15 January, 2010

Axmed Silaanyo oo maanta dawladda Maraykanka u soo bandhigay siyaasadda uu xisbigiisa ku hogaamin doono Somaliland

Axmed Silaanyo oo maanta dawladda Maraykanka u soo bandhigay siyaasadda uu xisbigiisa ku hogaamin doono Somaliland

silanyo washington tour

Washington DC- Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Washington shir balaadhan oo ay dawladda Maraykanku soo abaabushay oo loogu talagalay wafitgii uu hogaaminayay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanye ee uu weheliyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, inay kaga warbxiyaan xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgalyo ee Somaliland, kuna soo bandhigaan siyaasadda xisbigoodu ku hogaamin doono Somaliland.

silanyo washington tour0 by you.

Shirkan oo lagu qabtay xafiiska shirarka ee hay'adda loo yaqaano National Endowment for Democracy, waxaa ka soo qaybgalay musuulyiin sare oo ku mid yihiin Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Mudane Princeton Lyman, haddan ka tirsan Guddiga Siyaasadda Dibadda ee Maraykanka, Mudane David Shinn oo hore u ahaan jiray Safiirka Maraykanka u fadhiya Itoobiya, hadana ah Professor wax ka dhiga Jaamacada George Washington, Agaasimaha Mashaariicda Afrika ee wasaaradda Mucaawinada iyo Iskaashiga dibadda ee dawladda Maraykanka (USAID) Mudane Mark Billera, Agaasimaha Waaxda Afrika ee NED, Dave Peterson iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ka mid yahay Matthew Walsh, warfidiyeeno, Garyaqaano caalami ah iyo hay'adaha fidiya dimuqraadiyadda

silanyo washington tour1 by you.

silanyo washington tour2 by you.

Ugu horayn waxaa madasha shirka ka akhriyay sooyaalkaii taariikheed iyo hawlihii uu soo qabtay Axmed Maxamed Maxamuud silaanyo, waxaan taariikhdasi akhriyay mudane Dave Peterson oo ah Agaasimaha qaybta Afrika ee NED.

Intaasi ka dibna ayuu Axmed Silaanyo shirka ka soo jeediyay khudbad uu si qoto dheer leh uga hadlay maraaxilkii kale geddisnaa ee ay Somaliland soo martay iyo guulaha ay shacabka Somaliland ka gaadheen dib udhiska dalka, horumarka bulshada, dhaqaalaha iyo dadaalka loogu jiro helitaan qoonsi siyaasadeed.

Ka dib, wuxuu kaloo Guddoomiye Silaanyo uu si balaadhan uga waramay xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland maanta ka jira oo ay ka mid yihiin hawlaha diyaargarawga doorashada ee dalka ka socda. Waxaa kaloo Axmed Silaanyo ka hadlay siyaasadda xisbigiisu ka dhaqmi doono haddii ay doorashada ku guulaystaan. Waxaanu tilmaan gaar ah ka bixiyay siyaasaddaha xisbigiisa ee ku jahaysan xagga dhaqaalaha, siyaasadda, bulshada, nabadgalyada, waxbarashada iyo caafimaadka.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo ka hadlay siyaasadda Arrimaha Dibadda ee ay Somaliland qaadan doonto haddii ay xisbigoodu ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee soo socota, sharaxaadna ka bixiyay aragtida

Somaliland ee xaladaha ka jira mandaqadda iyo caalamkaba, wuxuuna si gaar u xusay qorshayaashooda ku wajahan balaadhinta xidhiidhka bulshada caalamka iyo Somaliland iyo dariiqyada loo mari karo hanashada himilooyinka qaranka ee aqoonsigu ka midka yahay.

silanyo washington tour3 by you.

Intaasi ka dib waxaa guddoomiye Axmed Silaanyo iyo Maxamed Cabdillahi halkaasi lagu waydiiyay su'aalo badan oo la xidhiidha arrimaha doorashada, xidhiidhka Somaliland iyo wadamada jaarka iyo barnaamijka xisbigooda ee wax ka qabashada baahida qaranka ee waxbarashada iyo dhaqaaluhu ka midka yihiin. Waxaa kaloo ka mid ahaa su'aalihii la waydiiyay qaar la xidhiidha khataraha xagga nabadgalyada ee ka jira Geeska Afrika iyo qorshooda xisbi ahaan ee ku jahaysan ka hortagga khatarahaasi.

Waa markii ugu horaysay ee hogaamiye ka socda Somaliland uu xilli dalku u diyaargaroobayo doorasho madaxwayne ay dawlad wayni siiso fursadan oo kale si ay bulshada caalamka ugu soo bandhigaan siyaasadooda qaran , kulamana ula yeeshaan madax ka tirsan dawladda Maraykanka.

Washington DC USA

No comments: