31 July, 2009

LABA SANO KA HOR MAXUU HADRAAWI KA YIDHI MADAXTOOYADA SOOMALILAND...WAANA ARRIN WALI TAAGAN

Abwaan Hadraawi oo si Mug & Miisaan Leh u Naqdiyay Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa, Oktoobar 12, 2007 (Geeska)- "Masuuliyada ugu weyn ee dalka iyo dadku waxay saaran tahay madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada, xaajo cad iyo xisaabtanna way danbeeyaan haddii la noolaado." Sidaas waxa yidhi Abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) oo shalay xaruntaGeeska Afrika ee Hargeysa khadka Isgaadhsiinta ee Internetka ku soo gaadhsiiyay qormo dheer, isaga oo jooga magaalada Burco.

Mohamed Warsame Hadraawi

Abwaan Hadraawi, waxa uu qormadiisa kaga hadlayaa arrimo badan oo ay ugu horrayso ergadii dhexdhexaadinta ee dhawaan ku guulaystay in ay suuliso khilaaf siyaasadeed ba'an oo si weyn uga dhex oogmay goleyaasha xukuumadda iyo asxaabta siyaasadda, tallooyin uu u jeediyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo arrimo kale oo xiiso badan. Waxa uu qoraalkaas Abwaan Hadraawi oo dhammaystirani u dhignaa sidan:

"Sida laga warqabo waxaa dhawaan magaalada Hargeysa laga aloosay abaabul ku wajahan dhexdhexaadinta dhinacyadii isku maandhaafay talada dalka. Gaar ahaan goleyaasha, mucaaradka iyo muxaafidka ama axsaabta siyaasiga ah iyo madaxtooyada. Waxa laysku deyey in dhinacyada is haya ee isu iman kari waayey ama iyagu heshiin kari waayeen la isu soo jiido, khilaafka iyo waxay isku hayaanna loo kuurgalo ama lala ogaado, si yuhuun, niyadsami wada shaqayni ka dhalato loo helo. Taas oo maslaxad u noqon lahayd dalka iyo dadka. Dhexdhexaadintaas rag baa iyagu isu xilsaaray, ummadduna way ku garab taagnayd. Guddida dhexaadintu waxay ku dheeraatay dhabbadhabbayn iyo inay dhinac walba kol ama laba ama saddex goor gooni ula kulanto si ay u ogaato dareenka dhinac walba ka jira iyo waxa dhinac walba xal u arko. Dhinacyadii is hayey waxay muujiyeen dareen xanbaarsan yididiilo, waxay ballan qaadeen in dhinac waliba fuliyo waxa guddida dhexdhexaadintu soo garato. 

Ka dibna waxaa suuragashay in madaxtooyada, golaha wakiilada, golaha guurtida, labada xisbi siyaasi (UCID iyo KULMIYE) laysa soo hor fadhiisiyo. Hawshaa iyada ah qaybtii macnaha weyn yeelan lahayd laguma guulaysan. 

Anigoo ka mid ahaa Guddida isu xil saartay waawaan raadinta waan ka warqabay in qalad meelo badan iyo siyaabo badan u jiro. Laakiin waxaan muddadii dhexdhexaadinta ku baraarugay in khaladka ugu weyni ka jiro madaxtooyada. Madaxtooyadu waxay ahayd inay noqoto waddo xaadhan oo loo sii maro sixidda khaladada jira. sidaan filayo khaladka madaxtooyada ka jiraa kulligii salka kuma hayo badheedh iyo qab qab dhaafay. Waxaa ii baxay in madaxtooyada aqoon la`aani ka jirto oo aanay kaba warqabin hannaanka dawladnimo iyo macnaha ay xanbaarsan yihiin ereyada dawladnimo iyo madaxtooyo. Waxaan ogaaday in aragtida madaxtooyada ka jirtaa aanay dhaafsiisnayn, tuducan gabayga ah:

Garashadu hadday ruux la tahay       suu u garanaayo 
Garaadkiisu suu qabo           haddii loola garan waayo 
Gardarruu u qaataa         ninkii yidhi gaaraadkiis.

Labada magac, dawladnimo iyo madaxtooyo waxaa haboon in si xeeldheer loo faaqido, ka dibna iyadoo qoraal ah lagu dhejiyo kursiga madaxweynaha hortiisa, balse iminka aan isku koobo dhawrkan qodob ee hoga tusaalaha ah. 

1Madaxtooyadu waa huga, hoyga iyo haybadda umadda
2 Waxay astaan u tahay macnaha iyo milgaha dawladnimo
3Waa halbowlaha iyo xididada dhiigga is dhaafdhaafiya ee marba dhan u talowsha.
4 Madaxtooyadu waa barta laga ilaasho, lagana saxo khaladka soo dhexgala hay'adaha dawladda
5Waa majaraha iyo majiiraha geeddi socodka qaranimo lagu jiheeyo.
6 Waa muraayad gudaha iyo dibaddaba ku wajahan oo ummad qaranimadeeda laga daawado. Wufuudda caalamka debeda ka timaada mar walba socodkoodu wuxuu ku salaysan yahay war doon. War raadintooda waxay ku horreeyaan madaxtooyada sida la wada ogyahay. Marka horeba waxay indhaha ku dhuftaan Madaxweynaha iyo xafiiskiisa. Inta aan arrimaha rasmiga ah loo daadegin haasaawaha hordhaca ah ayay  fekrad kaga qaataan madaweynaha. Marka rasmiga la gudo galo waxay u fiirsadaan abaarta madaxweynaha, arrinta uu ka hadlayo iyo habka iyo hannaanka uu uga hadlayo. 

Haddii madaxweynahaas kalsoonidu ka lunto su'aalo iska soo horjeeda yay ku weeraraan. Markaasay marba si u hor cararaan. Hadday gawaan raac, marin hababin ama buunbuunin ka dareemaan waxaa u caado ah inay buruud shiilaan oo ay duurxul dhaliilihiisa ugu sheegaan. Runta ay qiimayntooda ku salaynayaan waxay kala soo dhex baxaan beenta uu ku gabado. Hadba waxay madaxtooyada kala kulanto ayaa dadka iyo dalka faa`iido ama khasaare u ah.
7 Marin habaabinta, buunbuuninta iyo beenta madaxtooyo sheegto ayaa lagala soo dhex baxaa runta iyo xaqiiqda dalkaas ka jirta 
8Sida lagu yaqaanno madaxtinimadu waxay leedahay milgo, asluub iyo astaan  ilaalisa haybada kursiga iyo xilkaas madhaafaanka ah.
9 Waxaa madaxtinimada lagu yaqaan is dhawrid iyo afgobaadsi iyo had iyo jeer abbaar sugan oo qorqoran.
10Erey kasta oo ninka ummadda u caleemasaarani yidhaahdaa waa rasmi. Kefed iyo miisaan buu saaran yahay, wixii qadafa ama meel kadhaca lagama aqbalo.
11 Ninka madaxda ah hadalkiisu waa in aanu ku milmin hasaasaha iyo haloosiga suuqa dhex qaadaya.
12Madaxtinimadu inta badan kama jawaabto wax kasta oo iyada wax ka sheegaya, haddii ay ka jawaabtana waxay kaga jawaabtaa hab iyo hannaan aan madax bannaanayn. Iyo weliba hubsiimo si degan loo yidhaahdo.
13 Madaxtinimadu ma beeniso mana dadafayso, muran ma geliso wixii gar ku ah. Haddii sidaas lagu barto waa dhalliil wayn oo lafa jab ah. Dhinaca kalena garashadu waxa ay ina bartay in aan run mutuxan xadhko caabiyaa jirin.
14 Madaxtinimada erey kasta oo lagu yidhaahdaa kama hadliyo oo dareenkeeda ma shido
15Jawaabta Madaxweyne bixiyaa ma haboona inay marwalba noqoto maya iyo ma jirto
16 Madaxtooyada iyo kursiga madhaafaanka ah nuxurka iyo dhadhankaa ka luma hadday wax walba ka jawaabto, ama arimaha si fudayd ku jiro u gasho.
17Marwalba qofka Madaxtooyada wax ka sheegaa ma khaldana, canbaarayn iyo caardumina uma jeedo, dhaliilaha runta ahna laguma horjoogsan karo ereyo afdhabaandhab ah iyo weliba dardaar werin aan cidna lagu didin karayn.
18 Madaxtooyadu iska mooska dhaliilaha loo soo jeediyo waxay u yeelataa wasiirro, kuxigeenno iyo af-hayeenno iyo cid Madaxweynaha uga fara dhuudhuuban oo arrimahaas ka hadasha.
19Ma aha in marin laga dhigto in qofkasta oo hadla Madaxtooyadu boodhka ku liqdo si ay iyadu gar iyo gardarro u guulaysato.
20 Macne kuma jiro in Madaxweynuhu noqdo keeb la yuurur runta ka indha qarsada.
21Qaranimadu halis bay ku jirtaa haddii ninka u bokhrani caado ka dhigto, anafo iyo aar goosi ama qaado cudurka la yidhaahdo kal didan oo uu arrin kasta laalo si mar walba loo sii kala  fogaado.

Sidaan marar badan u idhi madaxtinimadu:

tooghayn iyo feejignaan bay leedahay, 
odoros iyo awaal deyis bay leedahay,
sabir iyo dulqaad bay leedahay, 
tasaamux iyo tanaasul bay leedahay,

Isla daydayid iyo maxay dantu ku jirtaa bay leedahay,
Siday nolol iyo nabad gelyo ku jiri kartaa bay leedahay,
In lafaha laguro xarragana aan laga tegin bay leedahay,
Dugsi iyo daar gobanimo bay leedahay
Xishmo iyo is xaqdhawr bay leedahay
Xirib iyo xeer ilaalin bay leedahay
Cadaalad iyo garsoor la dugsaday leedahay
Erey la dhaafiyo dib u dhigashay leedahay
Dugaal iyo damal la hadhsaday leedahay
Digtoonaan iyo daymo fog bay leedahay
Intaas iyo in ka badan bay leedahay.

Hadal sal buu leeyahay, biyo gororka sheekada iyo ujeeddo aan maqaalkan uga gol leeyahay, waa in madaxtooyada digtooni iyo aqoon siyaasi ahi ka jirto oo aanay indhaha shacabka iyo indhaha caalamka maro xuub caaro ah (khafiif ah) ka hagoogan. Waxaan madaxweynaha mar kale ka codsanayaa in ragga miisaanka leh ee Qaran si niyadsamiyi ku jirto u sii daayo. Waxaan ogahay in madaxweynuhu sidaa yeeli karo isagoo aan geed ku xoqosho iyo cudur daarro keenin mar haddii hannaanka dalku ku socdaa yahay qarba-boosh, xeer jajab, gola ka fuul iyo la jiifiyaana banaan, la joojiyaana banaan. Waxaan mar kale madaxweynaha u soo jeedinayaa in raggaas si xushmad leh loo sii daayo oo aan xorriyaddooda lagu sii dhegin, xaquuqda siyaasiga ahna aan waxba lagu gudbin.

Madaxweyne, waxaan kugu baraarujinayaa inaad qodabadan hoga tusaalaha ah dhinaca wanaagsan iska taagto si aad u ogaato inaan adiga kula jiro oo aanan kaa soo horjeedin. 
Madaxweyne aniga hay Jawaabin ee qaranimada kuu yeedhaysa u jawaab.

Qof kasta oo dareeen wadaniya leh waxaa kashiisa lulaya werwer ku saabsan xaaladda dalka iyo dadku ku sugan yihiin. Haddii culayskaas dadka saarani  sii foondhaafo waxaa la filaaba waa in xaajaba faraha ka baxdo, waana masuuliyad aan berrito laga baxsanayn ama aan si fudud lays kaga leexin karayn. Nin kasta oo masuul ah waxa uu isu min guuriyey iyo malihiisu waa been hadii masuuliyada uu hayaa ay lunto. Masuuliyada ugu weyn ee dalka iyo dadku waxay saaran tahay Madaxweynaha iyo Golihiisa Wasiirada, xaajo cad iyo xisaabtana way danbeeyaan haddii la noolaado. 

Dhiillada aan  guud ahaan umadda ku baraarujinayaa waxa weeye sida ay u sii gurmayso iyo sida ay u baraad la`dahay waa kaaf iyo kala dheeri. Arrintu halka ay ka fadhidaa waa kaalinta hogaaminta iyo shacabka oo aan meelaba ka soo gelin talada dalka.

Qofba wuxuu ku dagan yahay 
Halkuu daacad kaga hadho 
Nin kastoo dardaro kulul 
dabar lagu ceshaa jira 
Diin kastuu la soo shiro 
Dacwad baa ka furan kale 
Dunta Bili nin lagu xidhay 
Dabin loogu yimi bahal 
Haddii aano loo dilo 
Doqoniimo ugu filan 
Cirka sare nin degeshaday 
Dayixiyo marmari jirey 
Xiddigaha la deriska ah 
Markuu hoos u soo dego 
Dhulku wuu dir soocaa.


U danbayn, maansadan waafaqsan dulucda ujeedada iyo xaaladda jirtawaxay ka hadlaysaa xeerka nolosha iyo waajib gudashada Bani`aadamka korkiisa la saaray iyo haddii waajibkaa la gudan waayo guul-darrada imanaysa. 

Maansadan soo socota magaceeda waxaa la yidhaahdaa:
                         SARDHO KULUL

  1. Marka hore salaantii
  2. Socotada u meel tiil
  3. Marka xiga sideedii
  4. Duni iyo su'aasheed
  5. Labadeeda sooyaal 
  6. Sidig nirig wadaagtiyo
  7. Isa saaran maahee
  8. Samo xumo hor joogiyo
  9. Laba kala sokeeyoo
  10. Kala seeran weeyaan,

  11. Haddaan suubban loo deyn
  12. Sumaddeeda dhalashada
  13. Kala sooca labadaas
  14. Duni lagula saayirin
  15. Sinji doorinteedaan
  16. Runta laga sal gaadheyn 

  17. Haddii fool sawaabkiyo
  18. Lagu wado far iyo suul
  19. Waxa Aadmi soli kara
  20. In siyaasad lagu furo
  21. in sabaansab lagu furo
  22. Nin ku seexday waa yaab
  23. Xaqu waa sunniyo faral
  24. Marna waa sir iyo caad
  25. Misna waa sal iyo baar
  26. Camalkaa sed lagu xidhay
  27. Qofba saami mudan yahay,
  28. In sinnaanta laga dhigo
  29. Kala soof in gudashada
  30. Qofba dhinac ku sare kaco
  31. Rabbi waa Samaalee
  32. In samaan u xilashada
  33. Samihiisa lagu helo
  34. Samo samo la dhaafishiyo
  35. Sare iyo tu hoosiyo
  36. Isa sudhan ha noqotaa
  37. Sababuhu u dhacayaan

  38. Noloshuna ka samirkiyo
  39. Ha sabbayso maahee
  40. Sifo lagu daryeeliyo
  41. Suxul lagu ilaashiyo
  42. Sacab lagu horjoogiyo
  43. Suntan malab ka luliddaa
  44. Hiyi lagu sarbeebaa 

  45. Sebennada xujeynta ah
  46. Wakhtiyada saboolka ah
  47. Qofku inu sarriigtiyo
  48. Inu saanta raransado
  49. Sabirkaw dhexeeyoo
  50. Sado waxay macaantahay
  51. Marka loo sid tiriyoo
  52. Qofba saakadiisaa
  53. Ku sargo'an runtiisee
  54. Waxan suuro geli Karin
  55. In yaqiinta lagu sugo
  56. Marba xadhig la soohiyo
  57. Haddaan seeto loo hayn
  58. Naftu way sawaxantaa
  59. Hadday saar ku nool tahay
  60. Marka saabku madhan yahay
  61. Saxarkay ka gubataa
  62. Subaxday gurracantahay
  63. Haddba surin qalloociyo
  64. Salawgay ku dhacantaa
  65. Marba suun in lagu xidho
  66. Laga jiro su'aalaha
  67. Sal fudaydku weheshado
  68. Cishadeeda lagu simo
  69. Sooryaadeedu waa taas

  70. Duni iyo sureerkeed
  71. Iyo sawrac guurkeed
  72. Sabo lagu negaadiyo
  73. Sumbbo aan dab lagu shidan
  74. Hadba kay ku sugan tahay
  75. Innagaa ka sahanoo
  76. Dabinkiyo sursuuraha
  77. Ha ku socoto maahee
  78. Haddii suurka loo tumo
  79. Saymaheeda meel yaal
  80. Innagaa ku Soconoo
  81. Qof sansaanka muuqdiyo
  82. Sadarada akhriyayaa
  83. Belo saadin maayee
  84. Sanqadh buu ka digayaa
  85. Selel lagu dareemee
  86. Hadba taan la sidan Karin
  87. Sahal lagama yeeshee
  88. Ku saliya Rasuulkii.
  89. Run-saluugga fara badan
  90. Suruc baa ka beermoo
  91. Kol hadday ku sabayaan
  92. Col sariirta diidiyo
  93. Saqda dhexe fal-gunudadu
  94. Talo kuuma sarinsana
  95. Siduu doono yeeloow
  96. Kol haddaanad suurayn
  97. Sababaha lurkaaga ah
  98. Runi kuuma saafnee,
  99. Sannadaha cimrigu galo
  100. God sagaal jir lagu dedo
  101. In siddeetan lagu qodo
  102. Ka sadqayso weeyee
  103. Kol hadday ku seegeen
  104. Saddexdii ammaanood
  105. Sayidnimadu sheekiyo
  106. Iska sidasho maahee
  107. Sidaad doonto yeelkaa

  108. Sixir baa hor kacayee
  109. Kol haddii mugdigu simay
  110. Sumuc loogu mala deyey
  111. Soddonkeeda maalmood
  112. Sahwi iyo xanuun tahay
  113. Ninka lihi ka saahiday
  114. Culimada safkeediyo
  115. Weliyada sancayntiyo
  116. Nin siraata yeelkii.



Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi

No comments: