Waraysi – Gudoomiye ku Xigeenka Ganacsatada Xoolaha:
Somaliland American Council waxay maanta fursad u heshay inay waraysato Mudane Xuseen Gacmo Dheere oo ah Guddoomiye ku xigeenka Ganacsatada Xoolaha, isaga oo jooga Burco oo aanu kula xidhiidhnay khadka teleefoonka.
Suaal; Guddoomiye waxad noo sheegtaa waxa ay Ganacsata Xooluhu rabaan iyo waxa Xukuumada Daahir Rayale rabto ee keenay muranka xoolaha la dhoofinaayo?
Jawaab: Anagu waxaanu rabnaa in naloo fasaxo inaanu xoolahayaga ka iibino qofka aanu doonayno, oo aanu xor u noqono in aanu sheegano oo goyno qiimaha aanu xoolahayaga ku iibinayno, oo la baayactano qofka xoolahayaga naga iibsanaya. Qofkaasu marka aanu xoolaha kala iibsano wuxu keenaya markabkiisa Dekeda Berbera oo xoolaha kula wareegaya, ka dibna xoolihiisa wuxu sii marinaya Djibouti. Anagusa waxaanu kala baxaynaa qofka xoolaha naga iibsada marka xooluhu ka dhoofaan dekeda Berbera. Dawladu iyo Madaxwayne Rayalena waxay doonayaan inaanu xoolaha ka iibino ninka la yidhaahdo Al Jabari oo keliya, cid kalena aan laga iibinin Karin adhiga Somaliland, isaguna wuxu imika leeyahay waxan xoolaha ku iibsanayaa $42, markii hore intii adhigii hore aanu Berbera ka dhoofina dawladu waxay nagu khasbaysay in $32 la siiyo adhiga Al Jabari.
Suaal: Gudoomiye xoolihii aad maalintii dhowayd dhoofiseen imisa ayaa la idinka siistay?, kuwa imika Berbera ku xayirana waa maxay qiimaha aad kula heshiiseen? Haddii qiimaha aad doonaysaan Al Jabari idin siiyo adhiga ma ka iibinaysaan?
Jawaab: Adhigii hore aanu uga dhoofinay Dekeda Berbera maalintii dhowayd waxa nalaga siistay $50. Kan imika Berbera ku xayirana waxaanu ku heshiinay inaanu kala siisano $50. Anagu xaq baanu u leenahay inaanu xoolahayaga ku iibino qofkaanu doono oo waxa nasiinayay xoriyadaa dastuurka Somaliland, xuquuqdayadii ayaanu maanta si nabadgelyo ah ku raadinaynaa. Maya, ogolaan mayno adhiga inaanu ka iibiya Al Jabari oo keliya xataa hadii uu na siiyo qiimaha aanu imika haysano. Waayo anagu waxaanu aaminsan in qiimaha adhigu gaadho $80 marka aad loogu dhowaado Xajka, marka kalena uu noqdo kontomeeyo. Markaa waxaanu rabnaa inaanu mar walba helo qiimaya aanu ka helayno suuqa, ee aan nalagu khasbin qiime go'an. Markaa anagu marnaba diyaar uma nihin in dawladayadii maanta nagu khasabto xoolihiina nin keliya ka iibiya oo ku iibiya qiima ka hooseeya sixirka neefka adhiga ahi maanta magaalada ka joogo.
Suaal: Gudoomiye halkee ayuu imika marayaa wadahadalkii ka dhexeeyay Ganacsatada Xoolaha iyo Madaxwayne Daahir Rayale?
Jawaab: Waxa aanu u tagnay barlamaanka, guurtida, iyo dhamaan intii aanu filaynay inay na dhexdhexaadin karaan. Waxa Madaxwaynuhu hore noogu dalbaday saddex arrimood kuwaas oo kala ah; (1) inaanu xoolaha imika Berbera jooga ka iibino qofka aanu doono oo dhoofino, (2) in inta wada hadalku socdo aan la keenin xoole kale Berbera, (3) iyo in wada hadal lagu dhameeyo arrinkan. Anagu waxaanu gudoomiyaha barlamaanka u sheegnay inaanu ogolaanay saddexdii arrimood ee hore uu u soo jeediyay. Gudoomiyaha barlmaanka iyo gudidiisii maanta ayay la kulmeen Madaxwaynaha, oo u gudbiyeen fariintayadii, illaa imikana wax jawaaba oo ka soo baxayna ma hayno.
Suaal: Gudoomiye shicibka, xisbiyada, iyo gaar ahaan shicibka Berbera sidee bay arrinkan u arkaan? Ma idinka ayay idin taageereen mise Madaxwaynaha?
Jawaab: Dhamaan shicibka iyo xisbiyaduba way na taageereen. Gaar ahaan shicibka Berbera xoolaha waxay iska leeyihiin boqolkiiba labaatan oo xoog bay noo taageereen. Barlamaankuna waa kuwii arrinkan go'aan ka qaatay oo diiday waxa Rayaale iyo dawladiisu ku talisay ee imika anaga ay nagu khasbayaan.
Somaliland American Council
www.somalilandamerican.com
Somaliland American Council waxay berito oo Axada, bisha August 3-deeda, saacada Washington DC markay tahay 1-da duhurnimo (saacada London\UK tahay lixda galabnimo), soo casuntay Mudane Ahmed Yusuf Yassin, Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, oo qudbad u jeedinaya qurbajooga Somaliland ee ku nool USA, Canada iyo Europe. Haddii aad jeceshahay inaad ka soo qayb gasho conference call-kan si aad u dhegaysato qudbada:
1 - Waxa wacdaa telephoneka 1-712-432-1001, ka dibna waxad garaacdaa 425-380-522, ha ilaawin markaad tirada dambe garaacdo inaad garaacdo # calaamada labada allifka leh.
2 - Hadii aad jeceshahay inaad su'aal waydiiso Mudane Ahmed Yassin, fadlan su'aasha oo qoran waxad ku soo dirtaa questions@somalilandamerican.com
No comments:
Post a Comment