16 July, 2008

Dhoofikii xoolaha oo ganacsatadii Somaliland ay badheedh ku rareen.

Warakii ugu dambeeyey ee ka imanaayey Dekedda Berbera, waxay sheegeen
in xoolihii ganacsatadii xoolaha dhoofin jirtay ay si badheedh ah uga
dhoofiyeen xoolahoodii dekedda Berbera, iyaga oon amar ka qaadan
xukuumadda in Riyaale, oo iyadu shirar kula jirta carabkii Al Jaabiri
ee loo xidhay dhoofinta xoolaha Somaliland.
Markii dhoofkii la bilaabay, ayuu in Riyaale fariin soo saaray uu
leeyahay xoolihii wa la dhoofin karaa. Waxa kale oo uu codsay in kulan
ay iskugu yimaadaan isaga iyo ganacsatada xoolaha bari.
Wararku intaas waxay ku darayaan in ganacsatadu ay u soo diyar
garoobeen waxa kasta oo dhici kara, si laxaad lehna iskugu yimaadeen
Dekedda Berbera, waliba diyaarna ay u aha in ay iska daafcaan wixii
faragalin kga yimaada dawladda.

Wixii soo kordha waynu ka war hayn doonaa.

Warkani waa xidhiidh telefoon oo Dekedda Berbera ah


M Y Cawale

No comments: