27 January, 2014

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyay Hirgelinta Kaadhka Jinsiyadda

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyay Hirgelinta Kaadhka Jinsiyadda
Hargeysa(Somaliland.Org)- Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen oo uu gudoominayay Ku simaha madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxay ku meel-mariyeen qorshaha qaadashada kaadhka Jinsiyadda oo wasaaradda daakhiligu ay bixin doonto bisha Feberwari ee fooda innagu soo haysa.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo fadhigaasi ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Golaha Wasiirradu ansixiyeen sidii loo hirgelin lahaa diiwaan-gelinta iyo bixinta kaadhka jinsiyadda Somaliland.

“Waxaynu ku falan-qeynaynay shirkii Golaha Wasiirradu yeesheen qaadashada kaadhka jinsiyadda oo wasaaradda Arrimaha guduhu ay afar maalmood ka hor ay iclaamisay inay dalka ka qabsoomayso, arrintaas ayaa lagu ansixiyay shirkan,”ayuu yidhi Ku simaha Madaxweynuhu.

Sidoo kale waxa isna shirkaasi ka warbixiyay Wasiirul dawlaha Madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees, waxaanu yidhi “Waxa maanta fadhigii aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada lagaga hadlayay oo Goluhu dood adag oo qiimo leh ka yeeshay hanaanka ay u dhacayso diiwaan-gelinta iyo qaadashada kaadhka muwaadinimada (Jinsiyadda). Dood dheer ka dib waxa la isku raacay in diiwaan gelinta qaadashada kaadhka jinsiyadda laga fuliyo dhammaan goboladda dalka oo dhan, taasi oo xaqiijinaysa. Arrintani waxay cadaynaysaa in muwaadinka u dhashay Somaliland uu qaato kaadhkiisa jinsiyadda.”

Wasiirul dawlaha Madaxtooyaddu waxa uu shacbiga Somaliland ku booriyay ahmiyadda uu kaadhka jinsiyadu ugu fadhiyo muwaadinka iyo qarankaba.

Somaliland.Org/Hargeysa




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: