DALJIRE Riyaha Iga Eeg Qaybtii 1aad….. By A Geeljire
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Doolaal: waar kii maanta kula socday ee niigteynka isku bakhtiiyay muxuu ahaa?
Dubbe: Anaa kuu sheegiye ii kaadi. Wuxuu ahaa mid qurbejoog ahe.
Horta nimanyahow mid xaal baan ka bixiyay,midna xaal baan ka doonay,midna waa iga digniin midina waa iga talo.
Doolaal:keebaa xaal bixiya? "maxaa laygaga farxi, berriba waan lumiye." buu yidhi nacaskii. Maxaad xaal bixin berriba bad waad geliye.
Dubbe:Horta mid xaal waan ka bixiyay oo ninkii Raabi ee Komishanka ee aan berigii la magacaabay ka yar shakiyay nin wanaagsan buu noqday oo xaal baan siiyay. "naclatallaah calaa shaydaan." Inuu halkaa hawsha ka sii wadana waan u rajaynayaa. Midna xaal baan ka doonay oo Komishanku inay saxaafadda qaar ka reebaan, gaar ahaan Waaheen xaq may ahayn munaasabna kuma aha Komishanka sharafta lihi inuu waxaas oo kale ku kaco. Saxaafadda madaxa banaani ama jeclow ama necbow oo waa indhaha, dhegaha iyo afka umadda. Midna waa iga digniin ee eedaymaha aynu wasiirka maxjarka u soo jeedinayno iyo yaanay iskaga keen qaldamin carqaladaynta maxjarku. Waxaynu isku haynaa waa heshiiskii na tus iyo todobada doolar ee ganacsatada la saaray xaq ma tahay, ma laga wada qaadaa halkeese la mariyaa?
Doolaal:Hadal xun kaasi maaha. Maxaa kaa talo ah?
Dubbe: Waxa iga talo ah, horta nimanyow tuugo inaad wax xaddaan iska ilaaliya. Haddii aydin iska dayn weydaan oo "gacani waa miskiine" aad noqotaan kuwa xoolaha dadweyaha xada; saddex nin uun sidooda mid noqda laakiin ka afraad oo ah Wasiirka xanaanada xoolalaha ama wasiirka maxjarka ninba sida uu u yaqaan ee Idris oo kale ha noqonina.
Doolaal:Waar cidina wax ma xaddo ee madaxda afkaaga ka jeedi.
Dubbe:Adiga nabarkii baan ku taabtay oo kula yaabi maayo eh dadkaan la talinayaa. 1. Sida Madaxweynaheena Mudane Daahir Rayaale Kaahin bilaa xishood iyo bilaa damiirnimo iska gurta oo meel walba daar ka dhista oo meel walba dhigta oo illaa Kanada illa Faransiis illa Carab illaa Ingriis meel walba rag iyo dumar xidid iyo xigaal m id walba in yar u dhiibta ama daar yar ku qora magacooda; marka laydin weydiiyana waxaa tidhaahdaan "wax la musuqaaba ma yaalan. Caalamku wuxuu na siiyay 216 milyan oo doolar oo keliya oo wax macno leh may ahayn" 2. Sida Cawil xariif noqda oo "xagga bari ka laba gura" meel aad wax mariseena ha lagu murmo uun. 3. Sida Siciid Sulub tuug badaw ah noqda oo marka laydinku qabto waxaad tidhaahdaan "qolada daantaas ee Habar Awalba waa kuwii xaday ee ma labadayadan nin ee Garxajiska ah ayuumbaa eeganaysaan." Oo isasa soo mutuxa.
Laakiin sida Wasiirka xanaanada xoolaha dadkaa xadayseen cay hawgu darina oo ha odhanina "sirta dawladda ayaan xildhibaaanada Wakiilada umadda ka qaraninayay oo saxaafadda ayay u sheegayaan." Maxaad qarinaysaa ma qumbulad durriye ayaad samaysay waxa lagaa rabaa waa inaad tidhaahdo Aljaabiri baa maxjar inoo dhisay sidaa iyo sidaana waanu kula heshiinay kharashkiisuna waa intaa wixii deyn ahna sidaas baynu u celinaynaa. Saxaafaddu haddaad wanaag samaysayna way kuu marag furi oo ciddii kaa gar daranna waa lagaa qaban. Haddaad qalad samaysayna dadkay u sheegi waana muwaadiniin xalaal ah oo dalka dhib mooyee dheef ay ku qabaan aanay jirin sidaada. Maalin walba xukuumadda aad ka tirsan tahay baa xadhig iyo xabbad la dhacda iyagoo umadda u adeegaya. Lana soco oo haddii aad Jamhuuriya necebtahay ama aanad ku kalsoonayn intii kale maxaad kagaga shakiday?
Doolaal:Waar xukuumad sir yeelan wayday oo waxeedii maqaaxiyaha lagaga sheekaystay ma xukuumad baa? Qoladan sharci dejintu inay wax walba faraha la soo qalaan maaha ee waa inay sharci un sameeyaan oo golaha Fulinta u dhaafaan maamulka. Iska daayoo laguu taag heli maayee ninkii kula socday muxuu ahaa?
Dubbe:iimaanka lagaa qaad intaa lacag inaan ka soo qaaday ayuu moodayaa. Waar aniguu su'aalo wadnaha igu caddeeyey oo weliba sharaabkiina u amaahday markaan xiiqay.
Doolaal:oo muxuu ku weydiinayay?
Dubbe:kani muxuu ahaa? Daartan yaa lahaa? Kan waddada ka talaabayaa muxuu ahaa? Kan caayayaa muxuu ahaa? Islaantani waa tuma? Muxuu kani ahaan jiray halganka hortii? Waar iska aamus kuuma nooliye.
Doolaal:Dee haaye yuu ku weydiiyay.
Dubbe:Halkaa markaanu ka dhaqaanay ee aanu Gargaar agtiisa marayno ayuu gaadhigii laan kruusarka ee naga horreeyay biriigga ku qabtay si kedis ah. Mise nin curyaan ah oo wadda ka tallaabaya oo gurguuranayaa oo kii gaadhiga watay caayayo ayaanu aragnay. "Muxuu ahaa" buu yidhi ninka gaadhi wataa. "Waa wasiirkii Warfaafinta Ina Xaaji Dahir " baan idhi. "ma kii berigii yidhi "hadday SNM dalka qabsato sun baan cabayaa?" " Oo Curyaankuna?" ayuu yidhi. "Waa Mujaahid Cali Wiish, Kaare ayaa jiidhay." Baan idhi
Doolaal:Ma runtaa baa?
Dubbe:In Caano geel ah baanu soo cabnay oo soo noqonay. "waar ninka maryaha tuuray ee guntiga geliya ee yar xidhan ee kan gaadhiga wataa candhuufta ku tufayaa muxuu ahaa" ayuu yidhi. Is indho tiray oo idhi "kee?" "dee kan." "waa Mujaahid Omar Asqo geesigii halgankii. Xabbad baa madax kaga jirta." Ayaan ugu jawaabay. "kan candhuufta ku tufyaana." "Cismaan Hindi baa la yidhaadaa." Baan idhi. "oo berigii halgankii muxuu ahaa isagu?" "'aar riyaha naga eeg ninyow moojidiisee." Ayaan idhi intaan ri' jiidhi gaadhay. Geedkii qaadka ee Maaweel soo gaadhnay. Boqoraddii is nidhi ka qaata qaadkii. Kuye. "waar ninka raadyowga iyo warmaha iyo seefta iyo faashka sitaa muxuu ahaa ee meesha taagani? Kan uuse shaxaadayaa muxuu ahaa?" " ninka warmaha sita Mujaahid Mahdi baa la yidhaahdaa oo waa ninkii farriimaha sirta ah ee faqashtu isugu dirayso raadyowga furi jiray (code breaker). Kan u shaxaadayo ee daaqadda ka xidhanayaana waa Jug-soo-dhacay ." Ayaan ugu jawaabay. "oo muxuu ahaan jiray." "'aar iminka anigu ma dawladda hoose ayaan taysarooyinka ka bixin jiray; mid walba muxuu ahaan jiray baad i leedahay? Dee mooji. Belaayadaa circa ka soo dhacday weeyaan." Soo dhaqaaqnay. Maaliyadda horteeda nin dhuuban oo cadhaysan oo leh. "ma miisaaniyada yar oo marka horeba caantayn ah ayaanu baryi uun oo Cawil iyo ina Daauud uunbaa isu kayo celin oo na gumaysan doona?" Ayaanu ku soo baxnay. "hay waydiin anaa kuu sheegayee." ayaan idhi markaan arkay isagoo farta ku fiiqaya. "waa mujaahidkii ururka mujaahidiinta ee SOOYAAL guddoomiyaha ka ahaa." "oo Cawil iyo ina Daauudkan uu baryayo ee uu sheegayaana maxay ahaan jireen?" "adeer iminka maxay yihiin i weydii taasaan garanayaaye."
(La soco qaybta labaad)
Waa inoo qoraalka xiga. Haddii Eebbe idmo.
Geeljir
No comments:
Post a Comment