INNAA LILAA WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN
Anigoo ku hadlaaya magaca Ururka Somaliland Democracy Shield, iyo magaca reer Cabdi Carwo, iyo kan xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ubadka, tafiirta kale, ehelka, qaraabada, xigaalka, iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa Shacbiweynaha Soomaliland, gaar ahaan Gobalka Maroodijeex ee uu ilaa xiligii isticmaarka kaalinta koowaad kaga jiray dhismaha bulshada.
Alle ha u naxariistee Cabdillahi Oomaar Cawaale waxa uu ku geeriyooday maanta 07/06/2009 magaalada Hargeysa ee xundhurta u ahayd. Cabdillahi Oomaar waxuu ka mid ahaa asaasayaashii ururkii xoriyad doonka ahaa ee NUF, waxuuna ahaa isaga iyo Axmed Yuusuf Ducaale iyo Alle ha u naxariistee Axmed Jimcaale raggii hirgeliyey warbaahintii jaraa'idka ee ugu horreysay Soomaliland 50naadkii kolkay aasaaseen jariidadii Al-Liwaa ee af carabiga ku soo bixi jirtay. Waxuu Alle ku hibeeyey ganacsaiga oo uu u leexday xoriyaddii ka dib, isagoo aqoonsanaa in hadafkii siyaasadda uu gaadhay loona baahan yahay dhismaha dhaqaale iyo shaqo abuur bulsho. Sanadadii lixdanaadka waxuu ahaa ragga siyaasadda xagga dambe ka wada oo uu hormood muuqda ka ahaa dawladihii ay hogaaminayeen Cadbirashiid iyo Cabdirisaaq. Waxaa loo yaqaanay nin hoggaanka soo saara ( Kingmaker). Xilligii halganka SNM waxuu ahaa tiir adag oo u fadhiya London, isagoo taakuleyn jiray Hoggaanka kasta oo SNM soo maray, sida uu sheegay Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Siilanyo, oo qiray inuu meelo adag SNM cabdillahi Oomaar ka kaafiyey oo gurmadkiisu furdaamiyey.
Cabdillahi Oomaar waxuu muujiyey dal jacel aan xadkiisa cid kale gaadhin. Waxuu u soo guuray dalkan Ingiriiska 1970kii ilaa maalintaasna muu qaadan baasaaboor ajanibi ah. Kolkii Soomaliland xorowdayna waxuu goostay inuu dib ugu guuro xaruntiisii Hargeysa, xili dadkeedu ka soo cararayeen, oo weliba dagalkii 1996-1997 fidnada ee ehelku isku dilaayey uu socday.
Cabdillahi OOmaar waxuu ahaa nin cibaad badan, oon salaad, iyo quraan akhris waagu ugu baryo uguna dhammado, af-gaaban, shaqo badan oo dhowrsan. Cabdilaahi waa nin ubadkiisa si wacan u koriyey, gaadhsiiyey inay dhammaan ka soo baxaan Oxford University. Waxuu ifka kaga tegay hal xaas, laba wiil iyo laba gabdhood dhammaan ah xiddigo ka muuqda carada Soomali degto iyo dhul ka durugsanba. Waa Maxamed Cabdillahi Oomaar oo Wasiirka Debedda ee Soomaliya ah, Waa Raaqiya Cabdillahi Omaar, aqoonyahan, garyaqaan, caan ah oo xuquuqul insaanka Africa aad loogu tixgeliyo. Waxa Raaqiya reer Soomaliland ku xusuustaan kaalintii warfidinta iyo iclaaminta halganka SNM ay ka qaadatay, waxaana markhaati u ah buuga.. Government at War with Its People...Waxaa isna aan ka maqaam yareen saxafiga caalamiga ah ee Raage Cabdillahi Oomaar, oon cidna loo sheegeen. Wanaaga ubadka Cabdilaahi ifka kaga tegay ayaa markhaati u ah wanaaga uu lahaa, iyo Saynab oo odayga Hargeysa la joogtay.
Marxuum Cabdilaahi Oomaar Cawaale, waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.
Ahmed Arwo
President
Somaliland Democracy Shield
Cardiff UK
samotalis@gmail.com
No comments:
Post a Comment