Rayaale Ma Isagaa Yidhi Xildhibaanada Iiga Dagaalama Xarunta Wakiilada, Mise Xildhibaanada Udub Ayaa Isku Xilqaamay?
Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh
Taariikhdu sideedaba waa casharro ay bartaan dadyawga dunida ku nooli, isla markaana aanay ugu noqon wixii shalay dhacay hadduu xumaa, haddii uu wanaagsanaana lagu dhaqmi karo, sidaas oo kale ayaa Somaliland maalinba Maalinta ka dambaysa ay baranaysaa casharo ku saabsan taariikhdeeda, ha ahaadaan kuwo waxyeelo u ah ama ha ahaadeen kuwo waxtar u yeelan kara, casharadaasi taarriikkhda Somaliland marayso ayaa wax u dambeeyey kii shalay kooxo isbiday inay ka itaal roon yihiin Golayaasha qaranka, sharciga dalka iyo shacbigaba, soo cusboonaysiiyey dagaal hubaysan oo ka dhaca xarunta Golaha Wakiilada Somaliland ee Hargeysa, dagaalkaas oo aan afka ahayne ahaa mid ay adeegsadeen hub iyo xoog milateri oo ay ku qabsadeen xaruntaasi.
Waxay tallaabadani soo xidhay beentii ama runtii ay reer Somaliland caalamka kaga dhaadhicinayeen inay yihiin dal xor ah oo dimuqraadi ah, taasina lagu ogaaday in reer Somaliland sheeganayeen wax aanay ahayn ama aanay noqon karin.
Toban cisho ku dhawaad ka hor markii shirguddoonka golahaasi xeerdejinta Somaliland lagu handaday kuraastii iyo miisaskii xildhibaanada golahaasi ku fadhiistaan, ayaan sheegay in kuraastaasi la isla dhaafi doono, isla markaana hub la isku adeegsan doono haddii khilaafka taagan xal loo waayo, sidaa darteedna haddii ciidamada amnigu nabadda meeshaa sugayaan ay xildhibaanada ka baadhaan hub iyo saanad kale inta aanay soo gelin golaha dhexdiisa, taasina ma dhicin oo ragga golaha dawladda kaga jira ayaa inta ay hub lasoo galeen ku handaday mar kale shirguddoonka golahaasi si ay u joojiyaan mooshin ka dhan ahaa xukuumadda Madaxweyne Rayaale.
Dadka ama xildhibaanada falkaasi geystay oo uu ugu horeeyo nin aan is idhi malaha wuu ugu itaal roon yahay Golahaasi oo kaga dhabeeyey hanjabaado iyo dhaar uu beryahanba ka dhex waday golahaasi, hanjabaadahaas oo aan ka xusuusto ?waxa dhaca waa la yaabi doonaa". Uma haysan in golaha wakiilada lagu kala baxo xoog musaaraco, legdin, feedh iyo hub, balse waxaan moodayey in sharci lagu kala baxo.
Haddaba markaad sababaha xildhibaanada dawladda ku kellifay inay xoog iyo hub ku dumiyaan golaha sharcidejinta Somaliland ayaa uun loo qaadan karaa inay tahay uun dan shakhsi, balse aanay falkaasi ku meteli karin dawladd, Xisbi muxaafid iyo mucaarad toona. ilaa imikana lama hayo qoraal rasmi ah oo uu nimankaasi xeerdejintii dalka dagaal ka dhex oogay uu uga sheegay inay ka difaacaan golaha wakiilada ee ay mucaaradku ku badan yihiin, Sidaas oo kale ayaan weli loo haynin baaq rasmi ah oo xildhibaanada UDUB loogu baaqay inay dagaal la galaan golasha wakiilada ee ay u haystaan inay ridayaan Madaxweynaha, waxayna arrintu u eg tahay in guulwadayn xad-dhaaftay ay xildhibaanadaasi ugu kaceen falkaasi, haddii ay dhimasho iyo dhaawac u geysan lahaayeen shirguddoonkana aanay arrintu ahaateen xukuumaddaan difaacayey ee ay iyaga u khaas noqon lahayd waxay dalka iyo dadkaba u geysteen.
Hadii ay maamuus ka difaacayaan Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa, waxay ahayd inay golaha ka xidhaan xildhibaanada kasoo horjeeda, mana muuqato meel uu Rayaale iyo Axmed Yuusf ku yidhaahdeen hub iyo rasaas la dhaca shirguddoonka wakiiladu haddii uu arrimahaasi soo jeediyo, sidaa darteedna ragga waxaa geystay ee gole dhan oo umaddeed baabiiyey wax wanaag ah uma tarin xukuumadda iyo xisbiga UDUB, balse waxay jareen mid ka mid ah lugihii ay Somaliland qaranimadeedu ku taagnaayeen.
Dhinaca kale markaad eegto dagaalka siyaasadeed ee Somaliland ayaad mooddaa inay ka muuqdaan siyaasiyiinta iyo qabqablayaasha beelaha dhexe kaga jira xukuumadda Rayaale, halka beelaha darafyadana aad mooddo inay daawanayaan waxa ka dhex dhacaya beelaha aqlabiyadda Somaliland, isla markaana haysta aqlabiyadda golayaasha xukuumadda, kuwa qarankaba iyo xisbiyada mucaaradkaba, waxaanad mooddaa in dagaalka siyaasadda Somaliland ku loolamayaan qaybo ka mid ah beelahaasi oo xukunka dalka laga fogeynayo iyo kuwa doonaya inaanay ka degin kuraasta ilaa xoog lagaga kaxeeyo lamana oga ilaa hadda cidda ama qaybta dagaalkan socda ka faa?idi doonta haddii uu xaalku sidaa sii ahaado, balse aan u malaynayo inay galaafan doonaan Somaliland inteeda kale.
Sida uu sheegay wasiirka arrimaha guduhu, waxay xukuumaddu weli ku dhegen tahay in shirguddoonka wakiiladu yahay kan rabshadaha wada, balse sida la ogyahay dawladda cabsidu ka badatay ee Madaxweyne Rayaale, waxay adeegsanaysaa awooddeedii u dambaysay ee ay ku baajin lahayd doorashooyin iyo dimuqraadiyad, kuraastana weli usii fadhiyaan. Way quruxbadnaan lahayd haddii cimridhererka xukuumadda Rayaale doonayso ay raalli ka yihiin golaha wakiilada, xisbiyada mucaaradka iyo qaybaha shacbigu, balse sheekadu way fool-xuntahay ama way fool-xumaan doontaa haddii xukuumadda iskadhaadhicisay inay xoog milatari ku haysan karto dalka sida haatan ka muuqata, waxaana dalku qarka u saaran yahay dagaal siyaasadeed, kuwa beeleed iyo kuwa gobolaysi.
xaaladda ka taagan golaha wakiilada iyo dagaalka ka socda ayaa sidoo kale aad mooddaa inuu caalamka iyo dalalka deriska ah ee jecel Somaliland ama neceba ku farxeen ama ka naxeen falka u dambeeyey ee ka dhacay, iyadoo ay weli muuqato in raggii falkaa geystay aanay cabsi ka qabin sharci lagu soo dabbaalo ama lagu qaado, sidaa darteedna xildhibaanada kasoo horjeeda xukuumaddu ku dhaqaaqaan arrimo kasii daran kuwa ay sameeyeen xildhibaanada dawladdu badhi itaalayso.
Maanta oo ay waxaasi ka dhaceen golahaasina lama odhan karo gole Baarlamaan-baa jira ama gole shacbi ayaa jira, maadaama albaabada golahaasi xidhan yahayna waxa ceebteeda iyo eedeeda yeelan doonta dawladda iyo ciidankeeda aad habdhaqankooda moodayso mid la mid ah kuwa ay ku dhaqmayaan ciidamada Ajnebiga ah ee faragelinta loogu diro dalalka kale, isla markaana calaamadaha arxandarada ah, xadhigga, Rasaasta iyo hanjabaadahu u yihiin jidka keliya ee ay ku gaadhi karaan nabadgelyo.
Ugu dambayntiina dagaalka ka dhacay golaha Wakiilada Somaliland, waa mid kala fogeynaya shacbiga Somaliland, mucaarad iyo muxaafid, shicib iyo dawladd, soona dhaweynaya xasiloonidarro, sharci iyo kala dambayn la'aan iyo cadaawad siyaasadeed oo aan hadhaw la garanayn meel laga soo qabto, loona baahan yahay inta goori goor tahay in lasoo afjaro, xukuumadduna qirato in sharci iyo dastuur dalka ka jiro.
No comments:
Post a Comment