11 June, 2013

CISMAAN AWR LIQE OO LA SII DAAYEY: MAXUU SE KA YIDHI TALIYAHA BOOLISKA....


Ma Ka Dhabaa Cismaan Awr Liqe Taliyaha Booliisku Inuu Mutaystay Darajada Jananimo?



Ma ka dhabaa Cismaan Awr liqe Taliyaha Booliisku inuu mutaystay darajada Jananimo? Nasir Mohamed Abdilahi

Cismaan Awr-liqe “Waxaan ku Hambalyaynayaa Fadal darajada uu mutaystay ee lagu tolay”

Cismaan Awr liqe oo kooxda la dagaalanka Argagixisadu habeen dhaweyd gurigiisa kala baxeen isaga iyo laba wiil oo uu dhalay ayaa manta Maxkamaddu soo daysay sida uu warbaahinta u sheegay isagoo falkaas lagula kacay qoyskiisa ku tilmaamay dhagar laga galay.
Cismaan Awr liqe falka foosha xun ee lagula kacay waxa uu ku Hambalyeeyay Taliye Fadal oo uu sheegay in uu mutaystay darajada Jananimo ee lagu tolay isagoo xusay weedhihii ku digashada ahaa ee uu xadhigiisa ka fidiyay inay ahaayeen kuwo runt ka fog oo malaa uu islahaa Dalka ayay u danaynayaan.

Hadaba su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay Taliye Fadal ma u qaalmaa darajada Madaxweyn e Siilaanyo siiyay ee Sareeyo Guuto ee uu Mujaahid Cismaan Awr Liqe u Hambalyeeyay?

Su’aashaasi malaa waxay u taalaa bulshada oo dhan, laakiin anigu hadaan isku dayo waxaan odhan karaa hadalka Cismaan Awr Liqe oo mid loo akhrisan karo dhinaca kale ama taas bedelkeeda jawaabtu in ay tahay Maya.

Taliye C/laahi Fadal waa waayo arag shaqada Booliiska muddo badan ku soo jiray, laakiin darajo ahaan mansabka loo cumaamaday waxaan u arkaa sida Cismaan Awr Liqe ugu amaanay in aanay ahayne lagula deg degay oo ay ahayd in la siiyo mid uu qaadi karo.

Inkasta oo aanan aqoon fiican u lahayn wakhtigii Dawladdii Siyaad Barre darajadiisuw axay ahayd hadana waxaan dadka ka maqlaa in uu lahaa laba qundhacood oo imika u dhigmi karta laba Xidigood oo marka laga qiyaas qaato sida ay bulshadu ugu xisaabtanto daymihii la isku lahaa Dawladdii Macalinka u ahayd saraakiil badan oo wali taliye balse ay ahayd in ay raacaan.

Cahdiga Somaliland sooyaalkeeda Taariikheed Taliye Fadal hawlo badan oo adag buu ka soo qabtay tusaale ahaan marka aan ku qiimayno mudadii uu ahaa Taliyaha Hawl galainta Booliiska Somaliland, waxaanu ku suntanaa madaale gacan yare wanaagsan u ahaa Taliyihii xijaabtay ee Saqadhi, kaasoo mudnaa xilka maanta Fadal hayo.

Waxa xusid mudan inta aan ka ogahay bixinta Darajadii Ciidamadda Somaliland ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku faanaysay sanadkan in ay qaybinayso in waxyaabaha fashilayay uu horsed ka yahay Taliye Fadal iyo inta xilka manta ciidamadda ka haysa oo qaarkoodna lagu tolay darajo aanay qaadi Karin, qaarkoodna la ogaaday xilal aanay lahayn markii ay qorteen in ay fashilanto oo ay xukuumaddu awoodi weyday in ay bixiso.

Waxa igu maqaalo ah bixinta darajadii ciidanka in lagu xidhay in Koorsooyin danbe loo diro Ciidamadda si loo sugo aqoontooda iyo masuuliyadda loo dhiibayo, haddii ay taasi jirto Madaxweyne Siilaanyo waxaan u soo jeedin lahaa Taliye Fadal inuu ku daro kuwaas maadaama sida wararka ku tidhi ku teenka ah ee laga soo warin jiray madaxtooyadda intaan darajada la bixin ay ishaari jireen in Madaxweyne Siilaanyo Jananimada Fadal ka gaws qabsaday balse lagu duduucay.

Marka aan u soo noqdo jawaabata hadalka Sarbeebta ah ee Cismaan Awr Liqe ugu jawaabaya Taliye fadal waxaan u arkaa intaa aan ka soo sheegay iyo inkale oo ay bulshadu ka war hayso midkood toona Fadal in aanu u qalmin Hambalyada uu Cismaan huwiyay oo aan odhan karo waxay jawaab u tahay digashadii uu warbaahinta u mariyay Taliye Fadal mujaahidka.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: