20 January, 2013

Qaadiga Boorame Oo Sheegay In Mushaharooyinka La Kordhiyay Yareeyeen Furiinkii Qoysaska


Qaadiga Boorame Oo Sheegay In Mushaharooyinka La Kordhiyay Yareeyeen Furiinkii Qoysaska
Borama(GEESKA)-Qaadiga Magaalada Boorama Sh. Maxamed Siciid Saaweer ayaa shalay khudbadii salaadii Jimcaha ee Masjidka Huda ee Magaalada Boorama kaga hadlay khudbad dhinacyo badan ka taabanaysa arimaha qoyska gaar ahaan furiinka, meherka iyo barbaarinta ubadka.

Sida uu ku soo waramay weriye Cabdalel Cali Yuusuf oo borama jooga, Qaadigu waxa uu sheegay in furiinka M/Boorama oo sanadkan hoos u dhacay marka la barbar dhigo sanadkii hore waxana uu sheekha oo arimaha sababay sheegaya uu yidhi " waxa jira in ay soo badanayaan xafiisyada dhinaca sharciga u adeega, kuwaasi oo dadka u sahlay inay fahmaan qaabka qorashada dacwadooda iyo wacyiga ku aadan dhibta qoyska, dadku marka ay nooyimaadaan waxa aan iyaga oo soo fahmay wax badan aan u sheegnaa in furiinku uu yahay mid aan fiicnayn, waano kadibna qoysas badan way nala qaataan inay ka laabtaan furiinka.

Qaadiga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi " Waxa kale oo iyaduna xusid mudan, mushaharooyinka shaqaalaha loo kordhiyay oo sababtay in dhaqaalahii qoysku kobco, meeshana ay ka saartay dhibaatooyin badan oo dhinaca dhaqaalaha ahaa oo furiin sababai jiray, ugu dambayntii doorashooyinkii waxa laga dhaxlay inay dadku fahmaan qooma qofku leeyahay si ay doorashooyinka iyo arimaha kale ee dadka u baahan ay uga qayb qaataan, baahidaas loo qabo dad tiro badan mustaqbalkan waxa ay sababtay in furiinku hoos u dhaco".

Qaadi Saaweer waxa kale oo uu haweenka ka dalbay inay hoos u dhigaan qiimaha guurka qaaliga ah iyo kharashka kale ee tirade badan eek u baxaya qoyska, waxana uuyidhi " Eebe iyo islaamku waxa ay na farayaan in guurka la fududeeyo, sidaasi aawadeed waxa aan haweenka ka dalbayaa in guurka la fududeeyo oo tusaale ahaan qarash badan oo la dhigo guriga oo dhoobo u badan oo aan micno samaynayn loo badale wax kale oo qoyska waafiido ugu filan".

Boorama ayaa waxa ku soo badanaya dhalinta munaasabadaha meherkooda ku qabsanaysa maajidyada halka ay baryihii hore kaga qabsoomi jireen hoteelada iyo meelaha kale Qaadiga oo sharaxaya arintan guusha ay soo hoysay ayaa waxa uu yidhi " Dhaqamo kale ayaa na soo galay, kuwaasi oo dunida ka imanaya, arintana waxa ay sababtay in arooskii uu adkaado, dadaal badan ka dib waxa noo suuro gashay inaan ku wacyigalino in masaajidyada lala yimaado munaasabadaha meherka, Al-xamdulilah waa noo suuro gashay, qarash badan oo ku bixijirayna waa la yareeyay, waxana meeshaas ka soo baxay arin lagu farxo".

Qaadigu ugu dambayntii waxa uu sheegay in marwalba oo la helo qoys islaami ah oo dhaqankiisu fiican yahay ay ka soo dhex baxayaan awlaad dhaqankoodu wanaagsan yahay oo bulshada anfac wayn u leh.

Geeska

No comments: