15 January, 2010

Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo maanta duhurkii dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo maanta duhurkii dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha oo maanta duhurkii ka dib ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera, ayaa mar uu Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin kuwo la xidhiidha khilaafka Golaha Guurtida.

Guddoomiye Saleebaan oo wax laga waydiiyay arrinta Guurtida iyo bedelaadda guddida joogtada ah ee Golahaas, waxa uu sheegay in aanay jirin cid bedeli karta guddidaas oo aan isaga ahayn.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guurtidu wuxuu sheegay in aanu isagu guddoomiye ahaan u socon Kursiga Madaxweynenimo ee dalka, waxaanu xusay in aanu dalku khilaaf u baahnayn ee uu u baahan yahay in Doorasho la qabto. "Dalku wuxuu u baahan yahay Doorasho la galo, balse uma baahna in khilaaf la abuuro." Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Khilaaf xooggan oo kala qaybiyay Golaha Guurtida ayaa toddobaadyadii u dambeeyay hadheeyay Golahaas, kaas oo ka dhashay qoraal ay ku-simaha Guddoomiyaha Guurtida Sh. Axmed Nuux Furre iyo ku-xigeenkiisu ku kala direen guddidii joogtada ahayd ee Golahaas.

Dhinaca kale, socdaalka Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay waqti berri oo sabti ah la filayo in Golaha Guurtidu la furmo khilaaf, ka dib markii sida la sheegay uu Shirguddoonku shaaciyay in fadhiga Golaha la horkeeni doono ansixinta kala-dirista Guddida joogtada ah oo la rumaysan yahay inay ibo-fur u tahay xil-ka-qaadis lala damacsan yahay Guddoomiyaha.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments: