07 September, 2008

RAMADAAN IYO RAAXADA QALBIGA

SODDON IYO KOW IDAACADOOD OO ISLAAM AH IYO DALKAN U.K
Axmed Carwo
Waxa la galay toddobaadkii labaad ee bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxa la laasimay daacadda Eebbe, oo lagu gutay jihad adag iyo samir. Haddaba sanadkan oo dalalka waqooyiga dunida ay ku beegantay xili xagaa ah oo cadceedu goor dambe dhacayso, mey noqon wax cibaadada ILAAHAY wax u dhintay, bal se waxaa muuqata in sanadba sanadka uu ka dambeeyo, ay diinta Islaamku hiil iyo gurmad ku socda xawaari xoogani dalalkan aanu joogno soo gaadho. Tacmiirta masaajidda, afurka la wadaago, suxuurta leysagu yeedho, QURAAN akhriska, tartanka caruurta ee arrimah diinta iyo dhaqdhaqaaq kasta oo la cisaynaayo bisha ILAAHAY inoo dooray ee Ramadaan, ayaad meel kast ka arkaysa.
Tahniyad rasmi ah oo ka soo baxaday dhammaan xafiisyada hay’adaha dawladdaha Yurub dhammaantood, waxa wehelisa casuumado iyo ka soo qayb gal xafladaha Ramadaanka ee madaxda dalalkan. Sidoo kale ayaad arkaysa shaqaalaha oo loo baarikaayo, laguna tahniyadeenaayo bilowga soonka.
Waxa intaas oo dhan isku fuuqsatay in kowdii Ramadaan ay dalkan Britan (Ingiriiska), ay ka bilaabmeen Idaacado ka badan soddon (30), oo FM ah soconayana 24ka saacadood ee bishoo dhan, wax aan diin islaamka ahayn laga soo deynayn. Waa quraan laabtaada qaboojinaaya ooy akhriyayaan culamadii waa weyneed waa Cabdi Baasid, waa Wiilkiisa Yaasir, waa Xusari, waa Xudeyfi, waa xadiisyo iyo taariikh ay darandoorinayaan Shacraawi, Qaradaawi, Naabulsi iyo dhammaan culumada daafadaha dunida. Waxa Idaacadahan oo loo yaqaan Idacadaha Ramadaanka (Ramadan Radios), ay ku baxaan afafka Ingiriiska, Carabiga Urdooga, iyo meelo badan afka Soomaliga. Waa guul aan cidi nala wadaagin.
Tolow magaaladaydii Hargeysi iyo dhammaan ciriga Soomalida ma jirtaa idaacad 24ka saacadood furan oo diinta Islaamka uun ka hadlaysa?. Maan maqal, waa se arrin ina sugaysa oo dawlad iyo shacbiba u baahan in la hirgeliyo. Dhalinta Cardiff ka tegtay fasaxii oo hadda soo laabtay, waxay ku noqotay wax la yaab leh inayna Hargeysa ka jirin Ramadan Radio.
Waxa reer Cardiff u gaar ah. In maalinta Axadda ee 14 September la qabanaayo afur samofal ah oo lacagta ka soo baxda lagu deeqaayo Muslimiinta qaaradda Africa oo Soomalaadu u badantay. Waxa xafladda ka hadlaaya Proff. Sh. Tariq Ramadaan, waxaana codkiisa macaan quranka ku akhriyi doona Sh. Yaasir Cabdi Baasid, oo ah wiil uu dhalay Sheekhii weynaa Alle ha u naxariistee Cabdul Baasid Cabdul Samad.
Waa inoo:
Iftar for Africa
Special Guests Prof. Sh. Tariq Ramadan, and Yasser Abdul Samed
Cardiff City Hall
5.00 ilaa 9.00 pm
14 September 2008
Tafaasiil iyo tickets ka doono 07886379389
Qiimaha ticketka waa £25.00, waana sadaqad ee ajarkeeda ha moogaan.

Ugu dambeyn, aan idinku dhaafo cinwaanada Idaacadaha Ramadaan iyo sida loo helaayo. Waana kuwan hoos ku qoran, ee dhegeyso, qalbiga ku qabooji, naftadana sheydaanka kaga xijaab. Ogow waa Idaacad u baahan ka-qayb galkaaga, oo aad fariin iyo barnaamajba kaaga baahan. Waa idaacadaadii ee ka dhig makarafoon codkaaga baahiya, iyo manbar fikradaada fidiya.

IDAACADAHA RAMADAANKA EE U.K
RAMADAN RADIOS IN UK

Ramadan Special87.7 FM - CardiffRamadan BroadcastOn air from: 01/09/08 to 02/10/08Contact: Ansar MahmoodTelephone: 07919 574667Email: salaam46@yahoo.co.uk
Ramzan Radio87.7 FM - BristolRamadan broadcastOn air from: 02/09/08 to 03/10/08Contact: Abdul HamidTelephone: 07886844699Email: rrspecialbristol@yahoo.co.uk
VAwaaz FM87.7 FM - BlackburnRamadan radio broadcastOn air from: 01/09/08 to 02/10/08Contact: Rana Gulistan KhanTelephone: 07984 300701Email: ranagulistan@hotmail.com

FMO Radio Ramadhan87.7 FM - LeicesterRamadhan BroadcastOn air from: 02/09/08 to 03/10/08Contact: Abdul Karim GheewalaTelephone: 0797 4565616Email: akgheewala@aol.com
Helping Hands Radio Ramadan97.1 FM - BurnleyRamadan radio broadcastOn air from: 01/09/08 to 02/10/08Contact: Syed IqbalTelephone: 07947478953Email: info@helpinghandsworldwide.com
Leeds Ramzan FM87.7 FM - LeedsRamzan radio broadcastOn air from: 02/09/08 to 03/10/08Contact: Gulzar AkhtarTelephone: 07980 296 718
Mukaddas Ramadan FM87.9 FM - BradfordRamadan BroadcastOn air from: 02/09/08 to 03/10/08Contact: Iqbal KhanTelephone: 07983 578835
One Ummah FM87.7 FM - ReadingRamadan radio broadcastOn air from: 01/09/08 to 02/10/08Contact: Omair ZamanTelephone: 0781 6620 725
Pakistan FM Bradford87.7 FM - BradfordCelebration of Pakistan`s Independence day.On air from: 01/08/08 to 28/08/08Contact: Syed HassanTelephone: 07800 599563Email: ramzanfm@hotmail.com
Radio Hacc87.7 FM - Harrow, NW2Ramadan BroadcastOn air from: 01/09/08 to 02/10/08Contact: Zafar IqbalTelephone: 07976 350875
Radio Ramadan106.7 FM - OldhamRamadan radio broadcastOn air from: 02/09/08 to 03/10/08Contact: Mohammed AliTelephone: 0161 620 1692
Radio Ramadan87.7 FM - Slough (Berks)Ramadan BroadcastOn air from: 01/09/08 to 02/10/08Contact: Zulfikar AliTelephone: 077654 44727Email: ali200@btinternet.com
Radio Ramadan87.7 FM - BoltonRamadan broadcastOn air from: 02/09/08 to 03/10/08Contact: Ibrahim MohammadTelephone: 07854 765004
Radio Ramadan Edinburgh87.7 FM - EdinburghRamadan radio broadcastOn air from: 03/09/08 to 04/10/08Contact: Zahid AliTelephone: 07834 556674Email: zahidali@btinternet.com
Radio Ramadan Peterborough87.7 FM - PeterboroughRamadan BroadcastOn air from: 01/09/08 to 02/10/08Contact: Zia-ul MustaphaTelephone: 07966 360035
Radio Ramadan Stoke87.9 FM - Stoke-on-TrentRamadan radio broadcastOn air from: 01/09/08 to 02/10/08Contact: Mohmmed Riaz ShahTelephone: 07727099318
Radio Ramadhan106.8 FM - WalsallRamadhan BroadcastOn air from: 02/09/08 to 03/10/08Contact: Rosma Akhtar and Aftab AhmedTelephone: 07966488402, 07791415553Email: radioramadan786@hotmail.co.uk
Radio Ramadhan Burton87.7 FM - Burton-on-TrentRamadan radio broadcastOn air from: 30/08/08 to 30/09/08Contact: Shahid MahmoodTelephone: 07878 656715Email: shahid.mahmoon786@yahoo.co.uk
Radio Ramadhan Croydon87.7 FM - CroydonRamadhan BroadcastOn air from: 01/09/08 to 02/10/08Contact: Muhammad Ashraf HansrotTelephone: 020 8689 4647
Radio Ramadhan Dudley87.7 FM - DudleyRamadan radio broadcastOn air from: 01/09/08 to 02/10/08Contact: Ataf Hussain SabirTelephone: 07746 530 344Email: atafsabir@yahoo.co.uk
Radio Ramadhan Glasgow87.7 FM - GlasgowRamdahan BroadcastOn air from: 03/09/08 to 04/10/08Contact: Sajid QuayumTelephone: 07957 453235Email: sajid.q@ntlworld.comRadio
Ramzan87.7 FM - HuddersfieldRamzan radio broadcastOn air from: 03/09/08 to 04/10/08Contact: Iftikhar HussainTelephone: 07968209687
Radio Ramzan High Wycombe87.9 FM - High WycombeRamzam radio broadcastOn air from: 01/09/08 to 02/10/08Contact: Ghulam HussainTelephone: 01494 512120Email: radioramzan@hotmail.co.uk
Ramadan FM87.9 FM - London E1Ramadan BroadcastOn air from: 01/09/08 to 02/10/08Contact: Muhammad Abdul KalamTelephone: 07939 059819Email: md_kalam2u@yahoo.com
Ramadan Radio Preston87.9 FM - Preston & Blackpool
Ramadan radio broadcastOn air from: 02/09/08 to 03/10/08Contact: Umar AyubTelephone: 0797 428 7355
Ramadhan87.8 FM - WokingRamadan radio broadcastOn air from: 01/09/08 to 02/10/08Contact: Nisar Khan SulaymaniTelephone: 01483 823925Email: s.choudry@ntlworld.com
Ramadhan FM87.7 FM - SheffieldRamadan radio broadcastOn air from: 02/09/08 to 03/10/08Contact: Mohammed ShabbirTelephone: 0114 244 4458Email: info@radioramadhansheffield.co.uk
Ramadhan Radio Dundee107.5 FM - DundeeRamadhan broadcastOn air from: 03/09/08 to 04/10/08Contact: Muhammad HabibTelephone: 07877 577463Email: mrhabib@tiscali.co.uk
Ramzan FM Keighley102.1 FM - KeighleyRamzan radio broadcastOn air from: 02/09/08 to 03/10/08Contact: Syed HassanTelephone: 07800 599563
Ramzan FM Manchester87.7 FM - ManchesterRamadan radio broadcastOn air from: 02/09/08 to 03/10/08Contact: Syed HassanTelephone: 07800 599563Email: ramzanfm@hotmail.com
Salaam87.9 FM - LutonRamadan radio serviceOn air from: 01/09/08 to 02/10/08Contact: Tanvir MunirTelephone: 0786 675 4599Email: tanvir@islamicculturalsociety.org.uk
Crescent Community Radio in Rochdale97.0FM

Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com

samotalis.blogspot.com

No comments: