11 June, 2013

Odayaal Reer Buuhoodle Ah Oo Caasimada U Yimid Xil Guurtida Laga Eryay Oo Waji Gabax La Guryo Noqday Kadib Markii Kursigiisii La Buuxiyay Iyo Mudanaha Xisaanada Laga Qaaday Oo Ka Hadlay

Odayaal Reer Buuhoodle Ah Oo Caasimada U Yimid Xil Guurtida Laga Eryay Oo Waji Gabax La Guryo Noqday Kadib Markii Kursigiisii La Buuxiyay Iyo Mudanaha Xisaanada Laga Qaaday Oo Ka Hadlay

Hargeysa, June 11, 2013 (Haatuf) – Odayaal ka soo jeeda beelaha deegaanka Buuhoodle oo dhawaan caasimada Hargeysa u yimid xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Faarax oo xisaanadii golaha guurtida laga qaaday, isla markaana kursigiisii uu buuxiyay xubin ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle ayaa waji gabax kala huleelay Hargeysa todobaadkan, ka dib markii shirguudonka guurtidu ay ku adkaysteen in xubintaasi muddo dheer golaha fasax la’aan uu kaga maqnaa deegaanka Buuhoodle. Shirgudoonka golaha guurtida ayaa la sheegay inay gaashaanka ku dhufteen in xildhibaankaasi golaha guurtida laga saaray ee odayaasha beeshiisu u doodayeen aanu golaha dib ugu soo noqon doonin, isla markaana kursigiisii si rasmiya loogu buuxiyay xubin ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle. Cabdiraxmaan Cabdi Faarax oo ah xildhibaanka golaha guurtida alaga eryay, isla markaana odayaasha beeshiisa ee caasimada u yimid sidii loogu celin lahaa golaha guurtida la socday oo waji gabax kala guryo noqday, ayaa mar aanu kula xidhiidhanay shalay galab khadka tilifoonka isagoo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyay in kursigiisii golaha guurtida lagu buuxiyay xubin ka soo jeeda deegaankooda Buuhoodle, isla markaana ku eedeeyay shirgudoonka golahaasi inay ka dambeeyeen talaabada erigiisa, isagoo arrinkaas aanu wax ka waydiinay erigiisa ayaa waxa uu yidhi “Aniga iyo odayaashii ila socday waxaanu ku noqonay magaalada Buuhoodle arrinkaasi golaha guurtida laygaga saarayna waxa ka dambeeyay Saleebaan iyo Siciid, kursigaygiina waxaa lagu buuxiyay nin Hargeysa iska joogay, arrinkaana waa layskaga imanayaa oo dhawaan ayaanu mar labaad ku soo noqonaynaa Hargeysa”




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: