22 January, 2010

Masuuliyiinta Kulmiye Ee Awdal Oo Cambaareeyey Xadhig Ay Maamulka Gobolku Kula Kaceen Xubno Ka Tirsan Xisbigaasi

Masuuliyiinta Kulmiye Ee Awdal Oo Cambaareeyey Xadhig Ay Maamulka Gobolku Kula Kaceen Xubno Ka Tirsan Xisbigaasi

Boorama, January 21, 2010 (Haatuf) – Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Awadal ayaa cambaareeyey xadhiga Maamulka gobolka Awdal kula kaceen xubno ka tirsan xisbigaasi Kulmiye iyo taasgeerayaashiisaba, kuwaas oo ku tilmaamay falal ka dhan dimuqraadiyadda iyo nabadelyada.

Warsaxaafadeed ay maalintii shalay xisbiga  Kulmiye kasoo saareen Boorama oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal, Ibraahim Aadan Qaalib ayaa u qoraa sidan:-

"'Maamulka  sare ee xisbiga Kulmiye  ee Gobolka Awdal  waxa uu cambaareynayaa  xadhigga sharcidarada ah ee lagula kacay Cheif Caaqil Muuse Xuseen Faatax  (saxane),oo labadii maalmood ee dambaysayba ku xidhnaa  saldhigga dhee ee Magaalada Boorama ,saakana loo gudbiyey maxkamadaha gobolka awdal iyo tan Boorama ,iyadoo anay jirin haba yaraate wax dembi ah oo lagu helay ,ama lagu cadeeyey .Kaddib waxa dhacday in Guddoomiyaha maamulka gobolka awdal oo isticmaalaya awoodo  ka baxsan sharciga  uu amar ku bixiyey in xabsiga dhexe ee Boorama loo diro ,taasoo ka tarjumaysa cadaadiska gaar ahaaneed  ee Guddoomiyaha gobolku ku hayo  xubnaha ka tirsan xisbiga Kulmiye , iyo taageerayaashiisa uu madaxa u wada yahay ,isla markaana anu maamulka gobolka xisbiga Kulmiye u aqoonsanayn xisbi qaran.

Cadaadiska iyo xadhigga  sharcidarada ah ee maamulka goolka la bartay taageerayaasha iyo xubnaha ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa lagu caddayn karayaa xadhigga laba maalmood ka hor isna loo geystay mid ka mid ah xubnaha xisbiga Kulmiye ,magacaiisana la yidhaa C/qaadir  Aadan Yuusuf ,oo isna ku jira xabsiga dhexe   ee Boorama .C/qaadir Aadan Yuusf ,oo dhawaanta kusoo biiray xisbiga Kulmiye  ,ayaa isna  lagi xidhay fikirkiisa siyaasiga ah  oo uu ka dhiibtay xaaladda dalka ,annagoo guud ahaanna arrimahaasi u aragna kuwa looga dan leeyahay khalkhalgelinta amniga .Sidaa darteed waan hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye  ku wargelinaynaa  in si degdeg ah looga hawlgalo taageerayaasha lagu xidhxidhayo gobolada kala duwan ee dalka  iyagoo an gelin wax dembi ah ,kuwa haatan xidhan  oo kala ah Cheif Caaqil  Muuse xuseen Faatax ,iyo C/qaadir  Aadaan Yuusf  loosoo celiyo xorriyaddooda".

No comments: