Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa iyo arrimo uu ka hadlayJanuary 20th, 2010 Comments OffHargeysa (Somaliland.Org)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada, isla markaana muddo safar ugu maqnaa dalka Ingiriiska, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa.
Xildhibaanka waxa Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE, waxaanu halkaa kula hadlay Warbaahinta.Siciid Cilmi Rooble waxa uu sheegay in Bulshada Somaliland ee qurba-joogga ahi kaalin mug leh kaga jiraan horumarka dalka, isla markaana loo baahan yahay in loo sameeyo Wasiir gaar u ah. “Waa in Wasiir u gaar ah oo Wasiirka Qurba-joogga ah loo sameeyaa muwaadiniintaas sida Masar oo kale.” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi.Xildhibaanku wuxuu sheegay in Bulshadu ogaato in dalka ay ka dhacayso Doorasho. “..Bulshada waxaan leeyahay Doorasho way dhacaysaaye ka welwel la’aada.” Ayuu intaa raaciyay.Dhinaca kale, Xildhibaanku wuxuu cambaareeyay falkii ay Ciidamada Boolisku ku dileen labada qof Magaalada Tog-Wajaale, waxaanu ku baaqay in Sharciga la horkeeno Askartii falkaa geysatay.
“Maadaama aan ahay guddoomiyaha guddida amniga ee Golaha Wakiilada, waxaanu leenahay waanu ka xunnahay falkaa dhacay, waananu ka tacsiyaynayaa dadkii ay ku timi, isla markaana waxaanu dalbanaynaa in sida ugu dhaqsaha badan sharciga loo horkeeno dadkii falkaa geystay.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.Waxyaabaha kale ee uu Mudanuhu ka hadlay waxa ka mid ah tallaabooyin la sheegay inay Xukuumaddu ku damacsan tahay inay ku xidho qaar ka mid ah Siyaasiyiinta oo uu ka mid yahay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, taas oo uu ka digay inay dhacdo. Waxaanu sheegay in aanay Xukuumaddu sharci u lahay xidhitaanka Siyaasiyiinta ee bilaa sababta ah.Gebogebadii waxa Mudanaha loo galbiyay dhinaca Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE, halkaas oo ay ku qaabileen hoggaanka sare ee Xisbigaas oo uu hormood ka yahay ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga, ahna guddoomiye-xigeenka Muj. Muuse Biixi Cabdi.
No comments:
Post a Comment