TACSI: MARXUUM CABDIRAXMAN CUMAR XASHI IYO MARXUUM ISMAACIIL MAHDI
Anigoo ku hadlaaya magacayga, magaca REER CARWO iyo kan Xaaskeyga
Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ubadka, walaalada,
ehelka, qaraabada, iyo xigaalka ay ka geeriyoodeen Marxuum
Cabdirahmaan Cumar Xaashi iyo Ismaaciil Mahdi oo dhowaan ku
geeriyooday Hargeysa.
Marxuum Cabdirahmaan waxuu ahaa oday ganacsi, siyaasad iyo odaynimo
muddo dheer lagu yaqaanay degaanka Hargeysa iyo hawdka ilaa Kilinka
Shanaad. Waxuu ahaa nin cimriga dheer Illaahay ugu barakeeyey cibaado
badan iyo dhowrsanaan. Ismaaciil Mahdi oo doorashadii Wakiilada ka
sharaxnaa Kulmiye, kuna waayey tiro yar, waxa siyaasadda u raacda
ganacsi iyo hawlo samofal uu ka waday degaanka Hargeysa. Waxay labada
marxuum ahaayeen rag ku caana wanaag taliska iyo ka odayeynta arrimaha
bulsho.
Waxaan labda marxuum Illaahay uga baryayaa inuu danbigood dhaafo,kuna
mannaysto jannatul fardows, ehel iyo asxaabna meel kasta oo ay
joogaanba inay yeeshaan samir iyo iimaan adag labada marxuumna ay
saamaxaad iyo duco u hibeeyaan.
No comments:
Post a Comment