10 January, 2010

Guddoomiyaha Kulmiye Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey In Doorashada Ay Carqaladeynayso, Doonaysana Siddii Muddada Xilka Ay Guurtidu Ugu Kordhin Lahayd

Guddoomiyaha Kulmiye Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey In Doorashada Ay Carqaladeynayso, Doonaysana Siddii Muddada Xilka Ay Guurtidu Ugu Kordhin Lahayd

"Waxanu U Aragnaa In Dawladu Ay Wado Olole Ay Ku Ridayso Guddoomiyaha Guurtida Kuna Carqaladeynayso Siddii Doorashooyinku Ay Dib Ugu Dhici Lahaayeen, Intuu Maqnaa Ayaa La Doonayay In Laga Sii Faa'iidaysto"Guddoomiyaha Kulmiye, Axme Maxamuud Siilaanyo

Hargeysa, January 10, 2010-(Haatuf)-Guddoomiyaha Kulmiye, Axme Maxamuud Siilaanyo ayaa dawladda Somaliland ku eedeeyay inay carqaladeynayso qabsoomida doorashada madaxtooyada kuna tilmaamay isku shaandheynta guddi hoosaadyada golaha Guurtida lagu sameeyay olole ay dawladu ku dooneyso siddii guddoomiyaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan "Saleebaan Gaal" xilka looga qaadi lahaa, golaha guurtiduna muddada xilka ay ugu kordhin lahaayeen

No comments: