05 August, 2008

Muslin ayaan ahay


Muslim Ayaan Ahay
Abdulrahman Arte Qalib

Muslin ayaan ahay,aaminsan, ma jiro,Ilaah aan ahayn Ilaahay.
Muslin ayaan ahay aaminsan, Sareeye, Ma nuqsaame yahay Ilaahay
Rumaysan Maxammad inuu yahay Nabiga iyo rasuulka Ilaahay
Rumaysan Malaaikta nuur uu ka abuuray Ilaahay
Aaminsan Kutubta uu soo rogay Ilaahay
Rumaysan Rususha uu soo diray Ilaahay
Rumaysan maalinta Qiyaamaha ee la is hortaagi Ilaahay
Rumaysan khayr iyo shar waxa uu qoray Ilaahay
Ooga salaadda uu ka dhigay farad Ilaahay
Bixiya Sakada uu inna faray Ilaahay
Sooma bisha soon ee uu karaameeyay Ilaahay
Oo gudan xajka markuu karo ee u idmo Ilaahay

Muslin ayaan ahay,kasha iyo laabta ka jecel Ilaahay
Muslin ayaan ahay,baqo ka qabin cid aan ahayn Ilaahay
Distoorkii uu yahay kitaabka Ilaahay.
Hogaamiyihiina yahay maxamad,rasuulka Ilaahay.

Muslin ayaan ahay kasha iyo laabta ka jecel Ilaahay.
Carrabka ku qooya kuna udgiya xuska Ilaahay.
Camal walba ku bilaaba bisinka Ilaahay
kuna dhamaystira mahadda Ilaahay.
Maqsadkay waa dadkoon uga baaqo diinta Ilaahay
Hammigay waa dadkoo soo wada gala diinta Ilaahay
Himiliday waa naft iyo maalkoon u horo diinta Ilaahay
Gaadhsiin raba dad oo dhan diinta Ilaahay
Ku dhinta jidka Gaadhsiinta diinta Ilaahay

Muslin ayaan ahay Dadka u jeclaada hortii Ilaahay
Deeq wax u baxsha hortii Ilaahay
U Cadhooda hortii Ilaahay
U heel gali Islaamka, diinta Ilaahay.
Waalidka u adeega raali galintii Ilaahay
Maamuusa Hoyo siduu amray Ilaahay
kan i xumeeya, u Waanaja, hortii Ilaahay
kan i gooya ,u xidhiidhsha ,hortii Ilaahay
Kan ii gafa u saamaha hortii Ilaahay
U qabta waxa kasta awgii Ilaahay
Oo camalka u badhaxtira ,Sareeye, Ilaahay
Oo danbi dhaaf weydeesta ,Ma nuqsaame,Ilaahay

Muslin ayaan ahay u ciirsan cid aan ahayn Ilaahay
Muslin ayaan ahay ka habran cid aan ahayn Ilaahay
Muslin ayaan ahay gargaarsan cid aan ahayn Ilaahay
Oo dhinac ku dhiga bisinka Ilaahay
Oo tala saarta Eeba,Weyne Ilaahay
Cuntada ku rudha bisinka Ilaahay
xoor xalaal ku cabba bisinka Ilaahay

Muslin ayaan ahay u siman yihiin adoomaha Ilaahay
Oo dalkiis yahay meel kastuu ka yeedho baaqa Ilaahay
Muslin ayaan ahay wanaagood raba adoomaha Ilaahay
Oon quudhsan qof uu abuuray Ilaahay

Muslin ayaan ahay ku rajo qaba kalidii Ilaahay
Xilka uu qaado ku doona ajar Ilaahay
Nasteexo u bixn awgii,naxariiste, Ilaahay
Xaaraan ka fog oon jabin amarka Ilaahay
U hoggansan dhamaan awamirta Ilaahay
U Ku fulin habdhanka rasuulka Ilaahay
Sir iyo caad ugu dhaqma shareecada Ilaahay
Nooleyea sunnaha ,Maxamad,rasuulka Ilaahay

Muslin ayaan ahay ka yaaba Ilaahay
agoonta u gooya xaquu siiyay Ilaahay
Quudiya saboolka ,raaligalintii Ilaahay
Muslin ayaan ahay wanaag ka fisha Ilaahay
hadal san ku odhan adoomaha Ilaahay
Wax san ka malaysta adoomaha Ilaahay
Qalbigii u sanyahay walaalihii Ilaahay
Camalka san u qabta awgii Ilaahay

Muslin ayaan kasha iyo laabta ka jecel Ilaahay
Wax yeelin naflay uu abuuray Ilaahay
U jidh damqada Muslinkaan ku walaalownay diinta Ilaahay
Ooridii xurmayn oo marin xaquu siiyay Ilaahay
Muslin ayaan ahay jaarkii daryeeli siduu faray Ilaahay
Ku dhaatoo ku dhaqanka sunnaha rasuulka Ilaahay
Ku mahad naqa nicmadd uu siiyay Ilaahay
Qirsan cisigii inuu yahay koryeelka diinta Ilaahay
Liibnaantii tahay qaadashada amarka Ilaahay
Oo ku dhaadan habdhanka sunnaha,rasuulka Ilaahay

Muslin ayaan ahay aqoondaro ku caabudin Ilaahay
Aqoon U leh Xalaal iyo xaran waxuu ka dhigay Ilaahay
Dhab u arka xaq iyo baadil wuxuu ka dhigay Ilaahay
xiisa jannaduu Eebe gelin kuwa rumeeya Ilaahay
U xusul dooban raali galinta ,Weyne, Ilaahay
Oo ka baqa cadhada Eebe ,Weyne ,Ilaahay
Oo gartay diinteenna in uu dhamaystiray Ilaahay
Oo nicmo idilkeed oo dhan noo geshay diinta Ilaahay

Muslin ayaan ahay ka jecel naftay, Rasuulka Ilaahay
Ku dayasha san uu u Yahay Rasuulka Ilaahay
Cibaadada cid iyo wax tooona la wadaajin Ilaahay
Aaminsan Sagaashan iyo Sagaalka magac in uu leeyahay Ilaahay
Qaba aakhiraa adduun ka roon siduu sheegay Ilaahay
Muslin ayaan ahay,Rumaysan,ma jiro Ilaah ahayn Ilaahay
Oo qaba Abuurista iyo Amarka uu kalidii leeyahay Ilaahay

Muslin ayaan ahay kasha iyo laabta ka jecel Ilaahay.
Oo aan cidna u ekaysiin Ilaahay
Oo sinaba cid u barbar dhigin Ilaahay
Muslin ayaa ahay aaminsan,ma jiro,wax u eg Ilaahay


No comments: