25 July, 2008

Wararka Wargeyska OGAAL, Cadadkii Maanta, Khamiis, 24 July

via Somaliland.Org by Abdirizaq Dubad on 7/24/08

Xukuumada oo qaaday hawlgal ay dib ugu dejinayso xumada Ganacsiga dhoofka Xoolaha

Gudoomiyhii Ganacsatada oo la sii daayay

Hargeysa (Ogaal) – Hawl-gal la isugu soo dhawaynayo Ganacsatada Xoolaha ee diidan heshiiska Xukuumada Iyo ganacsadaha Sucuudiyaanka ah ee Al-Jabiri, loogana gol leeyahay sidii wada-hadal loogu soo dabaali lahaa khilaafaadka ka taagan ganacsiga dhoofka xoolaha, ayaa mar kale ka dhex bilowday Xukuumada iyo ganacsatada Kooto diidka ah. Islamarkaana waxa shalay gelinkii danbe xabsiga laga sii daayay Gudoomiyaha gudiga ganacsatada xoolaha Maxamed Cabdiraxmaan (Awal Bari)

Siday tibaaxeen xogo aanu ka helay Ilo ku dhaw dhaw dhaq-dhaqaaqyadii ugu danbeeyay ee muranka dhoofka xoolaha, waxa la sheegay in wasiirka duulista hawada Cali Maxamed Warancade uu bilaabay Salaasadii 22-kii bishan hawl-gal isu soo jiidis ah, kaasoo wasiirka Daakhiliguna uu ku biiray wax-yar ka dib bilowgiisii. Xogahaasi waxay intaa ku dareen, in labada wasiir Waran-cade iyo Cabdilaahi Ciro, ay kulan la yeesheen ganacsatada una bandhigeen, in loo baahan-yahay in xaalada la dejiyo oo wada-hadal lagu soo dabaalo, wixii ay ka cabanayaana ay nabad-gelyo ku raadiyaan ee aanay xoog ku doonin.

Ilaha uu Wargeyska Ogaal soo xigtay waxay sheegeen, in ganacsatadu ay wasiirada u qadimeen, in marka hore la sii daayo gudoomiyohooda xidhnaa, dibna loo laabo waarano xadhig ah oo ay xoguhu tibaaxeen in loo jaray xubno kale oo ganacsato ah. Xogohaasi waxa kale oo ay sheegeen in ganacsatadu ay ka dalbadeen wasiirada in la fasaxo dhoofida xoolahooda Berbera ku sugan oo ay tibaaxaha dhinacooda ka soo baxayaa tiradooda ku sheegeen in ku dhow sagaal kun. Hase-yeeshee, Ilahaasi waxay intaa raaciyeen in Wasiiradu ay u sheegeen ganacsatada inay hawluhu kala horeeyaan ta dhoofka xooluhuna ay ku xidhnaan doonto wadahadalka, balse ay u balan-qaadeen sii daynta Gudoomiyahooda oo isla shalay galaba la sii daayay. Islamarkaana, waxaa la sheegay in wasiiradu ka dalbeen ganacsatada in inta laga gaadhayo wada-hadalka ay joojiyaan Xoolaha ay Berbera u dhaadhicinayaan, kuwa Berbera ku suganina ay halkaa iska joogaan. Xogahaasi waxay intaa ku dareen, in Ganacsatadu ay aqbaleen in wada-hadal lagu soo dabaalo arrinta, islamarkaana ay balan-qaadeen inay si nabad-gelyo ah ku raadsanayaan waxay doonayaan. Wararku waxay intaa ku dareen in hada ganacsatadu ay sugayaan xubno kale oo Burco ku maqnaa, si ay dhamaystir ugu galaan hawsha.

Ma jiraan xogo madaxbanaan oo dhinaca xukuumada iyo dhinaca kale mid-na si toos ah uga soo baxay, hase-yeeshee, tibaaxo sida dadban dhinacyo kala duwan uga soo baxay waxay muujinayaan, in hawl-galkan Cali Warancade iyo Cabdilaahi Ciro uu u soo wareegay dhinaca Ganacsatada ka dib markii ay is arkeen Madaxweynaha.

Dhinaca kale, Magaalada Berbera ayaa labadii maal-mood ee ugu danbeeyay waxaa ku sugnaa Ciidamo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka, iyadoo sida wararku sheegayaana Xukuumadu Koontiinaro ku xidhay kadinka Dekada.iyadoo wali ay xoolaha Ganacsatada koota diidka ahi ay ku ururinayaana ay sii kordhayaan marba marka ka danbaysa.

Wariye Yaasiin oo xalay saacadihii danbe aanu wax ka weydiinay xaalada ayaa waxaa uu sheegay in Wali gaadiidka sida xooluhu ay ku qul-qulayaan, Islamarkaana loo sheegay in xoolo gaadhaya Sadex kun oo neef shalay ay ka soo baxeen Burco. Kuwaasoo lagu waday inay xalay u soo hoydaan Berbera.

"Xisbi saxan oo aan ku biiro ma arko…Sool-na gurmad bay u baahantahay"

Axmed Cabdi Xaabsade

Hargeysa (Ogaal) – Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in Abaar ba'ani saamayn laxaad leh ku yeelatay Gobolka Sool, isla markaana waxa uu ku baaqay in Gurmad deg-deg ah lala gaadho dadweynaha ku dhaqan.

Xaabsade oo u waramay Shabakada Wararka Internet-ka ee Hadhwanaagnews, waxa uu sheegay in Gobolka Sool dhinaca Puntland ka xidhan yahay, isla markaana Hay'adaha Samafalka ee Somaliland ku sugani aanay si hufan uga hawl-gelin. "Gobolka Sool dhibaato aad iyo aad u balaadhan ayaa ka jirta, oo sannadkii hore abaar xun oo dadka iyo xoolaha wax yeelaysay ayaa ka dhacday, hadana waxa fooda ku soo haysa abaar aad u ba'an, oo biyuhu way yar yihiin, xooluhuna nafaqo may helin ay ku sugaan Dayrta oo bilo ka hadheen dadkuna meel uu xiligan wax u qaado waa la'layahay, Hay'adihii ma qumana oo si toos ah xagaana way ka xidhmeen xagana si wanaagsan wax ugama socdaan oo matagaan. Markaa waxaan u gudbinayaa bulsho weynta Somaliland, Madaxdeeda, NGO-yada wadaniga ah iyo Kuwa caalamiga ah iyo Deebixiyayaashuba in ay Gurmad deg-deg ah la soo gaadhaan dadkaas, iyada oo dhinaca Hawdka Abaartu wakhtigan si wanaagsan u saamaysay. Markii hore cid waliba meeshii ay joogtay way ka kacday oo meel yar ayaa la isugu tagayna way dhamaatay. Sidaa daraadeed Gurmad ayaa loo baahan yahay." Sidaa ayuu yidhi Axmed Xaabsade.

Xaabsade waxa uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ka noqday Somaliland, isla markaana 1997-kii wixii ka dambeeyay waxa uu u diga-rogtay dhinaca Maamul-goboleedka Puntland. Ka dib markii ay isku dhaceen Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, sidoo kale Maamul-goboleedka Puntland oo uu ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa uu khilaaf xoog lihi soo kala dhex-galay Cadde Muuse Xirsi. Hase ahaatee, Axmed wuu ka gaabsaday in uu wax faah-faahin ah ka bixiyo sababta gundhiga u ahayd isku dhacooda.

Axmed Cabdi Xaabsade intii uu Somaliland dib ugu soo laabtay mar labaadka, waxa soo baxayay tibaaxo muujinaya in loo wado Mansab miisaan leh oo uu ka qabto Somaliland, sida Guddoomiyaha Guurtida. Hadaba su'aal arrintaa iyo dareemada ku xeeran laga waydiiyay waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi, "Waxba kama jiraan warkaa, Guddoomiye Guurti hada uma socdo, mid Baarlamaan ayaanan u socon, Madaxweyne ayaanan u socon, ee anigu waxaan ahay muwaadin reer Somaliland ah xilka intii aan lahaana waan gutay, inta hadhayna Insha Allaahu waan gudan doonaa."

"Horta waxaad ogaataa Illaahay ayaa wax bixiya aniguna nin cid aan Illaahay ahayn ku xidhan oo wax ka sugaya ma ihi. Waxa aan rabaa Somaliland in ay midawdo, shaqayso oo wax noqoto, maadaama aan arkay intii kale ee Soomaaliya oo aan wax ka socdaa jirin. Waxaynu ognahay Fadaraalkii inaanu shaqaynin, waxaynu aragnaa Puntland oo hada sii liicaysa, isla markaana meel xun maraysa. Markaa waxaan qabaa in aynu tan (Somaliland) ku fara-adaygno, iska daaya kursi jacayl iyo mansab doon iyo waxa la midka ahi waxba tari maayaan ee shacbigu ha u soo jeesto in uu dantiisa illaashado oo uu waxa ku xuna diido, waxa ku sana yeelo. Maaha in nin nin kale dilo, mid nin kale dabada qabsado, nin kale mid ku yidhaahdo anaa kursi doonaya ee ha la ila doono, waxaas oo dhami waxba inooma tarayaane shacbigu danihiisa ha illaashado." Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale, Axmed Cabdi Xaabsade waxa la waydiiyay saddexda Xisbi Qaran ee ka jira Somaliland, midka uu isleeyahay ku biir ama uu wakhtiganba ku jiraa Xisbiga uu yahay. "Xisbina kuma jiro, waayo waxaanan arag wax saxanba. Balse, markaan arko Xisbi saxan waan ku biirayaan. Laakiin, hada ma arko Xisbi saxan." Ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade.

Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu ku dooday in Somaliland meel fiican marayso marka la eego hadal haynta bulshada Caalamka. "Anigu ma odhanayo meel ay gaadhay ayay hoos uga soo dhacday, waxaan ku leeyahay Somaliland meel aan ahayn oo jirtaa ma jirto." Ayuu yidhi Mr. Xaabsade. Isla markaana waa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo xaaladda kacsan ee ka aloosan dalka Soomaaliya.

Madashii Maansoor iyo baaqa Ganacsatada

"Ganacsatada tidhi xoog baanu isticmaalaynaa way khaldan yihiin"

Hargeysa (Ogaal)- "Waxaanu la qaylinaynay markii hore qiimaha Adhiga ha la kordhiyo, markaa haddii Sicirkii la kordhiyay dee qayladayadii wax bay tartay. Waayo, anagu waxaanu rabnay in Cabashadayadu wax bedesho, waanay bedeshay. Markaa mar haddii isbedel dhacay, waa khasab inaanu waaqaca eegno oo isbedelno" sidaa waxa yidhi Ismaaciil Siikaawi oo markii ka mid ahaa ragga ugu qaylada dheer Ganacsatada ka cabanaysa heshiiska Xukuumadda iyo Ganacsade Al-Jaabiri, haatanna ka mid ah Ganacsatada taageerada wayn u muujisay heshiiska dhoofka Xoolaha ee Xukuumadda iyo Al-Jaabiri.

Ganacsade Ismaaciil-Siikaawe weedhihiisaasi waxay qayb ka ahaayeen hadal uu ka jeediyay kulan ballaadhan oo ay ka qayb galeen ilaa boqol xubnood oo isugu jiray Ganacsatada Xoolaha dhoofisa, dillaaliinta iibiya Xoolaha iyo Xoolo-dhaqataba, kaas oo ka dhacay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Kulankaas waxay ka qayb-galayaashu si wayn ugu muujiyeen taageerada heshiiska dhoofka Xoolaha ee Xukuumaddu la gashay Al-Jaabiri, kaas oo darkii madasha ka hadlay wax-ka-bedelkii lagu sameeyay ku tilmaameen mid maxlaxadda guud dan u ah. "Heshiiskaas ayanu ku dhoofinaynaa Xoolaha saaxiibadayna waxaan leeyahay idin kulamaanu socon waxaad hoosta ku sidataan ee waxaanu doonaynay isbedelkii, kiina waa dhacay. Markaa waxaan leeyahay fowdo dalka ha u horseedina" Sidaas ayuu yidhi Ismaaciil-Siikaawe. Isla markaana waxa uu intaa ku daray in Ganacsiga Xoolaha laga daayo wax uu ugu yeedhay farogelinta Siyaasadda. Taas oo ula dhadhamaysay inuu ula jeeday Xisbiyada Mucaaradka ah oo ay u aanaynayaan inay lug ku leeyihiin kacdoonka Ganacsatada kooto-diidka ah.

"Qaybo Ganacsatada Xoolaha ka mid ahi waxay yidhaahdeen, sidan ku dhoofin mayno Xoolaha. Anigu khalad baan sidaa u arkaa, inay yidhaahdaan aqbalimayno Xoog baanu u isticmaalaynaa, sidaanu doonaanu yeelaynaa, Dekeddaanu jiidhsiinaynaa. 5 bilood ninka la yidhi sug eel eh Xoog baan ku dhoofinyaaa, waa fowdo caynkaasi, waana qas. Waayo, jiritaanka nidaamka ayaynu wax ku nahay, haddii kaa lagu tuntana waa lagu kala yaaci. Markaa aan xusuusianno wixii ina soo maray oo yaan lagu ciyaarin xasilloonida" sidaa waxa yidhi Maxamed Jaamac Jikaar oo ka mid ah Ganacsatada Xoolaha ee ka cabanaysay markii hore heshiiska Jaabiri, balse haatan isbedelay ka dib markii wax laga bedelay qoddobadii hore ee heshiiska, sida Sicirka Xoolaha o laga dhigay neefkii 42-Dollar, halkii uu markii hore ka ahaa 36-Dollar.

Md. Jikaar oo laf ahaantiisu kulankaa hadal dheer ka jeediyay, wuxuu madashaa ku guddoonsiiyay Wakiilka Al-jaabiri Aadan Axmed Diiriye (Baradho) Shahaado Sharaf uu ku maamuusay Ganacsade Al-Jaabiri. "Sax iyo khalad mid uu doono ha ahaadee waa in la qaato Heshiiska Xukuumaddu la gashay Al-Jaabiri. Waana in lala shaqeeyo oo sidaa Xoolaha lagu dhoofiyo" ayuu yidhi Ganacsade Jikaar. Isla markaana wuxuu ku dhawaaqay inuu taageersan yahay Heshiiska wax-ka-bedelka lagu sameeyay, sidaana uu ugu shaqaynayo.

Wakiilka Al-Jaabiri Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo furitaankii kulankaas Maansoor hadal ka jeediyay, ayaa dhankiisa Sharaxaad ka bixiyay arrinta. "Go'aanka dhawaan la gaadhay waxaanu u aragnaa mid dalka dantiisa ah. Waxaynu ka cabanaynay xagga Sicirka Xoolaha iyo sicir-barar maceeshadda oo inagu qaaliyowday ah. Markaa taasi waxay kalliftey in Xukuumaddu u yeedho Al-Jaabiri markii arrimahaasi inala soo derseen. Waxaana loo bandhigay dhibaatooyinka soo kordhay, codsi ahaanna waxay Xukuumaddu u sheegtay, inaanu inagu xidhin Heshiiskaa hore, taana wuu aqbalay Al-Jaabiri" Sidaas ayuu yidhi Aadan-Baradho. Wakiilku wuxuu intaa ku daray, in sidaa aawadeed wax laga bedelay heshiiskaa hore, gaar ahaan xagga Sicirka Xoolaha. Isla markaana wuxuu intaa raaciyay, in kor u qaadistaa sicirka uu barbar socon doono raashin qiimihiisu jaban yahay oo uu sheegay inuu keeni doono. Sidaa darteed ayuu yidhi, "Waxaanu ugu mahad naqaynaa Xukuumadda heshiiskaa ay la gashay Al-Jaabiri."

Aadan Baradho waxa kale oo uu xusay in Al-Jaabiri shakhsiyan 30-Kun oo Dollar-ka Maraykanka ah uu ugu tabarucay Biriishka Hargeysa.

Guud ahaan markaan soo ururino madashii Maansoor oo ay ka hadleen xubno kale oo dadka Xoolaha ku hawlan ahi, waxay dulucda guud ee kulankaasi ahayd mid lagu taageerayay heshiiska wax-ka-bedelka ee Xukuumaddu la gashay Al-Jaabiri. Isla markaana waxay madashaasi ugu baaqday Ganacsatada saaxiibadood ah ee diidan heshiiska, inay ka joogsadaan wixii ka hor imanaya jiritaanka nidaamka, una soo laabtaan ku-dhaqanka dariiqa heshiisku jideeyay muddada uu jiro.

"Dalku halisbuu marayaaye bad-baadadiisa halaga tashado"

Urur-siyaasadeedka Qaran.

Hargeysa (Ogaal) – Urur-siyaasadeedka Qaran ayaa naqdiyay nidaamka Madaxweyne Rayaale dalka ku hogaaminayo oo ay sheegeen inuu dalka gaadhsiiyay dhibaato laxaad leh oo ay haatan xaaladu ku dhawdahay in nabadgalyadu faraha ka baxdo.

Hogaanka sare ee Urur-siyaasadeedka Qaran oo beryahan Saxaafadda ka maqnaa ayaa shalay Shir Jaraa'id oo ay qabteen waxay ku sheegeen inuu fadhiga ka soo kiciyay xaaladda dalku marayo wakhtigan oo ay ku tilmaameen halis ah. Guddoomiyaha Ururka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cilmi, waxay sheegeen in shacbiga Somaliland oo samir badan muujiyay, isla markaana aan ka soo kaban dagaaladii faraha badnaa ay hoos ula sii daadagtay masuq-maasuq iyo maamul xumo, isla markaana ay abuurantay nolol dabaqado ahi, halkii ay ka eegayeen in nidaamkii ay sameysteen iyo doorashooyinkii ay galeen inay u horseedaan cadaalad iyo horumar. "Nasiib-darro, riyadii run noqon-weyday, waxa yimid maamul baalmaray shuruucdii lagu heshiyey, kuna mamay boobka hantida guud, una dheer-tahay inuu yahay mid tamar daran oo tayo xun, dareena ka qabin waxa dadkiiisu ku sugan yahay, hadii aanay ka ahaynba damqasho la'aan loola kasay.

Waxa dadkii dalkan, mudooyinkan dambe soo wajahay xaalado adag oo is-biirsaday oo saameeyay noloshoodii aasaasiga ahayd; jawiga noocaas ahi." Sidaa ayuu hadal qoraal ah ku yidhi Dr. Gaboose, isla markaana waxa uu ku dooday in ay arrimahaasi sababeen qodobadan:- "B) wuxuu dhalay bulsho ku nool dal faqri ah oo ay ka dhex abuurmeen dabaqo nololeed, kuwo ku naaxay hantidii guud ee Qaranka iyo intii badnayd oo aan dabba shidanin.

wuxuu dhalay bulsho inteedii la maamuusi-jiray la marin-habaabiyey, meehanaabayana xaafiisyada hortooda, baahi loo abuuray darteed, loona adeegsado si ka baxsan milgaha dhaqanka, ayadoo maankii iyo garashadii dadka la soo koobay, indhahoodana lagu soo aruuriyay inay wax tirsan arkaan."

Qoraalka Guddoomiyaha Ururka Qaran shirkaa ka akhriyay waxa uu ku tilmaamay in bulshada Somaliland u muuqato bulsho ay gabeen Golayaashii ay soo doorteen ee ay u hanka waynaayeen in ay kala dabaashaan xaalada murugada leh ee ay ku sugan yihiin. "Waa bulsho maalinba intii u soo baxda inay xuquuqdooda ku doontaan si nabadgelyo leh, loola dhaqmo si aan mas'uuliyad iyo lexejeclo midna ku jirin. Waa bulsho tabeysa kaalintii ay xisbiyada mucaaradku ku lahaayeen wax ka qabashada dhibaatadan iyo ka hadalkeedaba. Waa bulsho qaaday tankeed, una muuqan hogaan ay kula ciirsadaan xal u helida duruufaha haysta, " ilayn qof dhagoola ah oo sii jeestay iyo mayd toona kuma maqlaane." Ayuu ku yidhi Guddoomiyuhu qoraalkiisa.

Guddoomiyaha Ururka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxa uu sheegay in lafdhabarrka dhaqaalaha dalku ku tiirsan yahay xoolaha nool, kuwiina ay ka sii baxayaan saxadii, isla markaana aanay taakulo iyo dhaqaale midna helin dadka reer Miyiga ah ee iyagu sida gaarka ah ugu tabca dhaqida xoolaha. Isaga oo tilmaamay in Caalamku xidhay wixii uu gacanta ku hayay, sida Muceeshada oo kale, halka ay Xukuumadda Somaliland-na Xoolihihii ummadeedu ku tiirsanayd ay qiimaha u goysay. "Xukuumaduna u goysay qiimo go'an oo aan la dhaafi karin, kuna khasabto ganacsatada inaan Al-Jaabiri mooyaane cid kale laga iibin Karin Xoolaha, inkasta uu mulkiiluhu haysto ilo kale oo uga qiimo wacan, diyaarna ula yahay xukuumada wixii waajibaad dakhli Qaran ah.

Caqliga iyo aqoonta maamul ee ku dhisan Kootada baalmarsan Dastuurka iyo mabaadi'da suuqa xorta ah ee aan xeerinayn danta dadka iyo dalkaba, waxay cidhibtiisu noqotay inay Berbera ku dambeyso magaalo duntay oo looga hayaamay Djibouti iyo Bosaaso. Xukuumaduna halkaas ku lumiso dhakhli farabadan iyo inay cidhiidhi gasho maciishadii malaayiin qoys oo noloshoodu neefka ku xidhnayd." Dr. Gaboose waxa uu intaa ku daray in ay beryahan dambe soo badanayaan dhacdooyin helis gelin kara nabadgalyada dalka Somaliland, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo intooda badani ay ka imanayaan qaybo bulshada ka mid ah oo xaq dastuurku u damaanad qaaday doonaya, bedalkeediina xataa aan garawshiiyo helin. Waxaanu soo jeediyay Ururka Qaran in talo midaysan laga yeesho sidii dalka iyo dadkaba loo badbaadin lahaa.

Waxa uu ururka qaran hoosta ka xariiqay sida ay xukuumaddu dadkeeda ula dhaqmayso oo ay ku tilmaameen in aan dawlad dadkeeda cod ka doonaysaa sidaa u dhaqanteen, iyada oo uu tusaale u soo qaatay muddo kordhinta xidhiidhka ah ee Xukuumadda Rayaale. "Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa inay mar uun caqliga fayow isticmaalaan oo ay xiisadda ka oogan ganacsiga xoolaha iyo Dekeda Berbera ka foojignaato cawaaqib-xumida ka dhalan karta, laguna dhameeyo wadahadal iyo is-afgarad, ayadoo la xurmaynayo mabaadi'da suuqa xorta ah ee ay umadani dhaqan soo jireen ah u lahayd, Dastuurkuna u damaanadqaaday."

Guddoomiye Ku-xigeenka Urur-siyaasadeedka Qaran Maxamed Xaashi Cilmi oo dhawaan ka soo laabtay dalka Ingiriiska ayaa isaguna shirkaa ka hadlay, isla markaana ka war bixiyay safarkii uu ingiriiska ku soo maray, oo uu sheegay in uu ku tagay London, Cardif iyo meela kale, iyaga oo la kulmay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Jaaliyada qurba jooga Somaliland ee meelahaa ku sugnaa. "Anagu waxaanu leenahay Xisbigaad doonto ahaw ama UCID ama KULMIYE ama UDUB ahaw meesha dal iyo dad ayaa yaala, wixii wanaagsan ee dalkaa iyo dadkaa loo qabanayaana waa wax ina wada farxad gelinaya, wixii qalooc ahina UDUB baan ahay kuma soconayo, hadaad reer UDUB tihiin waxaa aanu ka waranay hadaad dood ka qabtaan aynu ka doodno, hadaad aaminsan tihiin in waxani jiraana dee Xisbiga dadka ku jira iyo nimanka xubnaha ka ah ee Madaxnimada ka doonaya ayaa hagaajista, waydaan karayn, dee dadka raaca oo sidan dadku u diidan yahay u diida, waar miyaanu Udubku waxa xunba diidayn." Sidaa ayuu yidhi Maxamed Xaashi, waxaanu intaa ku daray, "Waa in nidaamka wax loo wado la bedalaa oo illaa Darawalka la bedalaa, dadku waxay is waydiinayaan anaga cidi ma noogu jirtaa dawlada, laakiin isma way diinayaan ka idiinku jiraa muxuu qabanayaa, ma dadkuu dhibayaa, ka reerkiina ee la magacaabaa waxba tari maayo haduu Basaas ahaa ee Basaaskiisii ayuu sii ahaanayaa," ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Sidoo kale Cali Ducaale oo ka mid ah Xubnaha Ururka Qaran ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee Adhiga. "Labadii Xoolayaw ee midna 55 Doollar ahaa midna 42 Doollar ahaa Berbera ayay wada joogaan in aan la dhoofin kuwii 55 Doollar ahaa Tignikadii ummada ayaa loo kaxaystay, raggii masuuliyadan lahaa oo ay ahayd in bilad-sharaf la siiyana Jeelka ayay ku xidhan yihiin. Macdanta cid gaar ahi malaha, Kaluunka Masaarida loo xidhay cid gaar ahi malaha, laakiin Madaxweyne Neefka Adhiga ah nin ayaa leh oo dabada ka wata in laga dhacana dooni maayo. Markaa tani waxay keenaysaa in wadanka khal-khal iyo dhibaato timaado." Ayuu yidhi Cali Ducaale, isla markaana waxa uu u soo jeediyay Madaxweyne Rayaale halka uu kaga doodayo in uu Xoolaha qiimahooda u jabiyay ninka Maxjarka dhisay isaga looga baahan yahay in uu dhiso maxjarka ee aanay ahayn neefka ninka Miskiinka reer Miyiga ahi wato lagu dhiso.

Burco: "Talaabada Xukuumadu danbay u tahay shacbiga"

"Waxaanu taageersanay go'aanka 5-ta bilood ah ee Xukuumadda iyo in Xoolaha halkaa laga iibsado"

Ganacsatada Xoolaha Gobolka Gabiley

Hargeysa (Ogaal)- Guddida ganacsatada Xoolaha nool ee Gobolka cusub ee Gebilay ayaa sheegay in aanay Ganacsatada koota-diidka ah la qabin cabashada ku aaddan heshiiska ay Xukuumaddu la gashay Al-Jaabir, isla markaana aanay ka warqabin meel xilka lagaga qaaday Guddoomiyihii Guddida ganacsatada xoolaha Somaliland Mr Cali Ibraahin Ciise. Waxaanay sheegeen inay taageersan yihiin Heshiiska cusub ee ay Xukuumaddu la gashay Ganacsade Al-Jaabiri.

Ganacsatadan oo maalintii Isniintii toddobaadkan shir jaraa'id ku qabtay degmada Wajaale ee Gobolka Gebilay, sheegeen in aanay ku raacsanayn Ganacsataddii dhawaan cambaaraysay heshiiskan, kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay dalka ka abuurayaan nabadgelyo xumo, iyaga oo xukuumaddana ka codsaday in kooxdaas talaabo sharciga waafaqsan laga qaado.

Ugu horayn waxa shirkaasi jaraa'id ka hadlay guddoomiyaha guddida ganacsatada xoolaha ee Gobolka Gebilay Maxamed Aw Yuusuf Ducaale, waxaanu yidhi "Anagu Hadaanu nahay Ganacsatdii Gobolka Gabiley, Waxaanu taageersanahay Mowqifka Xukuumada, nimanka is-magaacabay ee leh Gudi baanu nahay, wax alaale wax aanu ka ogolahay ma jirto, cid nagaga jirtaana ma jirto Gobol ahaan, waxaanu ka ognahayna ma jirto, waxaanu taaganahay go'aanka xukuumadu soo gaadhay ee shanta bilood uu sidaa ahaado, Xoolahana halkaa lagaga iibsado dadka."

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Cabdinaasir Cali Xayd oo isaguna ka mid ahaa xubnii shirkaasi jaraa'id ka hadlay, waxaanu ka waramay sababta ay Dawladaha Carabtu xayiraadda u saareen Xooaha. "Waxaanu nahay shirkada ugu wayn ee oo xoolaha gayn jirtay dalka imaaraadka carabta, halkaasi oo aanu ku lahayn xafiis la yidhaa Cabdul, Magaalada Dubay, bishii 12-2006-dii ayaanu markab adhi iyo loo sida u dirnay Imaaraadka, saddex cisho markii uu badda ku sii jiray, ayaa lano sheegay in xoolihii la xidhay, dabadeed markabkii halkaaii baanu ka soo Celinay.

Wakiiladayada Dubay markii ay waydiiyeen Wasaarad Caafimaadka ee imaaraadka, ee waydiiyeen sababta ay xoolaha u joojiyeen, waxay ku yidhaahdeen Maadaama aa aan dalkiinu klahan Maxjar laga hubiyo Caafiimaadka Xoolaha sidaasi darteed aanay aamini karin in xoolahani ka fayowyihin Cuduro. Dedaal ay xukuumadu gashay ka dib, waxay ku guulaysatay in dalka loo sameeyo Maxjar si ay Xooluhu ugu gudbaan Caqabada Hortaala, kaasi oo ay hadda furitaaniisa ka hadhsan yihiin 5bilood, waxaana Maxjarkaasi ka soo horjeedsafday niman reer Somaliland oo la tuhun sanyahay in laga danbeeyo, , Waxaan leeyahay Gudidada ganacsatada Xoolaha Waad aogtiihiin cida aan ahayn ganacsato xoolaad oo dadka u sheegayana inay yihiin gudi, sidaasi darteed dadka Waxaad u sheegtaan in ayna dakaasi ganacsato ahayn, Dowladana waxaan leeyahay waxauy dadku kuu doorteen inaand u adeegto, sidaasi darteed hadba qofkii hadla inaad isku mashquulisaan maaha, heshiiskaa aad la gasheena sidiisa u fuliya.

Qolyahan danbe ee baryahan danbe hadlayay waxay iskugu jiraan saddex qaybood, qaybi waa dilaaliin, qaybina waa siyaasiyiin iyo qayb tiri yar oo ganacsato ah…Dadkana waxaan leeyahay nabadgalyada ilaashada. Guddoomiyaha Gudiga ganacsataduna waa Cali Ibraahin Ciise, isagaanan xilkaa ku ogayn." Ayuu yidhi Cabdinaasir.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Ganacsade Cabdilaahi Abiib Ciise, waxaanu yidhi "Guddoomiyaha Gudida ganacsatada Xoolahu wuu jiraa, waana la yaqaanaa, waxaana jira nidaam loo doorto, gobolada Somaliland rugahooda ganacsiga ayaa soo xula ganacsatada, xarunta guud ee rugta ganacsiga Hargaysa ayaa la isugu yimaadaa, guddoomiyaha rugta ganacsiga oo guddoominaya ayaa la doortaa guddoomiyaha rugta ganacsiga Xoolaha, ninka iminka sheeganaya guddoomiyaha guddida ganacsatada xoolahuna maaha guddoomiyaha, waxaana ah Cali Ibraahin Ciise, wakhti laga bedelaba. Waxa weeye, heshiiska Xukuumadda iyo Al-jaabiri waanu taageersanahay, haddii aanu nahay ganacsatada Xoolaha ee Gobolka Gebilay, waxaan leeyahay dadka yaan been loo sheegin oo la khaldin..Waxaan leeyahay, wax shan bilood gaadhaa wax dadka lagu kala dilo maaha, shantaa bilood wixii ka dambeeya ninkani (Al-Jaabiri) isaga ayaaba heshiiskii ka baxaya, haddii wixii uu balan qaaday dhamaystiri waayo, waanan taageersanahay go'aankaas." Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Nimankaana (Ganacsatada diiddan heshiiska Al-Jaabiri) waxaan leeyahay magac aydaan lahayn ha sheeganina ee bulshadiina ka mid noqda, haddii aad doonayso in aad guddoomiye noqotana sifaha sharciga ah ee wax lagu doorto soo mar, ama waad heli ama waad waayi."

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Abiib Cilmi Ismaaciil oo ka mid ah ganacsatada xoolaha gobolka Gebilay, waxaanu ku tilmaamay heshiiska ay Xukuumaddu la gashay Al-Jaabiri mid waxtar u leh dalka, isla markaana loo baahan yahay in la taageero. "Heshiiska Xukuumadu la gashay Al-Jaabiri waxa ka mid ah haddii ay tahay Maxjarka iyo haddi ay tahay raashinka iyo haddii ay tahay shuruudaha heshiiskaba inuu ka soo baxo shanta bilood, ka dibna umadda reer Somaliland uu u fasaxo xoolaha, dabadeedna nin walba meesha uu doonayo uu u dirto. Anagu Waxaanu diidanahay ragga leh, qori baanu wax ku marsiinaynaa." Ayuu yidhi Abiib.

Dadkii kale ee halkaa ka hadlay waxa iyana ka mid ahaa, Ganacsade Cabdi Saleebaan Xasan iyo Xaaji Cabdi Ibraahim oo Xubnaha Ganacsatada Xoolaha ee ka cabanaya heshiiskan ku tilmaamay inaanay ahayn Ganacsato. "Ninka ganacsadaha ah ee Sayladaha taga ee wax ka iibsada iyo nin Hargeysa iyo Barbara jooga oo markab rara in Dowladu kala garan waydo maaha, waana khalad ay Dowladu leedahay, mana aha inay Ganacsiga xoolaha kala xaajooto dad aan ganacsataba ahayn" ayuu yidhi Cabdi Saleebaan.

Togdheer;

Dhinaca kale, dad isugu jira Cuaal, Odaygaal, Ganacsato iyo xubo kale ayaa baaq taageero ah oo ay ku taageerayaan heshiiska ay Xukuumaddu la gashay Al-Jaabiri. Kaas oo ay ku tilmaameen inuu dalka u leeyahay waxtar. "Waxaanu si ballaadhan u Taageeraynaa Go,aanka Xukuumaddu soo saartay ee ay ka gaadhay dhibaatooyinkii dadka ka haystay Xoolaha iibkooda, isla markaana ay qiimaha ugu kordhisay. Markaanu aragnay dhibtii dadka ka haysay dhoofinta xoolaha ee carabtu dhici jirtay, maadaama dawladdu maanta u heshay mid ku daba tiriya lacagta neefka Xoolaha,ah ,waanu ku faraxsanahay." Ayay yidhaahdeen. Waxaanay intaa ku dareen oo ay yidhaahdeen, "Waananu ka soo hor jeednaa kuwa leh Qori caradii ayaanu wax ku dhoofinaynaa, waxaananu leenahay Ilaahiina ka baqda. Maanta dadkeenu iyo dalkeenu midna uma baahna qori, ee waxay rabaan horumar iyo maalgashi."

Magacyada dadka baaqan ku saxeexan:

1. Caaqil Cabdiraxmaan Maxamad Aadan (Canjeex)

2- Caaqil Jaahuur Warsame Cabdile

3- Caaqil Maxamuud Axmad Guuleed

4- Caaqil.Baashe C/laahi Ibraahim

5- Caaqil Xirsi Diiriye Maxamuud

6- Caaqil.Axmad iidaan Yuusuf

7- C/naasir Jaamac Bootaan

8- Maxamad Maxamuud Faarax

9- Xuseen Cabdi Boos

10- Daahir DiiriyeAxmed

Sanaag: Tuulada Gorgor oo gubatey

Ceerigaabo (Ogaal) - Tuulada Gorgor oo ku taalla buuraleyda (Gubanka) Waqooyiga gobolka Sanaag ayaa dhowaan waxa qabsaday dab, waxana sida la sheegay halkaas ku bas-beelay intooda badan dhismayaashii halkaas ka jirey iyo hantidii hoos taalley.

Sida wararka deegaankaa naga soo gaadhay sheegayaan waxyaabaha gubtey waxaa ka mid ah dhismihii iyo agabkii waxbarashada ee iskuul tuuladaas ka jirey.

Dabkan ayaa la filayaa inuu ka dhashay dab nool oo ay haleeshay dabaysha xagaaga (Fooraha) oo si xoog badan uga dhacda degaannadaas wakhtiyadan, haseyeeshee maaddaama dhul badani isla gubteen lama xaqiijin karo sida warku sheegay, barta dabkaasi ka bilawday.

Dabku waxaa uu tuulaadaas ka bilaabmay wakhti gelin danbe ahaa waxaana la sheegay in dadka wakhtigaas ku sugnaa Tuulada oo aad u koobnaa darteed loogu guul-daraystay daminta holoca dabka ee halkaas ka qarxay. mana jirto sida la sheegay ilaa waqtigan wax taageero oo la gaadhsiiyey degaankan dhibaatadu ka dhacday.

"Xilliga oo gelin danbe ahaa oo magaalada ay ka carraabeen dadkii miyigu ayaa aaffadani nala kulantay waxannuna ku war helnay ololkii dabka ka dibna dadkii ayaa halhaleel lafahooda ula cararay haseyeeshee Hoy iyo wixii hanti kale hoostiisa yaalley waa gubteen ilaa iyo maantana cid naga caawisay arrintan (dawlad iyo hay'ad toonna) majirto". Sidaas waxa tidhi Nadiifo Faarax Maxamed oo ka mid ah qoysaska deggan tuuladaas.

Madaxweyne Rayaale oo shaaciyay waqtiga

la qabanayo Diiwaangelinta Doorashooyinka

Hargeysa (Ogaal)- Madaxweyne Rayaale ayaa soo saaray Digreeto uu ku dhaqangelinayo muddada la bilaabayo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweynuhu, Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha ayaa loo qoondeeyay in la qabto 14-ka October 2008.

Warsaxaafadeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan;

"Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta soo saaray Digreeto Lagu Dhaqan gelinayo Xilliga la bilaabayo Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha.

Madaxweynuhu , markuu arkay qodobka 90-aad ee dastuurka , markuu arkay qodobka 14-aad , farqadiisa Koowaad ee xeerka doorashooyinka Golayaasha Deegaanada iyo Madaxtooyada Xeer Lr:20/2001, markuu arkay qodobka 12-aad farqadiisa 6-aad ee xeerka diiwaan gelinta codbixiyayaasha xeer Lr. 37/22007, markuu tix geliyay soo jeedinta gudida doorashooyinka Qaranka ee wakhtiga diiwaan gelinta doorashooyinka.

Wuxuu soo saaray Digreeto lagu dhaqan gelinayo Xilliga la bilaabayo diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo noqonaysa maalin Salaasa ah bishuna tahay October 14,2008."

Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay Liiska Maraykanka raadinayo ee uu ku jiro

Asmara (Ogaal/ME)- Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajahan inuu ka mid yahay dadka uu Maraykanku raadinayo, isla markaana uu ku jiro Magacyada Liiska uu Maraykanku ku magacaabay Liiska argagaxisada. Waxaanu sheegay inaanu joojin doonin dagaalka uu kula jiro Dawladaha reer Galbeedka.

Sida uu ku sheegay Waraysi ay Khadka Telefoonka kula yeelatay Wakaaladda Wararka ee AFP isaga oo ku sugan Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya, Xasan Daahir Aweys waxa uu ugu baaqay Maraykanka in aanu ku magacaabi Argagaxiso waxa uu ugu yeedhay xorriyad-u-dagaalan. "Ameerikaanku waa inay adeegsadaan maskaxdooda oo aanay Argagaxiso ugu yeedhin dagaalyahannada xorriyad-u-dagaallanka ah" ayuu yidhi Aweys.

Xasan Daahir oo Salaasadii sheegtay inuu yahay hoggaamiyaha Isbahaysiga Dib-u-xoraynta Somalia, waxa kale oo uu ka hadlay sida uu u arko in magaciisu uu ku jiro Liiska Magacyada Maraykanku raadinayo. "Nelson Mandela (M/weynihii hore K/Afrika) mar buu ka mid ahaa Liiskaas, hase ahaatee hadda waxa uu ku suntan yahay Muwaadin iyo nin sumcad leh, aniguna sidaas oo kale kama duwani" ayuu yidhi Xasan Daahir Aweys, isaga oo isagu isbarbar dhigaya Mandela. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Waxba ima yeelayso raadinta Maraykanka iyo waddamada kale ee reer Yurub, mana joojin doono dagaalka aanu ka wadno Somalia"

Xasan Daahir Aweys waxa uu ma-dhalays ku tilmaamay dedaalada Caalamku ugu jiraan in nabad laga islaaxiyo Somalia, waxaanu sheegay in dedaaladaasi aanay waxba ku filnayn, isla markaana aan laga midho dhalin karin inta Ciidamada Itoobiyaanku ku sugan yihiin Somalia. "Waxa jira dedaalo lagu doonayo in nabad lagaga dhaliyo Somalia, hase ahaatee waxba kama hirgelayaan inta ay Ciidamada Itoobiyaanka ahi ku sugan yihiin Somalia" ayuu yidhi Aweys.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.


No comments: