeedka Aadanaha laga galo kula jirta faraha haddii ay cadceeddu ugua dhacdo Booliska Dalka in lagu soo qabta , raadyowgana laga baahin xadhiggooda , Taliyihii watey kuwa Hargeysa ee inanta garaacay, kan Curyaanka wajaale, Maamulku isaga ayaa ka mas'uul ah wixii ka dhaca!!  Bulshada Kulmiye ma ahaaneyso ta goor walba
iyadu dulqaadata, ta goor walba la dhibaateeyo ta maxasteedii iyo naafadeeda loo dhaafo !! ee sidan hamajnimada ah loo garaaco. Udub waa inay raalli gelin ka bixisaa Askarteeda waxan ku kacdey , dabkan ay ganmeheeda ku ciyaarsiineysona , awood ay ku bakhtiisu haddii uu faraha ka baxo ma hayso eh, waxa la gudboon inay itaalkeeda dhabta ah ay ogaato.
 
Afkii waxaan ogahay ka gaadheen kuwii ay ta yaryari qaad-qaaddey ee haadku gigey, ayey raadkeedii hayaan kuwan dhakada ka abaaroobey ee Aqoonta iyo runta ay isl liitaane, Doobir , Doobir!! , Daadka soo socda !! Lax dhukani Abaar Mooge, Guddoomiyihii Gobolk Hargeysa oo jaadka jooji is-yidhi ayaa Caasimadda looga dhaqaaqey oo Bakeyle qaladkii ku baxdey, isaga iyo Waraabihii markey ku keliyeysteen Caasimadda, ayuu Ciidankiisii iyo isagii oo Taambuugyo sitaa , dadkii ka daba yimid, mrkay dhagax kala hortageen ee uu arkey in aanay doponeyn inay arkaan isaga iyo Ciidankiisana uu ku yidhi," Waar idinka ayaan Guddoomiye Gobol idinku ahaa, markaad iga timaaddeen , dee waraabe ayan isku hadhney, kaasna la'iima xilsaarin, waxaad yeeshaan waxaad doontaan keena'oo innagu celiya Magaaladii. markaas ayaa sacabku is gaadhey oo Jaadkii loogt baxay Caasimadda koontrabankiisu fasax noqdey!! UDUB dhawdhawdu umay dhicine, inay Muddo dhaaf Xilkeedi rsmiga ah 3 sano ku joogto oo loogu dulqaatey, waxanna ay dheereysato maxasta iyo Naafada ay  ugu muruqsheeganeyso, Saacaddii sibitoorka edebta ee qarannimada ayey soo gaadhey, Waana Maalintii dhagaxtuurka ee isla weynayaasha la edbin jirey. Shuruucda Dalka iyo Dastuurkiisa oo loo hoggansamo laguna shaqeeyo ayeynu Dawlad ku nahay, haddii Madaxda iyo Hawlwadeennada Maanmulku sidii Maradan cas ee Dibiga isbaanishka ay Calanka Somaliland noo hor hayaan , sidanna
naafada iyo dumarka u garaacayaan, ha lays barto, hana la kala adkaado ee yaan laysugu soo dhuuman wax aan dhulka oolin oo ah Dawladnimo Dastuurkeedii Maamulku dhulka jiidayo!!
 
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed
 
 

No comments: