20 July, 2008

WAR DEGDEG AH: Guddoomiyaha Ganacsatada xoolaha oo la xidhay

WAR DEGDEG AH: Guddoomiyaha Ganacsatada xoolaha oo la xidhay
Hargeysa (Somaliland.org) – Ciidamada Booliska ayaa caawa fiidkii ka qabtay magaalada Hargeysa, isla markaana xidhay Guddoomiyaha Guddida Ganacsatada Xoolaha, Mr. Cabdillaahi Maxamed Cabdiraxmaan, waxaana la baadi doonayaa xubno kale oo ka tirsan guddida.Sida wararku sheegayaan, Guddoomiyaha Gudida Ganacsatada waxa caawa fiidkii laga qabtay Hotel uu deggan oo ku yaalla xaafadda New Hargeysa, waxaana loo taxaabay oo uu caawa ku xidhan yahay saldhigga Booliska ee xaafaddaa New Hargeysa.Xadhigga Guddoomiyaha ayaa la filayaa inuu ku xidhiidhsan yahay khilaafka cirka ku shareeran ee u dhexeeya xukuumadda iyo ganacsatada xoolaha ee Somaliland, kaas oo ku saabsan heshiiska xukuumaddu la gashay Maalqabeenka Sucuudiga ah ee Al Jabiri ee kootada ku haysta dhoofinta xoolaha nool ee Somaliland.
Ganacsatada xoolaha oo ka qaylinayey heshiiskaas tan iyo markii xukuumadda Somaliland la gashay ganacsadahaas bilihii u dambeeyey 2006, ayaa dhowaan bilaabay dhaqdhaqaaq ay isku urursanayaan, si ay ugu khasbaan xukuumadda in ay ka noqoto heshiiskaas. Waxayna cuslays ku saareen in loo ogolaado 7,000 oo neef oo ka madax bannaan Al Jaabiri inay ka dhoofiyaan dekedda Berbera 15 July, isla markaana Daahir Riyaale iyo Al Jaabiri ay dib ugu noqdaan heshiiskoodii hore. Hase yeeshee, ganacsatadu waxay maanta ganafka ku dhufteen qodobo ay ka soo saareen cabashada ganacsatada xoolaha ee maxalliga ah oo ay ka mid tahay in $6 lagu kordhiyey qiimihii hore ee Al Jaabiri ku qaadan jirey neefka adhiga ah iyo ganacsatada oo dhami ka iibin karaan xoolaha Al Jaabiri, halkii laba ganacsade oo keliya oo Wakiil u ah Al Jaabiri ay awood u lahaayeen inay iibiyaan xoolaha.
Guddoomiyaha Guddida ee caawa la xidhay, Cabdillaahi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa xalay la kulmay Daahir Riyaale, waxana uu u dhiibey codsi uu ku weydiisanayo ganacsatada inay dulqaataan 5 bilood oo uu u cusboonaysiiyey Al Jaabiri inuu adhiga dhoofiyo, taas oo ganacsatadu ku gacan saydheen.Xadhigga Guddoomiyaha ayaa la filayaa in xukuumaddu kaga hortegayso qorshe ganacsatadu doonayaan inay xoolahooda geeyaan dekedda, isla markaana ay mar kale ku khasbaan xukuumadda in loo ogolaado inay dhoofiyaan.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

No comments: