Ciidamo iyo Tikniko u Tagay Qabashada Mujaahid Dhegoweyne
Burco (Jam)- Ciidan wata gaadiid tikniko ah ayaa shalay galab gaadhay magaalada Burco ee xarunta u ah Gobolka Togdheer, kuwaasoo la sheegay in ujeeddadoodu ahayd soo qabashada Mujaahid Ibraahim Dhegoweyene, Mujaahid Xasan Guure iyo Oday Deyr Maxamed Cilmi.
Wararka ka imanaya magaalada Burco, ayaa waxay sheegayaan in ciidan iyo tikniko ka ambabaxay magaalada Hargeysa ay u tageen hawlagalka qabashada saddexdan shakhsi la sheegay inuu amray Taliyaha Sirdoonka Qaranka Somaliland Mr. Maxamed Nuur, haseyeeshee tallaabadani xiisad kulul ka abuurtay magaalada Burco, kadib markii ay dadweynuhu si weyn ugu codhoodeen xadhigga loo qorsheeyay soo qabashadooda.
Sidoo kale, lix ka mida gaadiidka tiknikada, ayaa ka yimi jiida hore, waxaanay gaadheen xalay magaalada Sheekh, kuwaas oo doonaya Mujaahid Dhegoweyne inay soo qabtaan.
Maalintii Axadda ee toddobaadkan ayaa Taliyaha Sirdoonka Qaranku safar uu ku tagey xarunta Gobolka Togdheer ee Burco, halkaas oo uu kulan la yeeshay guddida nabadgelyada gobolka, isaga oo soo jeediyey in la soo qabto saddexaas nin, balse arrintaas laysku afgaran waayey.
Saddexdan xubnood oo iyagu ku sugan magaalada Burco, ayaa la sheegayaa in aanay ku hawlanayn wax dhibaato ah oo ay si caadi ah u joogaan, isla markaana aan la garanayn sababta keentay qabashadooda, inkastoo la xusay inay ka soo horjeedaan heshiiska xukuumaddu kula jirto Al-jabiri ee muranka xoolaha dhaliyay.
Arrintani waxay kor u qaaday xamaasadda ka jirta Gobolka Togdheer, taas oo dadweyne badani ka cadhoodeen amarka qabashada raggan ee xukuumaddu u adeegsanayso tiknikada iyo ciidammada milleteriga, isla markaana ay xasilooni-darro ka abuurayso gobolka, dhalinna karto cawaaqib-xumo ka dhan ah nabadgelyada.
Dhinaca kale, waxay xukuumaddu toddobaadkan xabsiga u taxaabtay Guddoomiye-ku-xigeenkii iscasilay ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo ilaa hadda ku xidhay xarunta laanta baadhista dabiyadda (CID-da), ilaa hadda dhinaca dawladda kamuu soo bixin wax war ah oo la xidhiidha sababta wakhtigan keentay qabashada ragan waawayn ee magaca ku dhex leh bulshada Somaliland
No comments:
Post a Comment