Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Injineer Faysal Cali Waraabe oo si wayn loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Brussels isagoo booqasho sadex cisha ah ku joogi doona wadanka Belgium,sidoo kale waxa isna maanta Waftiga ku soobiiray Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo katirsan Madaxda xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye.
(GNS)Brussels:-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridk ahee UCID Injineer Faysal Cali Waraabe ayaa Caawa fiidkii soo caga dhigtay garoonka Diyaaradaha ee Brussels isagoo kasoo kicitimay caasimada Finland ee Helsink. Injineer Faysal Cali Waraabe ayaa lafilayaa inuu joogi doono wadanka Belgium muddo 3 cisho ah isagoo halkaasi kula kulmi doona xubno sare oo ka tirsan Ururka Barwaaqo sooranka reer Yurub ,sidoo kale wuxuu la kulmi doonaa xubno sare oo ka tirsan Golaha senadka ee Belgiumka.
Gudoomihaya UCID oo aan Caawa wax ka waydiinay socdaalkiisa ayaa noo sheegay in booqashadani ay tahay mid muhiim u ah Somaliland isla markaana meel kasta oo uu tago uu isagu u tagayo qadiyada Somaliland.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe wuxu kale oo sheegay in sidoo kale uu la kulmi doono Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadanka Belgium ,isagoo siindoona warbixin ku saabsan xaalada wadankii ku sugan yahay.
Sidoo kale waxa isna socdaalka Gudoomiyaha ku soo biiray oo ka yimid wadanka Ingiriiska Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ah xubin sare oo ka tirsan xisbiga kale ee mucaaridka ah ee Kulmiye ,waxaanu isna dhinaciisa noo sheegay in socdaalkiisa khuseeyo danaha Somaliland ,waxaanu sheegay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir in Gudoomiyaha xisbiga UCID uu kala qayb qaadan doono shirarka uu la leeyahay saraakiisha sarsare ee ka tirsan senadka iyo EECdaba iyo waliba la kulanka Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadankan Belgium.
Waa markii u horaysay ee xubno sare oo ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah ee Kulmiye iyo UCID ay soo booqdaan xarunta Yurubta ee Brussels,iyadoo sanadkii 2004tii uu wafti sare oo uu hogaaminayo madaxwaynaha JSL Mudane Daahir Riyaale Kaahin lana socdaan xubnihi ugu cuslaa wasiiradiisa uu socdaal sadex cisho ah u yimid xarunta yurubta ee Brussels,iyadoo halkaasi uu shirar kala duwan la lahaa saraakiil ka tirsan ururka EECda iyo xubo kale oo ka tirsan dawlada Belgiumka.
Kala soco shabakada Gabileynews wararka socdaalka waftiga inta ay ku sugan yihiin xarunta Yurubta ee Brussels iyo waliba muuqaalo iyo waraysiyo aan idiinka diyaarin doono waftiga .
Source: Saciid Cali Dahir (Sacadguray)
Gabileynews desk
Brussels
Email Sacadguray@hotmail.com
No comments:
Post a Comment