04 August, 2008

Somaliland:Waxa Burco lagu xidhay.....

Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore ee Komishanka Doorashooyinka Oo Xabsiga
Loo Taxaabay.

Hargeysa(Golis)-Gudoomiye Ku Xigeenkii hore ee Komishanka
Doorashooyinka Qaranka, Xirsi Cali X. Xasan ayaa xabsiga loo taxaabay,
kadib markii ay xalay ciidamada Boolisku ka qabteen Tuulada ina
Af-madoobe oo 60KM dhinaca bari ka xigta Magaalada Burco.

Taliyaha Qaybta booliska ee Gobolka Togdheer Axmed Maxamed Guutaale
ayaa noo xaqiijiyey xadhiga masuulkan, waxase uu ka gaabsaday inuu
tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo sababta rasmiga ah ee ka dambeysa
xadhigan.

Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey sameeyey
hawl-galo xoogan, kuwaasi oo ka fulinayeen Gobolada Marood-Jeex,
Saaxil iyo Togdheer, iyadoo goobaha qaarkood ciidamo dheeraad ah la
geeyey, illaa haddase lama oga sababta wakhtigan kelliftay
hawl-galadan.

Xirsi Cali X. Xasan oo hadda ku xidhan saldhiga Dhexe ee Magaalada
Burco ayaa xilkii xubin-nimada Komishanka iska casilay, kadib markii
ay xubnaha guddidu ka qaadeen Gudoomiye Ku Xigeenkii Guddida, waxana
uu dhaliilo ba'an usoo jeediyey Komishanka Doorashooyinka iyo
Madaxweyne Rayaale.

Golisnews Burco JSL.

No comments: