14 July, 2008

Somaliland-Warsaxaafadeed: Somaliland American Council.

Somaliland-Warsaxaafadeed: Somaliland American Council
Police-ka Somaliland Waxay Ku Jiraan Afku Salax dheg
Shicibka Somaliland waxa haysta dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay shaqo la'aan, waxbarasho la'aan, wax la'aan, waxayse haystaan dimuqraadiyad u saamaxday marka ay arkaan wax ay diidan yihiin inay ka mudaharaadaan oo muujiyaan cabashadooda. Nasiib darro shicibka Somaliland wax khibrad ah uma laha sida loo sameeyo mudaraad nabadgelyo ah oo aan keenin in cidna xoolo laga burburiyo ama dhaawac la soo gaadhsiiyo, si nabad gelyo ku jirtona loo mudaharaado oo lagu muujiyo dareenkooda. Waxa taas ka sii daran ciidamada nabad gelyada ee Somaliland lama siinin wax tababar ah oo loo sheego sida loo maamulo mudaharaadka nabadgelyada ah ee shicibku ku muujinayaan dareenkooda, iska markaana ciidamada nabadgelyada lama siinin wax qalab ah oo u suurto gelinaya sidii xilkaa u gudan lahaayeen. Taasu waxay dhalisaa in markasta oo shicibka reer Somaliland ay mudaharaad sameeyaanba ay keento dhimasho iyo dhaawac ay gaystaan ciidamada nabadgelyada, iyaga oo isticmaalaya rasaas run ah. Waa nasiib darro in ciidamadii nabad gelyadu ay noqdaan kuwa u gaysta dhimasho dadkoodii.
Waxa is waydiin leh dawlada Madaxwayne Rayaale ee arrintanu soo foodsaartay in ka badan 12-goor shantii sanno ee la soo dhaafay maxay arrinkan ka qabteen, ama ku talo jiraan inay ka qabtaan si ay u badbaadiyaan dadkan ciidamada nabadgelyada gacantooda ku dhimanaya? Jawaabtu waxa weeye nasiib darro dawlada Rayale arrinkan uma aragto muhiim wax allaale wax ay ka qabatayna ma jiro. Dhimashada dadkuna sidaa ayay u soconaysaa. Kii ugu dambeeyay waa kaa wiigan horaantiisii ka dhacay Hargeisa, ee sababtiisu ay ahayd in laysku qabsaday biyo laga qodayay koonfurta Hargeisa, oo dawladu markii hore dadka ugu balan qaaday markii dambena riigii ceelka qodayay ka qaaday Hargeisa, taasoo keliftay in dadkii xanaaqaan. Nasiib darro dawlada Somaliland ma haysato dhaqaale ku filan dadka oo dhan, sidaa daraadeed in laysku qabsado dhaqaalaha dawlada iyo qaybintiisu waxay noqonaysaa mid mar marwalba dhacaysa.
Caalamka kale ee dimuqraadiyada haystaa waxay sameeyaan marka dadkoodu mudaharaad samaynayaan; marka hore waxay tababar siiyaan ciidamada nabad gelyada oo waxa loo diyaar gareeyaa inay yaqaanaan sidii dadka loo dejin lahaa oo nabadana loo illaalin lahaa marka dadku ay sameeyaan mudaharaad, isla markaana waxa la siiyaa qalabkii ay ku fulin lahaayeen hawshan, qalabkaa waxa ka mida qiiqa indhaha dadka xanuujiya, kimiko indhaha la iska shubo oo iyaduna indhaha dadka xanuujisa, rasaas rabadh ah oo aan dadka dilin laakiin dhaawac fudud gaadhsiisa, aalad laydh ka baxo oo dadka suuxisa, booyado biyo dadka ku shuba, baabuur qafilan oo ciidamada ka illaalisa dhagaxa iyo waxa lagu soo tuuraayo, fardo ay fuulaan oo ku riixaan dadka mudaharaadaya, ey dadka lagu bajiyo, waxay kaloo xidhaan koofiyado iyo gaashaan ay gacanta ku qaataan oo iskaga dhigaan dhagaxa iyo waxa lagu soo tuuraayo. Intaasoo qalabi iyo kuwo kaleba waxay suurto geliyaan in ciidamada nabad gelyadu ay dejiyaan shicibka mudaharaadaya iyaga oo aan dhimasho dhicin. Dadkuna waxay ku dhiiradaan inay mudaharaadkooda iska wataan oo kama baqaan in xabad nool lagu dhufto. Waan ogsoonahay in aan maanta ciidamada nabadgelyada ee Somaliland haysanin dhaqaale ku filan oo ku soo iibsadaan qalab fara badan, laakiin waa nasiib darro inaanay haysaninba haba yaraatee mid ka mida qalabkanba – xagaa koofiyad iyo gaashaan yar oo dhagaxa la iskaga dhigo, marka dadku soo shiidaan. Nasiib darro waxa keliya ee haystaan waxay noqotay xabada rasaasta ah ee ka dhacaysa qoriga ay sitaan, markaa iyaguna taas ayuunbay la eegtaan marka ay naftooda u baqaan iyo marka ay arkaan in shicibkii mudahaaraadaayay sii badanayo labadaba. Wax kale oo ay sameeyaan ma jirto oo aan ahayn ama dadka xabad ku rid ama carar oo meesha iskaga carar. Markaa waxay door bidaan inta badan inay shicibka xabad ku furaan wixii dhimanayana, hadhow ayay magtooda dawladu bixin doontaa ayay ku xisaabtamaan.
Nasiib daroda ugu wayn ee arrinkan meesha keentay oo loo waayay xal lagu badbaadiyo dadkan maalin walba dhimayana waxa weeye iyada oo hogaankii dawlada xumaaday, oo maanta dawladii Rayaale aanay arrinkan u arag inuu yahay mid u baahan in la saaro muhiimad dheeraada si looga hor tago marka dambe wixii dhici lahaa. Mar hadii aanay sidaa yeelina, waxa dhacday in markasta oo la mudaharaado ay dhimasho timaado. Ka dibna dawladu siiso reerkii laga dhintay magtii dadka dhintay. Bixinta magta ayaa waxay dawlada Rayale u arkaan inay tahay sidii lagu xaliyay dhibaatadan maalin walba dadku ku dhimanayaan. Nasiib darro magtan la bixinayaa ciidamada nabadgelyada waxba uma tarayso waayo berito ayay qofkale rasaas ku dhufanayaan waayo si kale oo yeelaan looma sheegin, qalabkii ay wax ku farsamayn lahaayeena lama siinin.
Waxan akhristay waraysi uu bixiyay gudomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Ahmed Silanyo, oo ugu tacsidaynaayo reerihii laga dhintay, dawladana ugu baaqayo in sharciga lala tiigsado dadkii dhimashada geestay. Waxa yididiilo wanaagsan i geliyay Gudomiye Ahmed wuxu hadalkiisii ku daray waxa meesha ka maqani waxa weeye (oo Kulmiye samayn doonaa) in ciidamada nabada sida la siiyo tababar culus oo khuseeya sida loo dejiyo dadka mudaharaadaya iyo sidii loogu keeni lahaa qalabkii u suurto gelin lahaa inay shaqadooda si fiican u qabtaan. Inta ka horaysa ee taa la gaadhayo ciidamada nabadgelyada ee Somaliland waxay ku ku jiraan "Afka salax ku dheg", inay dadkooda layaan oo rasaas ku dhuftaan ama in iyaga dhaawac la gaadhsiiyo dadna ku xoolo waayaan.
Rashid Nur
Somaliland American Council

No comments: