Socdaalka dhukuska ah ee uu Madaxweynuhu ku tegey Burco iyo Hawdkeeda , waxa loo arkaa keliya, Xil ka tirin ruuxi ah, waayo, waxba umuu Gudbin Dadkan uu soo booqdey, toddoba shey uu hore ugu ballan qaadeyna , dabaysha ayey raaaceen!! Kallifaad ayuu ku ahaa socdaalkani , marka la eego teknikada faraha badan ee ku gadaaman iyo sida aanu hudheelladii waaweynaa midna u gelin ee aan shilin hudheelladu uga faa'idin socdaalkiisa,wax kalena iskaba daaya!!
Saddex xaalo saddexdaba socdaalkanu munaasib kuma ahayn Madaxweynaha. Isaga oo aan rumeyn ballan qaadyo uu gobolka u sameeyey iyo isaga oo aan waxqabad u soo yeelan Gobolka sidii uu xilka u qabtey. Tan labaad oo ah waqtigan kala guurka ah oo dadku ay aad ugu waayo arag yihiin in Badda la rinjiyeeyo oo Dalka khayraad badani ka soo butaco, beer aad qurux badanna , dadka cagaha loo geliyo oo April Foolta la mid ah!!Midda saddexaad oo ah, Doorashadii oo ay saddex Bilood ka hadhsan tahay, in uu kaambeyn Doorasho, nasiib darro, weji ka sii horreeyey aan lahayn la socdo, dadkuna ku gartey.
Inta meelood uu booqdey mid aan inta si fiican loogu sooryeeyey , oo dhaqanka Dadkan ah, iyo Maamuuska Madaxweyne ee ay ummaddu siiseyba, aan haddana xujooyin lagu aamusiin ma laha. Mid uu 10 mirir joogo mid uu saacad joogo iyo mid uu iska dhaafoba!! Waxyaabaha Dadku kula hadlen uma maleynayo in uu Madaxweynuhu moogaa ee waxa naga degi la' , waxa uu ka dooney Gobollo uu horeba ugu dabrey Puntland, dhaqaale iyo ahaan!! Madaxweynaha caasimaddii u joogey ay harraad la go'ayso ee aan uba jeedin, Maalin walba jeex bes beelayo ee aan Dab-demis lahayn, Haddii; laa samaxa Allaah, ay Dalalkan jiwaarka ka soo tallaabaan xanuunada faafa, aan lahayn goobo karantiime, qalabkii iyo shaqaalihii aqoonteeda iyo Hawlkarnimadeeda lahaa. Madaxweynahan maamul-Xumo Gaadiidkii Dawladda iniba meel ku Dayacan tahay , lagu iibsado, lagu fufurto iyada oo Gaadiidka Dawladdu meel keliya oo lagu xareeyo lahaa, lagana xakameeyo, Rinji u gaar ah oo lagu yaqaannona lahaa!! Ma waxba yaan
loogu iman baa haddii la dooran waayo!!?
Doorashada Serverka laga sugayey 21ka june liistooyinkii ugu horreeyey, waxa kaba soo hormaray iyada oo aan ilaa imika qaabkii farsamo ee hawsha loo geli lahaa aan laguba heshiin, Maamulku qaybtii kharashka laga sugayey aanu bixin weli, qodobkii lagaga Arrinsanayey Guddiga Doorashooyinka Beddelkooda, wax ku kordhintooda ama sidooda u deynta oo laysku mari la'yahay. iyo Serverka Laftiisa oo Mushkilad Siyaasadda Somaliland ku soo korodhey, sida Mobeylku qoysaska ugu yahay Mushkilad soo korodhey oo Masruuf Gooniya oo Qasab ah isku diwaangeliyey qoyskii!!
Waxa maanta laga hadlayaa waxqabasho aan hadal ahayn, Run sheegnimo oo xasaasiyad Maamulkani labada ka qabo, Adhiga dhoofkiisa oo laga xoreeyo Carabka, Shidaalka oo Laga xoreeyo Total, Baki iyo Selel oo Lacagta Birrta iyo Faranka laga xoreeyo, Gobollada Bari oo Giimbaarta laga xoreeyo, Xaabada Goleyaasha sharci-Dejinta oo inta aqoonta iyo qawmiyadda leh laga reebo, Guurtidana Albaabka loo xidho, Dalkuna Dal Rai'iisal Wasaare, Dawlad kooban oo Tayo lehi hoggaamiso. Dastuurkan cawrada noqdey la Asturo oo Xeer baa qeexi aan laba sameyn iyo Godadka badan ee ku jira la saxo. Dhaqaalahan aan cid og iyo cid Xisaabisa iyo Halka uu ku baxo, Shuruuc dhaqaale muujineed, iyo Ciidammadii Maaliyadda loo helo. Si ay ay kuwan aan kor ku soo sheegey iyo Caddaaladda u afduuban imika Madaxtooyada iyo Haybaddii qarannimo loo helo, waa in Degdeg loo Darajeeyo Ciidammada qaranka , haddii kale qofowna ha ku Riyoon Qarannimo ee maleeshiya kaaki loo geshay ayaa Dalka lagu
haysanayaa weeye, shuruucduna waa waxa uu Dictatorka keligii taliska isqorey uu yidhaahdo!!
Sifaha muuqdase , waxa weeye, Riyaale iyo Toddoobaadyadii faqashtu, inay si fiican isu raacayaan, lagana raaxaysan doono. Madaxweyne Xaaskiisii Baasaboor jabuutiya, Faransiiska iskaga dhiibtey oo halkaa ka taagan Dalka uu ku magacaaban yahay, kumaa xilka Dalka dib ugu aamini lahaa? Federaal , Ittixaadi, iyo Shabaabi!!
Adaa noo roon Allahayow!!
Dr. Cali Cabdi Muxumed.
No comments:
Post a Comment